Sharcigu qof walba ma qabtee danbiilaha ayuu qabta
 

 

 


Maqaalkan waxa aan kaga jawaabaya qoraal uu shabakkadda Hadhwanaag ku qoray Cabdi raxmaan Cismaan Caaalin ( C/Dheere ), oo ah Gudoomiyaha Guddida Dastuurka, Cadaalada, Shuruucda, iyo Xuquuqal-insaanka ee Golaha Wakiilada, oo qoraalkiisa ku cadeeyey sedan, (Hadaan Wasiirka Arimaha Debeda Dr Moxamed Cabdillaahi Cumar maxkamad la horkeenin, in aan Siyaasiga Jaamac Moxamed Qaalib waxba lagu lahayn.)



Hadaba inta aan jawaaabta gudoomiha galin, waxa jeclahay in aan iftiimiyo oo aan qeexo s adexda qodob ee saldhiga u ah qoraalka u ah gudoomiyaha. Si ay ugu fududaato qof waliba in uu fahmo dulucda qoraalkiisa iyo jawaabta aan siinayo. Kuwaas oo kala ah:

1. Xeerkii labada gole ansixiyeen ee ku saabsana Arimaha la xidhiidha falalka Qaran dumiska ah.

2. Xukunkii Jaamac M Qaalib, iyo

3. Falka uu ku baaqay in maxkamad la horkeeno Wasiirka Arimaha Debeda Dr Moxamed Cab illaahi Cumar.


Si ay inoogu kala cadaato bel aan qodob welba gaar ahaan u falanqayno oo aynu arinta ma dmadogan gudoomiyuhu galiyey ka saaro.

Qodobka kowaad oo ah xeerkii labada gole ansixiyeen waxa uu ahaa qodob dastuuri ah oo xaaraantinimaynay in aanu muwaadinka u dhashay Somaliland ka qayb kali Karin shir la gu duminayo hornimada iyo gooni isu taaga Somaliland, isla markaana aanu ka qaybqaadan maamul iyo falal qarannimada Somaliland wax u dhimaya. Waana qodob dastuuri ah oo qab anaya qofka reer Somaliland ee ku kaca arimaha ama falalka aynu halkan ku sheegnay.


Qodobka labaad oo ah Jaamac M Qaalib isaga ku dheeraan mayo. Waa nin oday ah, siyaa si ah, una dhashay dalka Somaaliland kana talaabsaday xeerkii dal u yiil, danbegeediina lag u qaaday, sidii nin walba oo wadani ah oo ka talaabsada xeerka dalka loo xukumilaha.


Qodobka sadexaad oo ah Wasiirka Arimaha Debeda Dr Moxamed Cabdillahi Cumar, isagu waa Wasiir ka tirsan Wasiirada xukuumada tala dalka haysa. Sida aynu ognahayna maamu lku waxa uu leeyahay hab siyaasadeed oo uu hawlaha qaranka ku fuliyo kuna hirgaliyo mad axna uu ka yahay Madaxweeynaha qaranku. Suuragal maaha in Wasiiradu ka talaabsada h abka isaga ah, falkii ay doonaana ay ku kacaan.

Bal hadaba aan soo qaadanao falka iyo danbiga uu gudoomiyuhu in maxkamad lagu horkiino Wasiirka Arimaha Debedu waxa uu yahay. Shirkii Wasiirku kaga qaybgalay magaalada Lond on ee dalka ingirriska. Malaha gudoomiyihu kama war qabo ee, Shirka waxa qabtay hayad caalami ah, nuxurkiisuna waxa uu ahaa sidii xal loogu doonilaha arimaha Soomaalida guud ahaan, haddii ay tahay xag siyaasadeed, iyo haddii ay tahay xag deeqeedba. Sida darted ayaa martiqaaday Somaalilan in ay shirka ka soo qayb gasho. Si ay suuragal u noqoto in q olawaliba doodooda shirka ka sheegato, sidaana xal siyaasadeed loogu radio xal siyaasi ah oo waara. Sida darted ayaanu Shirkani u ahayn mid lagu duminayoo qaranka Somalilaand, waxa se uu ahaa mid Somalilaand ku gudbinayso mowqifkeeda siyaasadeed. Hadaba, ha day taasi tahay danbi wasiika maxkamad lagu korkeenu, wax aan leeyahay, ha la horkeeno maxkamadad, hadii kalase, mawanaasana adiga oo masuul ah in aad nin kale oo masuulm ah aad danbi aan meesha ool.

Waxa aan ku soo gunaanadaya maqaalka in aan ku baraarujeyo gudoomiye Cabdiraxmaan dheere, in uu jabiyey xeerkii qaranka, meelna kaga dhacay masuuliyadii laguu dhiibay iyo xilkii lagu saarayba. Falalka aad ku kacdayna ay yihiin kuwan:

1. Iska horkeen aad iska horkeeneesid dadweeynaha reer Soalilaand iyo maamulkooda.


2. Adiga oo ka talaabsaday habkii iyo hanaankii ay lahayd gudida aad gudoomiyaha u tah ay.


3. Adiga oo aan tixgalin, lana tashan, gudigaad gudoomiyaha u ahay, lana tashan ama aan tixgali golihii wakiilada iyo maamulkii xilka ku saaray midnaba, in aad ku eedeeysay Wasiirka danbi aan sal iyo baartoona lahayn.


4. in aad ubuurttay been dalka qalalaase galin karta.

Aniga oo arimaha kor ku qoran oo dhan qadarinaya, waxa ay jawaabteydu tahay. Gudoomiye uma qalantid xilka aad ummada u hayside is casil. Waxa aan waliba ku baaqayaa in adiga maxkamad lagugu keeno danbiyada aad gashay.
 

 

 

 

 

Qore: Cali Ahmed Sh. Musa
Email: golwaraabe@yahoo.co.uk