Shil Baabuur oo Sababay dhimashada Laba ruux iyo laba dh aawac ah oo uu ka Midyahay Xildhbaan Maxamed Cabaas Jaamac.

 


 

Hargeysa April 3  2010 (TNN)-Shil baabuur oo Galabta ka dhacay meel u dhaw magaalada  Ha rgeisa ,ayaa sababay dhimashada Laba qof laba kalena ay ku dhaawacmeen ka dib markii  ga adhi ay saarnaayeen uu ku rogmaday meel u dhaxaysa Hargeysa iyo Abaarso, gaar ahaan deegaanka Oromada. Labada qof ee dhintay ayaan ilaa imika Magacyadooda la garanaynin, hasa ahaatee, labada dhaawaca ah ayaa ay Magacyadoodu kala yihiin Inj. Maxamed Cabaas Jaamac iyo Raage Xirsi Cadaani.

Baabuurkan sababay dhimashada labada Qof iyo dhaawaca labada kale oo uu leeyahay  Eng ineer Maxamed Cabaas ayaa uu Taayar u baxay isaga oo ku sii socda Gurigiisa oo ku yaal Mag aal Arabsiyo hasa ahaatee, inta aanu gaadhin Arabsiyo ayaa shilkaasi ka dhacay Deegaanka Oromada.

Labada Nin ee ku dhintay ayaa ahaa Laba Askari oo dhexda ka sii raacay, waxana Labadii Qof ee dhaawaca ahaa imika lagu dawynayaa Cisbitaalka guud ee Caasimada Hargeysa.

Engineer Maxamed Cabaas Jaamac ayaa isagu ah Nin Xildhibaan ah oo ka tirsan Golaha  Deeg aanka Gabiley, isaga oo marna Gabiley Maayar ka ahaan jiray.

Sida ay noo xaqiijiyeen dad ka mid ah Hawl wadeenada Cisbitaalka Hargeysa ,Eng. Maxamed Cabaas ayaa dhaawac ka soo gaadhay dhabarka iyo madaxa,  oo aan miyir lahayn hasa  aha atee, waxa dhaawaciisu uu fudud yahay Raage Xirsi Cadaani oo isagu sheekayn kara.


Eng.Maxamed Cabaas , ayaa laga yaabaa in loo qaado dhakhtar ku yaala jabuuti hadii  xaaladi isu ka soo rayn waydo.


Hadaanu nahay Maamulka Timacade News Network TNN,  waxaanu illaahay uga baryaynaa dhammaan dhaawaca,  in ilahay caafimaad buuxa siiyo, inta dhimteyna , ilaahay  u naxariisto , janno fardawsana  ka waraabiyo.





Timacade News Network TNN
Hargeisa/Somaliland