Sheekh Aaden Siiro Oo Madaxwaynaha Ku Adkeeyay Inaanay Xukuumaddiisu Ka Gudbin Xayndaabka Qaranimada

 



Sheekh Aaden Siiro, waxa uu ka hadlay dabaca ku yimid qadiyadda gooni-isu-taaga.....

Hareysa (TNN)- Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xirsi (Aaden Siiro) oo ka mid ah culimada waaweyn ee reer Somaliland oo Salaadii Ciida kumanaan reer Hargeysa ah ku tukiyey garoonka kubadda ee xaafada Xawaadle ee Magaaladda Hargeysa ayaa ka hadlay arimo badan oo ay ugu weynayd sidii qadiyada Madax-banaanida Jamhuuriyadda loo dhowri lahaa shacab iyo xukuumadba.

Sheekh Aaden Siiro, waxa uu ka hadlay dabaca ku yimid qadiyadda gooni-isu-taaga Somaliland tan iyo markii xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo wada-hadalada la furtay dawlada ku meel-gaadhka ah ee Somaliya, wada-hadaladaasi oo uu ku macneeyay madhalays sababay in hal-doorkii reer Somaliland badhna Xamar ka deggaan badhna ku hamiyaan.

Sheekh Aaden, waxa oo khudbada uu shalay jeediyey taabanaysay dhinacyo badan oo dhammaantood ku qotomay sixid iyo sidii dhanka horumarka loogu talaabsan lahaa xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ku canaantay inay gabtay daryeelida agoonta, naafada iyo hooyooyinka danyarta ah ee u baahan in meel lagu tiiriyo, isaga oo xusay in halkii dadkaasi wax looga qaban lahaa ay shakhsiyaadka xukuumadda xilalka ka hayaa ay dedaal ugu jiraan sidii ay uga faro-qabsan lahaayeen shilimaadka kooban ee canshuur ahaanta looga qaado, arintaasi oo uu ku naqdiyey luuqad wadani-nimo.


Sidoo kale, Sheekh Aaden Siiro, waxa uu xukuumadda ugu baaqay inay ku ekaato xayn-daabka Somaliland, isaga oo sidoo kalena Madaxwayne Axmed Siilaanyo ku booriyey inaan xukuumaddiisu dalka u soo waaridin khilaafka iyo dhibaatada Xamar taala.

Sheekh Aaden oo ugu horeyn ka hadlaya dhibaatadii iyo halgankii loo soo maray Madax-banaanida Somaliland ayaa yidhi “Dalkan Dad Badan Baa U Naf Waayey, Dad Badan Baa U Hanti Beelay, Halgankii Loo Soo galay dalkana maaha mid ay Sheegan karaan dad kooban, laguna halayn maayo dad kooban, in lagu haleeyaana waa arin aan gar ahayn”


Sheekh Siiro waxa uu sheegay in Somaliland kaga badbaaday faro-galinta dawladaha Geeska Afrika ku hayaan Somaliya wada-tashigii 1991-kii iyo dawladnimada “Somaliya saddex jeer ayay galeen dawladaha jaarku, waxayna u galeen iyagga oo aan u tashan (reer Somaliya) sida Somaliland u tashatay oo inagu dawladnimadeena ayaynu kaga badbaadnay, waxaynu kaga badbaadnay bulshada caalamka oo ah niman dunida haysta oo isticmaala (Vito Power) oo yidhaahda anaga sharci nama qabto oo wixii ay iyagu wanaag u arkaana wanaagsan yahay, wixii ay xumaan u arkaana xun yahay, waxaynu kaga badbaadnay wada tashigii gaarka ahaa ee aynu wada tashanay”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray in xukuumadda Siilaanyo ay tayo ahaan hoos martay xukuumadda Rayaale “Xukuumadda maanta talada haysa oo loo han-weynaa oo dhalinyarada wada shaqada la’ ee jaamacadaha ka soo baxaya ee kumanaanka ah, kumanaanka kun ee naafada, agoonta iyo kumanaanka kun ee carruurtooda ku korinaya tamaandhada ee hooyooyinka ah ee salaada subax ka dib dalka u ducaynaya ee dalka ku kalsoon oo loo han-weynaa inay kuwaa meel ku tiiriso (xukuumaddu), may noqon sidii la moodayey, xukuumadda maanta jirta waxaanu ku dhaliilaynaa kumay guulaysan inay dadkaasi daryeesho, dariiqii xukuumaddii hore ee la bedalay ee aynu ku dhaliilaynay in dawladnimadii u fahmeen gaadhi Land-criuser ah oo la kaxaysto, mid guriga Wasiirka la dhigo iyo in Pepsi-ga iyo kookaha loo samaysto Marfish aad u weyn iyo salada gabadha wasiirka oo gaadhi lagu doono, ayaa waxay ku daraan mooyaane aanay waxba ka dhimin (Xukuumaddani)”

