Shir Balaadhan oo Shalay lagu Soo dhaweeyey Mujahid Cabdillahi Darawal Magaalada Bristol Uk

 

Waxaa shalay oo Axad ahayd 5/4/2009 shir balaadhan isugu yimi dadweyne aad u tiro badan oo ka kala yimi Magaalooyinka waaweyn ee Uk, shirkaas oo ka dhacay Magaalada Bristol ee Koonfurta UK ayaa waxaa si weyn u soo Abaabulay Jaaliyada Somaliland ee Reer Bristol gaar ahaan Kuwa Daneeya Isbedel Siyaasadeed oo Dalka ka dhaca ama Muwaadiniinta u Dagaalama Dimoqraadiyada isla markaana ka soo hor jeeda Keli Talisnimada iyo Cadaalad darada.

Shirkan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa si gaara loogu Soo Dhoweynayey Mujaahid C/Lahi Xusen Iman (Darawal) oo beryahanba booqasho ku joogay Wadanka Ingiriiska, waxaana shirkan oo u socday qaab aad u degan isla markaana ay daadihinayeen dad aqoon u lehi uu ahaa mid aad loogaga xaajooday xaalada guud ee dalku marayo iyo sida looga hor tegi karo in ay timaado burbur ku yimaada qarankii aynu inta badan ku soo tabcayney, waxaana hadalo aad u qiiro badan ka jeediyey wax garad badan oo dhamaantood ku dheeraday halgankii dheeraa ee loo soo maray Somaliland iyo sida uu ku yimi isla markaana waxay ka dhawaajiyeen in aan tacabkii la galay noqon biyo col dhaanshey ee aynu meel uga soo wada jeesano Cid kasta oo isku dayda in ay inaga leexiso jidkii toosnaa ee aynu ku soconay iyo hanaankii Dimoqraadiyadeed ee aynu dhisanay.

Waxaa mikirifoonka lagu Soo Dhoweeyey Mujaahid Darawal oo aad uga xog waramay Dhismaha qaranka Somaliland iyo maexaladuhuu soo maray isagoo aad ugu dheeraaday in mudooyinkii danbeba aad Moodaysey in daaqada laga sii saarayo Dimoqraadiyadii aynu qaadanay iyadoo Koox yari oo maamulkii dalku gacanta u galay ay adeegsadeen qaab digtaatoornimo waxaa wax laga xumaado ah oo runtii dhaawac weyn u geysatey Xisbigii UDUB markii Hogaankii kuyimi Doorashada uu isku deyey inuu keligii maroorsado, runtii Xisbiga Udub wuxuu ahaa muraayadii wadanka markaa maxaad ka filaysaan madaxweynaha keli talisnimo ka deyey xisbiga dhexdiisii siduu u hogaamin karaa umad dhan oo kala siyaasad ah waa wax aan dhacayn.

Mujaahid C/laahi Darawal oo ay aad uga muuqatay sida uu uga xunyahay Hogaan xumada dalka ku dahcaday wuxuu yidhi Muwaadin kastaa wuxuu xaq u leeyahay in la doorto isna uu wax doorto laakiin qofna looga haybadeysan maayo haduu isku dayo inuu xoog iyo caqli xumo wax ku xukumo ugu danbayna wuxuu kula dardaarmay jaaliyadii Somaliland ee shirka isugu timi in ay ka midoobaan u dagaalanka Cadaalada,Dimoqraadiyada,Horu marka iyo ka midha dhalinta Qadiyada Somaliland wuxuuna si gaara ula Dardaarmay Udubta is bedel doonka ah isagoo yidhi Xisbigeenu wuu Jirayaa waynuna ku jiraynaa waxaase inoo balan ah in aynu ka daadino inta xun ee isku deyeysa inay wado khaldan ina mariso. Mujaahid C/laahi Darawal wuxuu Hambalyo u direy dhamaan mujaahidiinta SNM inta ka nool meel ay joogaanba wuxuuna ilaahay naxariis uga dalbay intii shahiidey isagoo sidoo kalena inta naafada ah ee nool iyo agoomaha SNM uga dalbay in la daryeelo xukuumada kasta oo jirta waajibna ay ku tahay.

Shirka oo Hadaladiisu aad u dheeraayeen markii Danbena su,aalo lagu weydiiyey Mujahid C/lahi Darawel waxaa isna ka soo qayb galay Wefti Balaadhan oo uu Hogaaminayey Md.C/raxmaan Cali Ubaxle oo ah Xidhiidhiyaha Laamaha Xisniga UDUb Uk isla markaana aad ugu ololeeya Dimoqraadiyada isagoo xiligan xaaraan ku tilmaamay Musharixiinta Xisbiga UDUB ee Riyaale iyo Ku xigeenkiisa kuna tilmaamay in awalba iyagoo Ay dhamaatay mudadii ay ku joogeen Kalsoonida Shacbiga hadana ay ku darsadeen in aanay ku joogin Kalsoonida Xisbigooda UDUB Balse ay yihii kuwo iyagu isu cimaamaday (Jini Boqoryaal).


Sidaa darteed aanaan xiligan wax olole ah u gelayn in uu Guulaysto Xisbiga Udub inta aanu soo celinayno Nidaamkii iyo kalsoonidii ka dhaxaysey Bahweynta UDUB.

Shirkaasi wuxuu ku soo gabagaboobay jawi ay ka muuqatey Farxad iyo deganaansho, waxaana si fiican oo niyad ah dadkii kuyuu ugu galeen inay gacan qaadaan Mujaahid C/Laahi Darawal iyagoo siiyey kalsooni ah inay la jirayaan cid kasta oo wanaag wada kana soo hor jeesanayaan Xumo Wadayaasha.




Alaa Mahad leh

 

 


Ahmed Jama
( Gorgor)
Weriye Madax banaan