Sheekh Aadan-siiro oo si Weyn loogu soo Dhaweeyey Caasimadda Hargeysa
 

 

“Waxaan shacabka aad ugu dardaaraynaa in doortaan hoggaankii keeni lahaa horumar iyo isbeddel”

“Waxaan ballanqaadayaa isbeddelka siyaasadeed aniga iyo dadka igu xidhan in aannu meel taageeri doono si isbeddel degdeg ah loo sameeyo”

Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray (Aadan-siiro)


Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray (Aadan-siiro), ayaa ku dhawaaqay inuu Jamhuuriyadda Somaliland u baahan yahay isbeddel maamul oo lagu gaadho guul iyo horumar, isla markaana lagaga digo-rogto dhabbaha siyaasadeed ee uu dalku marayo.


Sheekh Aadan Maxamuud oo shalay ka soo laabtay socdaal caafimaad oo uu ku tagay dalka Malaysia, ayaa si weyn waxa madaarka Hargeysa ugu soo dhowaayey masuuliyiin ka kala tirsan xukuumadda, Golayaasha Baarlamaanka, Degaannada, aqoonyahanno, madax-dhaqameedyo iyo boqolaal qof oo ka kala yimi shanta waaxood ee caasimadda.


Sheekh Aadan-siiro oo warbaahinta maxalliga ah ugu warramayey qolka marti-sharafta ee magaalada Hargeysa, ayaa isaga oo faahfaahin ka bixinaya socdaalkii caafimaad ee uu ku tagay dalka Malaysia, waxa uu yidhi; “Ugu horreyn, waxaan u mahadnaqyaa Ilaahay Subxaanahu Watacaalaa, intaa kadib waxaan u mahadnaqayaa shacbiga iyo dalka qiimaha badan ee aan ka soo jeedo ee Jamhuuriyadda Somaliland. Odhan maayo Somaliland oo qudha, laakiinse waxaan odhanayaa Jamhuuriyadda Somaliland si aynu gedisnaano meelo badan oo aan runtii Jamhuuriyad ahayd.


Waxa kale oo aan halkan ka mahadinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo mulkiilaha shirkadda MSG Mr. Maxamed Siciid Geeddi oo runtii iska kaashaday inay dadajiyaan safarkii aan ugu baxay dalka Malaysia, kaas oo qaatay 40 saacadood oo sii socod iyo soo socod ah, hawshaydaa caafimaadna may suurtogasheen haddii aan la dadajin Djibouti sidii aan uga bixi lahaa. Waxa kale oo aan u mahadnaqayaa mulkiilaha Maansoor Mr. Cabdiqaadir Xaashi Cilmi, Dr. Cali Qaadi iyo Cabdillaahi Gahayr oo ka mid ahaa dadkii ka qaybqaatay safarkayga.”


Sheekh Aadan-siiro, waxa kale oo uu dadka Somaliland aad ugu ammaanay habsamidii ay uga qaybqaateen hawshii diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee dhowaan dalka ka qabsoontay.


“Waxaan maanta aad iyo aad ugu faraxsanahay Somaliland oo xor ah, dawlad leh, ummad waxqabsanaysa ah oo runtii meel u jeeda, inkastoo ay wax badani innaga khaldan yihiin. Waxaan doonayaa laba saddex kalmadood in aan idhaahdo, mid waxaan leeyahay isbeddel ayaa innagu soo socda, aad iyo aad bayna shacbiga reer Somaliland ugu mahadsan yihiin sidii wanaagsanayn ee diiwaangelinta u samaynay, inkastoo ay innagu cusbayd, laakiin haddana runtii waxaynu samaynay guul ballaadhan, maadaama gobolladii Somaliland si nabadgelyo ah uga qabsoontay,” ayuu yidhi Sheekh Aadan-siiro, waxaannu ummadda Somaliland ugu baaqay inay loo baahan yahay isbeddel lagu gaadho horumar guul u soo hoyata ummadda reer Somaliland, sidaas darteedna waxa uu bulshada ugu baaqay inay ka faa’iideystaan fursada doorashada, isla markaana ay doortaan hoggaankii ka midho-dhalin lahaa qaddiyadda muddada badan ay u soo dagaalamayeen, “Waxaan runtii aad iyo aad shacabka ugu dardaaraynaa in la doorto isbeddel baynu u baahan nahee, shacabka reer Somaliland 75% waa dhallinyar, waxa la doonayaa in horumar iyo shaqo la abuuro oo dalka wax lagaga beddelo, dadkeenuna noqdaan kuwo daryeel hela. Isbeddelka noocaas ahina ma imanaya haddii aynaan runtii dooran hoggaankii taa qabanayey, waxaan markaa dadkayga aad ugu dhiirrigelinayaa inay fursadaas ka faa’iideystaan.