Sheekh Aaden Siiro waxa kale oo uu soo qaaday “Waxaanu ka xunahay in askariga jiida hore jooga ee laga soo qaaday Saylac, Boorama, Hargeysa, Saaxil iyo Ceerigaabo ee 9-ka carruurta ah leh uu $ 80 doolar qaato, guriga wasiirkana ay yaalaan intaas oo Land-criuser, waxaan leeyahay waa arin aan umadda qaban, waxaan leeyahay waxay ahayd in xukuumadda iyo wasiirrada jira aanay dadkaa maatida ah ka kaxaysan Land-cruser-o, waa shay caqli iyo sharci meel uu ku yaala aanu jirin, waxaan filayaa in qof damiir lihi aanu dadkiisii uu ciida cunaya oo soo ootay aanu shanta boqol ee Islaanta agoonta ah laga qaadayo afar……shan Land-cruier ka kaxaysteen”ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyey “Umadda waxaan ku dhiirinayaa waar hala ilaaliyo waxaa yar ee dadka laga ururinayo, tani ma ilaalinayso tii ka horeysayna may ilaalinayn, isbedalkuna waxa weeye wax wixii hore ka wanaagsan, ama la mid ah, laakiin wax ka liita MAYA”


Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xirsi, waxa uu fariin wadani-nimo u diray Madaxwaynaha Somaliland Md Siilaanyo “Waxaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland dhambaal uga dirayaa waar khilaafka Xamar yaala ha soo rarina, waxa aynu aad uga xunahay dawlada Kulmiye hogaaminayo intii ay dalka hogaaminaysay in intaas oo nin oo dadkii mujtamacan sharafta ku lahaaya ay Xamar ka dageen, waxaan ka xumaaday maqaal uu guddoomiyaha SONYO qoray oo uu ku leeyahay dantu meel kasta oo ay ku jirto waanu ka dagaynaa, adeer Xamar oo laga deggo dantu kuma jirto ee khilaaf-baa ku jira, Xamar oo laga deggo waa la isku dilayaa oo dagaal sokeeye ayay abuuraysaa, kuwii lagula dagaalamay ee kumanaanka ahaa ee Somaliland ku dhintay ayaa garami doona oo Magaaladda jooga oo Burco jooga, waxaanu leenahay shay la inaga yeelayo maaha, waxaanu leenahay ninkii Xamar doonaya waad taqaanaa wadada loo maro, laakiin xukuumadda waxaanu leenahay awooda maamul ee aad haysataan waa Somaliland, 97% ayaa u codeeyay qadiyadda Somaliland, waana inta aynu ku midaysanahay, waar khilaafka siyaasiga ah inaga ilaaliya, waar raggii loogu jeclaa ayaa markii aad furfurteen idinku wada-hadal madhalays ah oo meel uu u socdaa aanay jirin oo waddadiisu aanay cadayn ayaa intaas oo qof Xamar ka degtay, intaas in leegna way u hanqal taagaysaa, taasina waxay keenaysaa khilaaf siyaasadeed oo aynaan u baahnayn, xukumadda waxaynu leenahay Somaliland ku ekaada, haddii aad intaa yar wadi kari-waydaana umadda talada ku soo celiya ayaanu xukuumadda ku waaninaynaa”ayuu yidhi isaga oo intaasi raaciyey inay jiraan culimo Hargeysa shirar ku qabsatay, kuwaasi oo uu sheegay inaanay aaminsanaynba jiritaanka iyo Madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland “Culimadu waa tiirarka ugu muhiimsan mushtamac Muslim ah oo meel ku dhaqan, hogaanka siyaasadeed ee xukuumaddu wax walba way furfurtay, dabadeedna kuwii Somaliland la dagaalamayey ayaa intaas oo shir ku qabtay caasimada Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa, iyagga oo ku ganacsanayn gooni isku taaga Somaliland iyo midnimadeeda, waxaanu leenahay culimada waar khilaafka Xamar hasoo rarina, waa awoodaha isku haysta Xamar ha keenina Somaliland”


Sheekh Aaden waxa uu Alle ka baryey in xukuumaddani ku dhaqanto wixii reer Somaliland ku heshiiyeen “Xukuumaddu axsaabtii way qaybisay, khilaafka hala yareeyo, marka khilaafku sii kordhaba dhibaatadeeda ayay leedahay, ILAAHOW dawlada noo toosi oo ka dhig kuwo ku socda wixii lagu heshiiyay”ayuu yidh.
 

 


Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland