Shir ay Ku Kulmeen Ergo u Socota Xalinta Mas haq adii Ka Dhacday Dawga Kalabaydh iyo Odayaasha Gobolka Gabiley

 


“Ergadayadu waa ergo ilaahay, ergo nabaddoon ah baanu nahay, ego wax wanaagsan la socotaanu nahay, ergo idinka wax wanaagsan idinla doonaysaanu nahay, ergo xumaanta idiin diidaysaanu naha, ergo dab idinka bakhtiinaysaanu nahay,... Suldaan Axmed Daahir

Gabiley (Longlivesomaliland News)-Ergo iskugu jirta Salaadiin, Cuqaal, Culamaa,u diin, Aqoonyahan, Shacab iyo Dhalinyar ayaa saaka soo gaadhay magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley halkaasi oo ay kula kulmeen odayaasha iyo Salaadiinta gobolka Gabiley oo ay usoo bandhigeen barnaamijka ay doonayaan inay ku xaliyaan khilaafka u dhexeeya labada Gobol ee Gabiley iyo Boorame iyo sidoo kale inay reer gabiley ka doonayaan kafaala qaadka arinkii foosha xumayd ee ka dhacay wadada isku xidha labada Gobol.

Waxaa ergadii halkaa ka hadashay ka mid ahaa Suldaan Samaale oo dadka reer Gabiley ku guubaabiyay in laga wada shaqeeyo nabada iyo sidoo kale in ergadaa intaas oo qaybood leh ee maanta halkan socotaa ay reer Gabiley uga fadhiyaan in ay kala hadlaan arintii ka dhacday jidka u dhaxeeya magaalooyinka Kalabaydh iyo Dila. Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Maanta waxaan ergo u nahay reer Gabiley, waxaan ergo u nahay wixii halkaa ka dhacay walaalkayo ayay ka timid markaa, haday walaalkayo ka timidna dee waa inaynu u soo gurmano. Waxaa weeyi walaalkaa haduu gardaran yahay inaad qabato wuxuu ku quman yahayna aad ku taageerto”.

Wuxuu sheegay in wixii halkaa ka dhacay uuna dhaqankeena ahayn, oo diinteena ahayn, oo dadnimadeena ahayn. Waxaanu yidhi “Maanta waxaa rabnaa in dilkaa dhacay wixii uu ku bogsan lahaa aad keentaan. Ree gabileyoow maanta waxaan halkan idiinka fadhinaa.


• Dilkaa dhacay ciddii ay ka timid in lasoo qabto
• Hanti wixii halkaa lagu qaadayna inaad keentaan iyadana waan idiinka fadhinaa
• In xabad joojini dhacdo oo inamadeenii halkaa joogay aad kasoo saartaan oo aanay xabad danbe dhicin oo hada gacanta laga saaro ergada hadday suurtogal noqon waydana sida ugu dhakhsaha badan”.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Suldaan Barre Xaaji Xuseen oo sheegay in dhibaatada maanta halkaa ka dhacday ay soo taxnayd mudo dheer, maantana waxaa dhacday tii ugu danbaysay oo dhibteeda, ceebteeda iyo khatarteeday leedahay.

Suldaan barre waxaa kale oo uu intaas ku daray in aanay ergadaa maanta Dawladina soo dirin, xisbina soo dirin, ee ay iyagu iskood iskusoo abaabuleen oo ay u dibjirayaan sidii ay labadaa beelood ee walaalaha ah u dhexdhexaadin lahaayeen, arintaas wadada ka dhacday xalkeeda loo heli lahaa.

Xaaji Siciid Aadan Guuleed Oo isna sheegay in ujeedada ergadani ay tahay wixii hore u dhacay si wanaagsan oo islaax ku jiro looga xaalo iyo sidoo kale in reer Somaliland ku caano maaleen nabada iyo daganaashaha oo ah takaliya ee maanta ay kaga duwanahay somalida koonfureed.

Inaynu isku nimaadno waxay dhacayna laga wada hadlo, waxa cusubna la joojiyo, lagana wada hawlgalo. Anagu waxaanu nahay dadkii dhaqanka, culamadii iyo shacabkiii damqashaana meesha na keentay, taas oo naga lilaahiya ayaan maanta idiin la soconaa?. Dhaliisu wixii meesha la isku haysto ka dhacay maaha oo dee waa la idin ogaa inaad halkaa ku dagaalamaysaan laakiin waxa la idinku haystaa wixii wadadaa ka dhacay”

Suldaan Axmed Daahir oo isna ka mid ah ergada guud ee Somaliland ee doonaysa inay dhexdhexaadiso oo nabad ka dhaliso beelaha walaalaha ah ee ku muransan deegaanada u dhexeeya Ceelbardaale iyo Dila.

“Ergadayadu waa ergo ilaahay, ergo nabaddoon ah baanu nahay, ego wax wanaagsan la socotaanu nahay, ergo idinka wax wanaagsan idinla doonaysaanu nahay, ergo xumaanta idiin diidaysaanu naha, ergo dab idinka bakhtiinaysaanu nahay, ergo naxariis iyo nabad idinla doonaysabaanu nahay. Ree Gabiley waxaanu leenahay cidda wax xumaysay waa idinka, haday inamadiinu wax sameeyaan cidda soo qabanaysaa waa idinka oo laga yaabo inaydaan xataa waxba ka ogayn oo aad ka xuntihiin. Maanta markaa waxaan idin leenahay arintaa idinkaa la idiinka fadhiyaa inaad xalkeeda keentaan ood asoo qabataan cidii falkaa gaysatay”. Sidaa waxaa yidhi Suldaan Axmed Daahir.

Dhinaca kale waxaa iyaguna gabogabadii shirkaasi jawaab ka bixiyay hadaladii ergada u socota nabadaynta labada beelood ee walaaha ah Suldaanka Guud ee gobolka Gabiley suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan iyo Caaqilka Guud ee Gabiley oo labaduba aqbalay go,aanada ay u wadaan ergadu.

Shirarka lagaga hadlayo muranka dhulka ee mudada dheer soo taagnaa ayaa maalinba maalinta ka danbaysa sii xoogaysanaya. Mana kii ugu horeeyay laga galo arinta shaqaaqada Ceelbardaale.
 



Weriye Nimcaan Dheeg Ibrahim

Longlivesomaliland News Desk
Gabiley Somaliland