Shiikh Aadan Siiro oo deeq lacageed oo ay soo direen haweenka Ku nool magaalada London gudoonsiiyay dadkii Ku waxyeeloobay qaraxyadii 29 October Ka Dhacay Hargaysa

 

Maxamed Cumar Carte iyo Sheekh Aadan Siiro

Munaasibad tacsi ah oo markale loo sameeyey dadkii ku dhintay iyo kuwii dhaawacyadau ka soo gaadheen qaraxyaddii lala beegsaday caasimada Hargeysa 29kii bishii hore, isla markaana loo qaybiyay lacag ay soo direen jaaliyada haweenka reer Somaliland ee ku dhaqan London ehlada dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadaas ayaa maanta lagu qabtay Hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeisa.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey oo ka mid ah cullimada waaweyn ee dalka isla markaana dedaal dheer u galay siddii loo taakulayn lahaa dadkii dhibanaayasha ahaa ee dhibaatooyinka dhaqaale iyo nafeedba ka soo gaadheen qaraxyadii naxdinta badnaa ee ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dadka tirrada badan ayaa saaka guddoonsiiyey dadkaas lacag gaadhaysa Siddeed kun iyo boqol doolar oo ay soo direen haween ka mid ah Jaaliyada reer Somaliland ee ku nool Cariga Ingiriiska
Sheekh Aadan Siiro oo hadal kooban ka jeediyey munaasibadii loo sameeyey bixinta deeqdaas ayaa ammaan balladahn u soo jeedoyey haweenka lacagaas soo direy oo uu sheegay in ay yihiin haween tirro yar oo degan gobol ka mid ah Ingiriiska Waxaanu yidhi:

“Ugu horeyn waxaynu ku mahadinaynaa nabbada aynu hayno ee meeshan aynu ku wada fadhino. Marka xigta waxaan u mahadinayaa Hablaha gobol Ingiriiska ka mid ah degan ee runtii tirro kooban ah ee isa soo xilqaamay ee lacagtaas aynu maanta bixinayno oo 8100 soo direy.”ayuu ku bilaabay Sheekhu hadalkiisa.

Sheekh Aadan waxaa uu sheegay inuu aad ugu qanacsanyahay in Somaliland noqoto dal xor ah, isla aanay jirrin cid ka joojin karta in dalka shareecad lagu xukumo, waxaana uu yidhi “Anigu waxaan ahay dadka aadka ugu qanacsan Somaliland inay noqoto dal xor ah. Masaajidka gudiiha ayaan ka sheegaa in shareecad lagu xukumo si tartiiba. Maaha shareeco qasaba oo nin qori sitaa oo dadka gaalaynayaa uu dadka ku laynaayo, balse ah mid fudud oo sida ugu fudud loo fulinaayo, hantida iyo talladana ay dadku u simanyihiin, cadaaladi ay ka jirto. Intaasi waa inta aanu ku taageersanahay in la dhiso dawlad noocaas ah.”

Sheekhu waxaa uu ku dheeraaday tilaamana ka bixiyey qaabka iyo waxyaabaha looga baahanyahay dawlada uu sheegay “ Dawladnimada aan ka hadlayaa waa in adiga lagu daryeelo, cadaalada aad hesho, caruurtaadu ay hesho nabbadgelyo, caafimaad, waxbarasho iyo diin.”

Dhanka kale Maxamed Cumar Carte oo wakiil ka haa wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo madasha hadal kooban ka jeediyay jeediyey ayaa mahadnqa ballaadhan u soo jeediyey haweenka lacagtaas soo direy ee ku dhaqan Ingiriiska, waxaana uu sheegay inay fursad qaaliya u tahay haweenkaasi inay kaalintooda ka qaataan taakulaynta walaalahooda dhibaatadu ka soo gaadhay dhibaatadii dalka ka dhacday.

Maxamed Cumar waxaa uu u soo jeediyey shacbigu inay feejignaan dheeraada oo dhimaca nabbadgelyada ah la yimaadaan, maadaama buu yidhi la gelaayo diwaangelintii iyo bixintii kaadhadhka aqoonsiga isla markaana la xusuusnaado ayuu yidhi wixii inna soo maray si aanay mar danbe u dhicin.

Inaas ka bacdi waxaa la gudoonsiyay deeqda lacagta ah ee ay soo direen haweenka muwaadiinta ah ee ku dhaqan Magaalada London ee dalka Ingiriiska, waxa qof kastaana uu qaatay 880,000 kun oo SL Shillind ah.



Source:SDWO

 

Lacagtii oo dadka la gudoon siinayo