Shir Guddoonka Wakiilada Oo Hindise Codsi Ah Oo Kaga Yimid Madaxwayne Rayaale Shuruudo Ku Xidhay
 

Hargeysa (Longlivesomaliland News) – Shir-guddoonka golaha wakiilada   Som  liland ayaa la sheegay in dalab kaga yimid madaxweyne Rayaale oo uu kaga  c odsanayey in kulan wada hadal ay isugu yimaadaan uu shir gudoonku  shuruu do ku xidhay kulan dhex mara labadooda dhinac, taas oo ilo xog-ogaal ahina ay sheegeen in shir gudoonku ay jawaab ku saabsan is aragooda uga jeediyeen madaxweyne Rayaale iyagoo shuruudna ku xidhay kulano ay isku soo hor  fad hiistaan, taasoo sida tibaaxuhu sheegayaana uu qoraal uu u soo diray shir  gu doonka kaga codsaday in albaabadiisu u furan yihiin, si wada hadal ay uga  ye eshaan khilaafaadkooda sharci oo wakhtigan xaadirka ah maraya meel  cakir an.

Ma jiro war cad oo ka soo baxay xarunta golaha wakiilada iyo qasriga  madaxt ooyadu, balse ilo u dhuun daloola qoraalada ay is dhaafsadeen madaxweyne Rayaale iyo shir gudoonka wakiiladu ayaa la sheegay inuu markii u horaysay ku yimid qoraal uu madaxweyne Rayaale u soo diray shir gudoonka oo uu kaga codsaday in kulan wada hadal ay isugu yimaadaan labadooda dhinac, hase yeeshee tibaaxo ka soo baxay arrimahaa dhex maray ayaa la sheegay in shir gudoonka wakiiladu ay shuruudo ku xidheen madaxweyne Rayaale inuu fuliyo ka hor inta aanay kulan isugu iman, taasoo ay shir gudoonku dhinacooda la sheegay in madaxweyne Rayaale ay ugu qadimeen in khilaafka ka dhexeeyaa aanu ahayn mid siyaasadeed balse uu yahay muran sharci, oo ka dhashay  aw oodaha iyo waajibaadka golaha wakiiladu uu siiyay distoorka qaranku  waxaa nay tibaaxahaasi sheegayaan in shuruudaha uu shirgudoonku uu ka bixiyey dalabkaasi codsiga ah ay ka mid ahaayeen:

1.In madaxweyne Rayaale shuruucda iyo distoorka qaranka u hogaansamo, kuna dhaqmo go’aamadii iyo qaraaradii golaha wakiilada ka soo baxay.

2.In madaxweyne Rayaale uu si cad u bayaamiyo ku dhaqanka shuruucda dalka iyo fulinta go’aamadii ay gaadheen.

3.Inuu raali gelin ka bixiyo talaabadii uu ku xidhay xarunta wakiilada ee ciidamada bilaysku qabsadeen.

4.Waxa kale oo la sheegay in shir gudoonka wakiiladu ay shuruud kaga  dhige en kulan dhex mara Rayaale in askartii gaysatay dilalkii lagula kacay labadii marxuum ee dhalinyarada ahaa ee ka midka ahaa dadweynihii isugu soo baxay xarunta golaha wakiilada duleedkeeda ee ku dhintay kacdoonkaasi sharciga la horkeeno isla markaana xukuumadu bixiso labadaa marxuum ee ku  geeriyood ay iyo dadkii dhaawacu ka soo gaadhay.

In kastoo aan si rasmiya loo ogayn jawaabaha la sheegay inuu ka soo bixiyay shuruudahaasi ay shirgudoonka wakiiladu ka bixiyeen codsiga kaga yimid  mad axtooyada, hadana waxay ilo xog ogaal ahi Haatuf u sheegeen in madaxweyne Rayaale shirgudoonka wakiilada kaga codsaday in wakhtigan xaadirka ah ay albaabada madaxtooyada u furan yihiin loona baahan yahay in  masuuliyiinto oda sare ee waaxda fulinta iyo waaxda xeer dejintu ay wada hadal ku  dhame eyaan muranka sharci ee ka dhex aloosan madaxtooyada iyo wakiilada oo  mu dooyinkan dambe uu ka dhex taagnaa khilaaf cakiran oo sharci oo gaadhay heer la isu adeegsado ciidamada iyo shacbiga iyo talaabo kasta oo ay labada dhinac iskaga takhalusi karaan.

Dhinaca kale waxa la sheegayaa in koox salaadiin iyo odayaal isugu jirta ay ergo dhexdhexaadin ah oo la isugu keenayo shir gudoonka wakiilada iyo  mada xweyne Rayaale maalmahan ugu dambeeyey ay ku soo noqnoqonayeen  xaru nta wakiilada balse shir gudoonka wakiilada ayaa la sheegay in kooxaha  haws haasi u ololaynaya ay u soo jeediyeen in arrinka la isku hayaa uu yahay muran sharci, balse aanu ahayn muran siyaasadeed, taas darteedna lagu xalin karo oo keliya sharciga, balse aan loo baahnayn in dariiqa laga lumiyo muranka sharci ee salka u ah golaha wakiilada iyo xukuumada.
 

 



Source:Haatuf