SHEEKO GAABAN
Bari waxa la yidhi nin baa socot dheer galay, maalin iyo badh ayuu
ku maqnaa socotadaas.
markii uu gurigiisii kusoo noqday. ayay gabadhiisii usoo dhigtay
Soor.
ilayn nin aad u gaajaysan ayuu ahaayee marki ay ka yar baxdayba wuu
ku bilaabay.
xogaa markii uu liqliqay ee uu nafisay ayuu u baahday fandhaal uu si
degen ugu dardarsado.
markaasuu ku qayliyay islaantii oo ardaaga riyo kaga lisaysa.
" EEYAAHEE BAL FANDHAAL II KEEN" ayuu ku yidhi.
Islaantii ayaa ugu soo jawaabtay " WUU KU JIRAA "
fandhaalkan u raadinayo ilayn marku hamuumta qabay ayuu liqayba.
Ismuu dhibin ee wuxuu ugu jawaabay " ISKA DAA MALAHA WIXII SII
SHANQADHAYAY AYUU AHAAYEE.
................................................................. dhamaad
...............................................................
waxan uga socda hadii aad qalad samayso waa inaad qirato.
lkn hadii aad marka danbe tidhaa sidaa may ahayn waa laga fiican
yahay.
shalay dalka waxa ka dhacay is bedel Gudoomiye oo baarlamaanku ku
doorteen Mudanne Baashe. ninkii la tartamayay oo shalay hambalyeeyay
ayaa hadana maanta leh aniga xaq u leh.
adeer anagu hadaanu shacabka Somaliland nahay xisbina anaga oon u
eexan waxan qiraynaa inaad adigu shalay afkaaga ka tidhi hambalyo.
Ok tan danbe kaa socon mayso ee iska qiro inaad Fandhaalka liqday
markii horeba.
waad ku mahadsan tahay waqtiga aad siisay akhriska sheekadan.
Mohamed Arts
|