Shir caalamiya oo dhex maray wufuud ka socda Somaliland iyo Baarlamaanka Falamishka ee dalka Belgium oo ka dhacay xarunta caasimada Europe ee Brussels


 


Shirkan oo ay ka soo shaqeeeyeen hirgalinteedana lahaayeen ururka Diaspora ee ka dhisan wadankan Belgium .....(Daawo Sawiro)


Brussels (TNN):- Shir caalami ah oo ay soo qabanqabiyeen ururka Diaspora ee ka dhisan wadan ka Belgium ayaa ka dhacay magaalada Brussels shirkan o ay ka qaby qaadanayeen wufuud ka timid somaliland oo ay kamid ahaayeen Gudoomiyaha golaha wakiilada Somalialnd ahan gudoomi yaha xisbiga Wadfani Mr Cabidiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ,Adna Aadan , xildhibaaan Cabdiqadir Xaaji Ismaaciil Jirde , gudoomiyaha urukla isku xidhka Jaaliyadaha dibada ee SSE Cab diraaxmaan Awliyo iyo xubno ka kala socda jaaliyada dibada ee Somaliland ee ku dhaqan qaara dan Europe.Shirkan oo xubnaha ka socday baarlamaanka Flaamishka ay ka tirsanaayeen xisbiga NVA ayaa si qiiro ku jirta u dhagaysanayay qudbadaha kala duwan ee ay soo jeediyeen xubnihii ka socday Somaliland.


Gudoomihaha golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan ciro o qudbad dheer ka jeediyay shirka ayaa ka sheekeeyay isbadalkii dheeraa ee Somaliland u soo martay inay maanta soo gaadho m arxalada ay marayso , waxaanu ku nuuxnuuxsaday in dadaal badan u galeen sidii dimuqraadiyada dhamaystiran looga hirgalin lahaa wadanka .


Gudoomiyaha shirkada caalamiga ah ee Dahabshil Cabdirashiid siciid oo isna gobta ka hadlay ayaa ka sheekeeyay taariikhdii shirkada Dahabshiil iyo doorka wayn ay ku yeelatay kobcinta dhaqaalaha wadanka

, iyo sida ay ugu fududaysay boqolaal kun Somali ah oo ku kala noool aduunka inay si dhib yar lacag ugu diraan eheladooda wadankii ku dhibaataysan, waxaanu tilmaamay in shirkada Dahabs hiil qayb wayn ka qaadato horumarinta wadanka gaar ahaan taakulaynta dadka saboolka ah.


Adna Aadan oo ka mid ahayn xubnaha ka socday Somaliland ayaa iyaduna si mug leh oo waafi ah uga warantay marxaladihii kala duwanaa ee wadanku soo maray , waxayna aad u ga sheeka ysay xasuuqii loo gaystay umada Somaliland iyo sidi ay naftooda ugu hureen xornimada ay maa nta hadhsanayaan, waxaanay tilmaamtay in loogu baahn yahay in wadanka xaaladaha kala  du wanaa soo maray ee aan cidna taakule siyaasadeed iyo mid dhaqaale siin la barbar istaago mutaysteena in ay helaan aqoonsi caalami ah.


Shirkan oo ahaa mid heer caalami ah soona jiitay indhaha warbaahinta wadanka Belgium , waxa ana goobta kusugnaa wariyaal ka socday talifishinka ku hadla afka dutchka oo ah kan ugu afka dheer wadanka Belgium, waxaanay si dareeen ku jiro ula socdeen shirka intii uu socday.



Dadwaynaha Reer somaliland ee ku dhaqan wadanka Belgium ayaa dareen farxadleh ka muujiya y markii ay xalay markii ugu horaysay ka daawadeen talafishinka VrtN (een )oo xalay ka halday shirka iyo nuxurka uu xanbaarsanaa shirka .



Maaha markii u horaysay ee xubno ka socda somaliland ka hadlaan qadiyada Somaliland iyagoo ku sugan baarlaanka Europe , waxaa ka horeeyay wafti uu hogaaminayo wasiirka Arimaha dib ada Somaliland Dr Maxamed Cabdiolmaahi Cumar oo sidoo kale qudbad dheer ka jeediyay baarl amaanka Europe .


Wafuuda ka socda somaliland ayaa u muuqda kuwo fahmay ahmiyada ay leedahay in xoogga la saaro xarunta midawga Yurub ee Brussels oo ah xarun wayn oo kulmisa xubno matala 27 wad an oo ku bahoobay barwaaqo sooranka europe, waana goob muhiim ah oo laga gooyo go,aano saamayn ku leh aduunka.








Saciid cali (Sacadguray)
Timacade News Desk
Brussels,Belgium