Shir Gudoonka Golaha Wakiilada Somaliland oo maanta soo gaaray magaalada Oslo wadanka Norway

 

Shir Gudoonka Golaha Wakiilada Somaliland oo maanta soo gaaray magaalada Oslo wadanka Norway.

Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Mudane Cabdirahmaan Ciro iyo ku xigiinkiisa koowad iyo Mudane Cabdicasiis Samaale ayaa maanta booqasho gaaban ku soo gaaray wadanka Norway caasimadiisa Oslo .
Waxaana si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka dayuuradaha ee Gardemoon gudoomiyaha xisbiga kulmiye ee laanta Norway Mudane Sulub,Faadumo Madar oo ah xubin xisbiga Ucid ee lanta Norway
, Wakiilka Dahabshiil Axmed Cawad,Axmed Xaji Noor,iyo odayaal kale oo ka tirsan jaaliyadda.

Gudoomiyaha Wakiilada iyo ku xigiinkiisa kowaad waxaay uga sii gudbi doonaan magaalada saliida qaniga ku ah ee Stavanger oo aay kaga qaaybgali doonaan aqoonisweeydaarsi ku saabsan arimaha shidaalka.
Gudoomiye Cabdirahmaan iyo Samaale waxaay la kulmi doonaan maalinta bari oo sabti ah Jaaliyadda Somaliland ee Norway ayagoo warbixin ka siin doona xaalada guud ee dalka iyo dadkuba aay ku sugan yihiin.
Wixii wara ee ka soo kordha waxaan idiin balan qaadaaynaa in aan idiin soo gudbino.
 

 


 


Xassan waraabacadde

Oslo Norway