Xisbiga talada haya ee runtii aynu dooranay qof walba waa in lagu ixtiraamo inta uu waqtigiisu hayo, waxaannu leenahay maanta fursad baad haysataan haddaad isbeddel samaysaan fursad baad leedihiin.


Labada xisbi ee mucaaradka ah waxaan aad u hambalyeynayaa Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo in ka badan shan goor ila soo xidhiidhay, caafimaadkaygana wax badan iga waydiiyey, ahna dadka qaddiyadda Somaliland aadka ugu adag.


Runtii aniga khaladada dadka ka dhaca iguma wayna, laakiin waxa igu weyn qofka ilaaliya Tawxiidka calankeena ku yaal, midnimadeena, caddaaladeena iyo qaddiyadda Somaliland, waanna ka aynu doonayno inuu ummadda horgalo.”


Sheekh Aadan-siiro waxa oo uu xusay in muddo badan ka warwareegayey inuu ku biiro xisbi gaar ah, balse waqtigan xaadirka ah ay lagama maarmaan tahay in isaga iyo inta ka tala qaadataa ay meel ka soo jeestaan, si ay uga qaybqaataan dhabbihii lagu gaadhi lahaa isbeddelka uu sheegay inay ummaddu baahi u qabto.


“In badan waxaan ku warwareegay in aan dhex u ahaado saddexda xisbi qaran ee maanta jira, laakiin go’aankaygu waxa uu yahay maalmaha soo socda in aniga iyo dad badan oo aannu runtii meel u wadajeedno in aan u sheego inay khasab tahay isbeddelka soo socda in laga qaybqaato, haddii kale horumarka la doonayaa mid suurtogalaya. Qaabka uu isbeddelkaas noqonayo iyo sida aynu uga qeybqaadanayo Insha Allaahu marka aan dalka warrayso sida ay wax u jiraan, ayaan ka hadli doonaa,” ayuu yidhi Aadan-siiro


Sheekh Aadan-siiro oo la waydiiyey inuu isagu shaqsiyan isu soo taagayo tartanka hoggaanka dalka Somaliland, maadaama laga yaabo in culimada loo dhiibo maamulka Soomaaliya dariska nahay, ayaa waxa uu ku jawaabay; “Sharci baynu samaynay, anigu xisbina kuma jiro, sababta aan anigu u geli waayeyna waa in aynu nabadgelyada ilaalino, waayo maalintaad xisbi gaar ah ku biirto, waxa la yaabaa in asxaabtii kale kuu aragto nin khilaaf ka dhexeeyo, sida runtii aynu innagu u fahanay.


Ilaa aan xisbi ku biirona si sharciyadda aynu dhiganay u ilaalinana suurtogal maaha in qofku meel cidlo ah istaago isaga oo aan dastuurka ilaalinayn inuu tartanka isku soo taago. Laakiin, waxaan ballanqaadayaa isbeddelka siyaasadeed aniga iyo dadka igu xidhan in aannu meel taageeri doono si isbeddel degdeg ah loo sameeyo.”


Sheekh Aadan-siiro, waxa kale oo uu xusay in warbaahinta maxalliga ahi ay kaalin weyn ka soo qaateen horumarka iyo dib-u-dhiska Somaliland oo ay waajibaadkoodii guteen, balse waxa uu uga digay inay iska ilaaliyaan baahinta waxyaabaha gudaheena ee hantaaqada ku keenaya geeddi-socodka madaxbannaanida Somaliland.


Mulkiilaha dugsiga gaarka ah loo leeyahay ee Nuuradiin Mr. Mahad Ibraaahim, ayaa isaguna hadal kooban oo uu ka jeediyey waxa uu si weyn ugu mahadnaqay dadweynihii faraha badnaa ee sida diiran Sheekh ugu soo dhaweeyey dalka, kuwaas oo uu tilmaamay in soo dhoweyntoodu ka mara-kacayso taageerada weyn ee bulshada Somaliland u hayso Sheekh Aadan Maxamuud Xiiray (Aadan-siiro), waxaannu Illaahay ugu baryey inuu siiyo cimri dherer iyo caafimaad.







Jamhuuriya