Shir beeleedyadu waxay shaasho iyo shuush ku yihiin Shacniga
qarinnimo ee Somaliland maanta lagu mildhanayo.
Horta, Waa Allah mahadii mar hadaan maanta xor nahay, oo aynu inagu
meel aan ka joogno gayigeen aba, danteena iyo ta dalkeena gadhwadeen
ka nahay aan cidna u daba fadhiisanayn. Hadaba, iyada oo dadka reer
Somaliland labaatankii gu' ee ay Somaliland qaranka ahaydba muujiyay
karti iyo dadaal dheeraad ah oo lagu majiirto, loogana sacab tumo
caalamka meel kasta oo lagu soo qaado arimaha geeska Afrika iyo
Dunida sedexaadba, laguna tirtirsiyo dadyawga kale ee qayrkeena ahi
inay sida ay Somaliland isku maamushay ee ay keligeed iskugu
tashatay kaga daydaan, oo aad iyo aad maanta Somaliland caalamku ugu
han-wayn yahay, hubantina ay tahay inaanay hore u soo marin
Somaliland fursad la mid ah tan ay maanta haysataa, oo ay dhab tahay
inuu aqoonsigeenii si balaadhan u soo af-yeeshay! Ayaa hadana in-dhawaydba
waxad yara moodaa si ay wax yihiinba, in dadka reer Somaliland qaar,
ay aragti kale oo aan aayatiinkeedu wanaagsanayn dalka iyo dadka ku
dhex abqaalayaan! Aragtidaasi waa maxay? Waa aragtida aan godolka
badan dhiiqayn ee xaga danbe ka riixaysa, shir beeleedyo doco doco
ah in dalka gabigiisa laga abaabulo!
Bal aan is waydiino-e muwaadanka reer Somaliland ee xalaasha ahoow,
miyaan u baahanahay inaga oo Qaranka Somaliland haysana, oo danteena
gaarka ah iyo ta guudba ka dhex arkayna, kana helayna (haba yaraato
waayaha ku gadaaman dartoode) inaynu Beel dib ugu noqono? Jawaabtu
laba iyo sedex iyo in ka badan toona maahee waa hal kali ah, oo waa
maya. Uma baahnin beel, jilib iyo reer toona in la isku urursado,
iyada oo la leeyahay waxanu ka tashanaynaa aayatiinkayaga. Hadii ay
aayatiin ka-tashi dhab ah tahay waxa la abaabulayaa, oo tabashooyin
guud oo garawshiiyo waayay ay jiraan, ku doono oo ku raadso xaqaaga
si ay ku dheehan tahay wadaniyadi, adiga oo Qarankaagu si aanu
wiiqmin u maraya daw-yada toosan, ee badan ee aan samaysanay ee ka
taabo-galay dalkeena. Daw-yadaasi waa kuwee ayaa mudan in la is
waydiiyo? Waa,-
1- Haday tabashadaadu tahay mid heer tuulo, degmo ama gobolba ah,
marka ugu horaysaba dadka degaanka oo isku duuban oo beel kastaaba
ka dhexmuuqato si wada jir ah u doonta, idinka oo xil-dhibaanada aad
u soo doorateen heerarka maamul ee kala duwan ee aan soo sheegay,
gartiina u naqanaya! Kuna dirqiyaya inay degaamada laga soo doortay
waxii laga filayay u qabtaan. Si kastaabase badane hadii ay gudan
waayaan waajibkii aad idinku u igmateen xildhibaanadaasi, si hufan
oon huube lahayn xilka uga xayuubiya, oo muwaadiniin kale oo aad si
xalaal ah u doorataan, kuna xulataan xirfadooda iyo xil-kasnimadooda
madasha talada laga gooyo gaysta idinka oo u maraya sifo xeerka
qaranka u yaalaa ogol yahay.
2- Waaba ay suurtowdaaye, hadii ay tabashadu mid heer qaran ah tahay,
si xisbinimo u doono dantaada iyo aayatiinkaaga, adoo xisbigaad bido
inuu kuu fooga tirayo daldalaoolkaad saluugsana tahay, xabad xaashi
ah ugu deeqaya, kuna xardhaya magaca muwaadinkaad filayso inuu u
qalmo jagada laga jaan-gooynayo hogaanka dalka. Taasi oo ah ta aad
ku gaadhayso waxad doonayso, si kastaaba badane hadii aad ku
hungowdo oo uu ku hoodo xumaysto ayaankaagii, oo uu xisbigaasi ka
bixi waayo balamahaad wada gasheen, ka digo rogo aayartii dhalatay!
Oo ka dooro ilaahay kuma ciilina xisbiyada kale ee midba midka kale
la loolamayo. Sidaasi ku doon hore-u-marka aad habka guracan ee
shir-beeleedka ah ku doonayso, waa hadii ay taasi uun tahay, Hadiise
wax kale oo la hadoodilayaa jiraan oo niman siyaasiyeen isku
sheegayaa, food saar ka dhiganayaan shir-beelkana waxan leeyahay,
Adeeroow Qarankan Curdinka ah ha Shaashaynina!
