Shir ballaadhan oo lagaga hadlayay sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha geeska Africka oo 20 bishan ka dhacay

 

magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska, ayaa waxa dalalkii lagu casuumay waxa ka mid ahaa Somaliland oo si rasmi ah loogu martiqaaday
Kulankaas oo ka dhacay xarunta aqalka sare ee Senat Faransiiska, waxa soo agaasimay aqalka Senatka qaybta u qaabilsan xidhiidhka Faransiiska iyo dalalka Geeska Afrika oo uu hor kacayo Gudoomiyaha Golaha Mr. David DUVERNOIS. Shirkan oo loogu talagalay sidii maalgelin loogu sameyn lahaa dalalka Geeska Afrika, gaar ahaan dalka Jabuuti oo ku mutaysatay horumarka ay ku tallaabsatay.

Waxa shirkaas si rasmi ah loogu martiqaadey Somaliland, waxaana uga qaybgalay lataliyaha kowaad Safiirka Faransiiska Mr. Yusuf Kaariye iyo Xoghaya xafiiska safiirka Mr. Cali Ismaaciil oo uu wehelinayo Mr. Maxamed Cabdillaahi Aar safiirka at Large (Safiirka Wareega). Waxaanay masuuliyiintani shirkaa uga warameen taariikhda iyo Somaliland iyo sida ay u soo dhaweynayso cid kasta oo maalgashata, iyaga oo dadkii ka qaybgalay shirkaa u qaybiyey qoraalo iyo ducomentiyo arrimahaas ka hadlaya.

Waxa kale oo iyana shirkaa lagu martiqaaday dhammaan hantilayaasha, maalgaliyaasha, shirkadaha baananka iyo sidoo kale dadka xiiseeya guud ahaan geeska Africa sida warbaahinta, aqoonyahano iyo dad kale oo faro badan oo kala duwan.

Safiirka Fadhigiisu yahay Paris ee dalka Jabuuti Ambassdor Rashaad Faarax oo shirkaas ka hadlay, ayaa tilmaamay faa,iidada ku jirta qorshahan cusub ee lagu hirgelino maalgelinta Geeska Afrika.

"Mashaaricda hadda hirgaley waxa ka mid ah dekadda cusub, isgaadhsiinta, waxaanan filayaa in mustaqbalka dhaw ay hirgalinta dekadda cusubi noqon doonta tan labaad ee Africa marka laga yimaado tan koobaad ee Tanger ee dalka Marocco,” ayuu yidhi Mr. Rashaad Faarax.

Shirkan ayaan ah mid muhiim weyn ugu fadhiya dalka Somaliland , marka loo eego sida ay uga dhex muuqatay iyo martiqaadka rasmiga ah ee uu u fidiyey Golaha aqalka Senat Faransiiska.

Sidoo kale, shirkan ayaa ah mid Somaliland u furaya alaababo cusub oo ah xidhiidh wanaagsan oo dhexmara labada dal, iyada oo laga yaabo in mar walba Somaliland martiqaad ka hesho shirarka noocan oo kale ah.

 

 

 



Togdheernews