SHEEKH MAXAMUUD GEELE MAAHAN IN LOO XIDHO WASIIR XANAAQEY WAANA IN SI DEGDEG AH LOO SII DAAYAA

 


bismillahi raxmaani raxiim, wa salaama caleyku wa raxmatullahi wa barkaatu.

Waxaan doonayaa in aan halkan fariin ugu gudbiyo, maxkamada iyo bahda garsoorka ood moodo in ay qofka xaquuqdiisa meel kaga dhacayaan ama ku xad gudbayaan, fariintaasi oo ah xadhiga Sheekh Maxamuud Geelle oo Maxkamadu ku xukuntay xadhig aan sharci aheyn aanu'na mutaysan sababtoo ah waxa uu sheekhu sheegey waa in la baadhaa waayo waa laga yaabaa Wasiirada Hantidii Ummada si xaaraana u cunaaya ee casuumadaha ku bixinay a, haduu yidhi xoolaha ummada yaan hudheelada, lagu faraqin ee dadka baahan ee muwaa daniinta ah ha la siiyo ma hadal xunbaa?,haduuse yidhi waxaa jira Wasiiro Xukumada ka tir san oo Ururo Ddiimeedyo ka tirsan maxaa looga xanaaqey ileyn waa kii Wasiir Samaale lah aa waan ku faanaaye , ama waan ku dhaartaaye.

Waxaan fariinteyda u gudbinayaa Madaxweynaha Somaliland iyo waliba gudoomiyaha max kamada sare oon leeyahey maahan in aad shacabka u xidhaan wasiiro shaqadii loo direy ku fashilmey oo waliba iyagu danbi , lunsi hanti dadweyne ku dhex jira una baahan in laftooda la baadho o la daba galo meesha ay xoolaha ummada ee hudheelada dadka bilaashka looga dhigaayo ka keeneen.

Waxanan leeyahey xukumada uu Madaxweyne Siilaanyo hogaamiyo laguuma dooran in Wa siiro ama Wasiir cadhoodey oo waliba shaqadii loo diray garan waayey maahan in aad cul umada u xidh xidho ee waa in aad si dhaqso ah wadadka xoriyadiisa ugu soo celisaa/

Waad mahadsantahiin.

 


Tahir HUssein

waayo_aragman@yahoo.com