-Bal Caalamka Shacniga iyo Ayniga qurxoon ee ay Somaliland ku
leedahay halkan hoose ka yara mildho! Markaana dib iskugu noqo oo is
waydii miyay gar tahay adoo qarankaa loo bogay haystaa inad
shir-beeleed ku curdan dhadhisaa? Jawaabta markaad
report/analysis-ka aan ku lifaaqay maqaalkan akhrido isa sii!
Waxan hoosta kuugu soo lifaaqayaa war-bixino si qoto-dheer ay dad
aqoon durugsan lihi ugu lafo gureen, Bal inay Somaliland Qaran noqon
karto mudan in la aqoonsado iyo in kale! Iyaga oo dhan kastaba ka
rogay arintaasi oo weliba dhib iyo dheef waxa ugu jira guud ahaan
caalamka gaar ahaan dadka reer Somaliland, si balaadhan u saafay.
Gunaanadka iyo gabogaboda warbixinahoodaasi waxay aqoonyahanadaasi
kale duwani, inooga marag kacayaan oo ay inoo qirayaan, inaynu nahay
qaran buuxa oo la tirsan karo, lagu tashan karo, oo hiil iyo hooba
lagu tuhmi karo.
- Aan ugu horaysiiyo nin arday ah oo magaciisa la yidhaa mr Nicholas
Eubank, oo ka diyaariyay Somaliland iyo sida ay iskugu tashatay
shahaada aqoonta sare ee la yidhaa PhD. Waxa uu ka qoray Somaliland
warbixin uu u bixiyay magaceeda,- Taxation, Political
Accountability, and Foreign Aid; oo ciifo iyo hirar doodeed ka
dhalisay aduun waynaha!
Halkan hoose fur lifaaqa aan ku nuday oo ka bogo akhriska war
bixintaasi:
http://www.scribd.com/doc/56677816/Taxation-Political-Accountability-and-Foreign-Aid-Lessons-from-Somaliland
- Dhawaan Profuseero iyo aqoonyahano badan oo kala jooga dalalka
Maraykanka, Ingiriiska, Koonfur-Afrika, Denmarka iyo meelo kale oo
badan ayaa daraasad dheer oo ay ka sameeyeen Somaliland. iyo
Ictraafi siinteeda/diidisteedu saamaynta ay ku yeelanayso reer
Somaliland iyo dunida kaleba si tafaqyotiran u qoray, uguna faafiyay
war-baahinta aduunka, daraasadaasi oo ay magaceeda u bixiyeen
aqoonyahanadaasi, ''The Consequences of Somaliland’s International
(Non) Recognition''
Waa tan daraasadii ee halkan ka daalaco:
http://www.thebrenthurstfoundation.org/Files/Brenthurst_Commisioned_Reports/BD-1105_Consequences-of-Somalilands-International-Recognition.pdf
Lama qiyaasi karo falanqaynta iyo hadal haynta Somaliland ee
caalamka maalmahan iyo bilahanba ay ka dhaliyeen, daraasadahan ama
warbixinaha iyio kuwa kale oo badan oo aad hada ugu jiraa war-baahintta
aduunka. Taasina waxa ay ku timid, waa maamulkaa hufan ee
Diimuqraadiga ah ee ay dadka reer Somaliland samaysteen. Waxa
Guulaha u soo hooyday reer Somaliland ay hada marayaan, meel midho
dhal ah oo ay weliba wadamada dagaaladu halakeeyeen ama dib u dhaca
siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ku habsaday, furdaamis iyo taxliil
in looga doono lagu taliyo !
Bal hadaba tiiyoo Somaliland ay dheg samidaa qaayaha leh ka kasbatay
Caalamka oo in abaal maris looga dhigo aqoonsiagana ay dadyoow iyo
dawlada badani u xusul duuban yihiin, miyaa ay qabataa qaranka
Somaliland, in wax labaatan Sano ka hore uu ka soo tagay oo ka koray
lagu xagal daaciyaa? Allaylehe waa maya..
Waxan hadaba ku soo gabagabaynayaa, Somaliland iyo inta caalamka ku
filiqsan ee nasteexeeda ahi toona idinkama mudna inad maanta
maqashiisaan qabiil, jilib, habar-habar iyo bah-bah ayaa loo
shirayaa!.
Waxan leeyahay,- Reer Somalilandoow,-
Shir beeleedku wada Shara!
Waa Shuushe wada shara!
Shantii buu wadaaye Shara!
Shaydaanbaa sitee Shara!
Sharafi kuma jirtee Shara!
Cali Cumar Xasan (Somaliland
ha jirto oo
ha joogto weligeed)
N.B;
Hadii aad rabto inad akhrido maqaalo iyo warbixino ku saabsan
Somaliland oo si qoto dheer u lafa guraya dallkeena oo wada xul ah,
ha moogaanin inad marmar yara hoomaydo,
websiteka/blogga magaciisa la yidhaa,
www.waayeelnews.blogspot.com.
Oo ay ku kaydsan yihiin warbixinahan dusha iyo boqiolaal la mid ah
oo kale.
|