Sheekh Aaden Siiro Oo Fariin U Diray Komiishanka Iyo Siyaasiyiinta Rabbitaankooda Xamar Ku Salayn Kara Natiijadda Doorashadda

 


“Doorashadda dadka taageeray ayaanu ka mid nahay, kuwaa leh doorashaddu waa xaaraa na dadka diidan ayaanu ka mid nahay”Sheekh Aaden Siiro


Hargeysa (TNN) – Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud (Aaden Siiro) ayaa khudbadii jimcaha ee shalay ku soo qaatay doorashadda deegaanka Somaliland oo Arbacada todobaadkan dhacaysa, ayaa fariin u diray shacabka iyo Komiishanka.

Sheekh Aaden Siiro, waxa uu komiishanka doorashooyinka ugu baaqay inay Caddaalada iaaliyaan, isaga oo shacabkana u soo jeediyay inay meel uga soo wada jeedsadaan ilaalinta nabadgalyadda iyo inay si wada jir ah ula dagaalamaan ku shubashada codadka Muwaadiniinta, taasi oo uu shegay inay khalkhal iyo amaan daro keenayso.

Sheekh Aaden Siiro oo khudbadiisu lahayd tusaalooyin badan oo ku salaysan Sunaha Nebigeenii Suubanaa, ayaa isaga oo ka hadlaya doorashada waxa uu yidhi “Doorashaddani waa imtixaan, laakiin dadka taageeray ayaanu ka mid nahay, kuwaa iyagga oo aan dadka waxba u haynin leh doorashadu waa xaaraana dadka diidan ayaanu ka mid nahay, doorashada waa in la gallo oo qofba qofka uu ka wanaagsan yahay la doorto, laakiin waa inaynu diinteena,dhaqankeena iyo wanaageena ilaashano, Caddaaladana waa in la ilaaliyo, haddii Caddaalad la waayo mushkiladeeda ayay leedahay, qolada Xamar u socotana waxaanu leenayay addeer adiga oo aan dadka wareerin Xamar iska sii tag, Xamar waxba ma yaalaan oo kuwii hore u tagayba wa iska soo noqdeene, waayo Xamar nolol iyo nabadi ma taalo, laakiin waynu u ducaynaynaa”

Sheekh Aaden Siiro, waxa kale oo uu soo qaaday “Asalku waa Caddaalada, markaa waxaynu leenahay Komiishanka cadddlada hala ilaaliyo, inaguna dhinacyadda aynu ka taagnaano, nin wax inoo hayaa ma jiro ee inaan la isdilin ayaynu u nidhi haloo tartamo”ayuu yidhi waxaanu intaa ku sii daray “Doorashadu Arbacayda ayay dhacaysaa ILAAHAY nabadgalyo ha inagu gaadhsiiyo, dalkana nabadgalyadiisa aynu ilaalino, fowdadana hala ilaalliyo, cidii ku shubanaysana gacanta aynu wadda qabano cidii doonto ha ahaatee, waayo haddii cid ku shubo is-tidhaahdo khalkhal ayaa ina gallaya”

Sheekhu waxa uu tilmaamay in doorashadu ay tahay imtixaan, sidaa daraadeedna loo baahan yahay in Caddaalada la sugo “Khayr badan-baynu haysanaa ee doorashaddaa maantu yaanay inaga daadinin, yaanay inaga daadin fitan ka yimaada Komiishanka, ama ka yimaada xukuumadda oo laga cawdo ama ka yimaada dad kale oo dan kale leh, waxaanu leenahay nimcadda aynu haysano hala xasuusto inaga oo dhinacyadda ka wadda taagan”ayuu yidhi.
 

Source:Waaheen