Shir ka dhacay London oo la iskugu yeedhay shirkadaaha xiiseynaya in ay saliid ka soo saaran JSL

 


Shir ka dhacay Royal Air Force Club London RAF Club) oo la iskugu yeedhay shirkadaaha xiiseynaya in ay saliid ka soo saaran Somaliland


Waxa 18'kii Noovambar ka dhacay magaalada London shir caalami ah oo ay iskugu yimaadeen Shirkadaha jecel in ay saliid ka soo saaran Somaliland Iyo Wasiirka Biyahay iyo Macdanta ee Somaliland Mudane Qassim SH Yusuf Ibrahim oo uu wehiliyo Agaasmiha Guud ee Wasaarada Mudane Ahmed Ibrahim Suldan.Sidaasi waxaa cadeeyay Wakiilka Somaliland Sweden mudane Eidarus Sh Adan isaga oo qoraal soo gaadhsiiyay saxaafada taasi oo nuqul ka mid ah ay shabakada qarannews heshay waxa aanu wakiilku shirkaasi kaga warbixyay oo yidhi Waxa shirka soo wada qabanqaabiyey Wasaarada Biyaha iyo Macdanta ee Somaliland iyo Shirkada TGS-Nopec oo ah shirkadii sameysay baadhitaanka khayraadka ku jira Somaliland. Shirkaas waxa ka soo qeybgalay shirkado caalami ah oo ka kala yimi wadamo kala duman oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Ingiriiska, Sweden, Norway, Holland, Saudi Arabia, Talyaaniga iyo wadamo kale. Waxa kale oo shirkaas ka soo qeyb galay Wakiilka Somaliland ee Sweden Mudane Eidarus Sh Adan oo hogaaminayey shirkado reer Sweden ah.

Waxa bisha 20 noovambar ka dhacaya shir ka London oo kale ah magaalada Houston, Texas USA. Kulankaas oo la mid ah kii ka dhacay London 18 noovambar. Waxa aana ka soo qeybgeli doono shirkado waaweyn oo ah ku saliida soora oo Mareykan ah.

Waxa shirka London furay Wasiirka Biyaha iyo Macdanta Somaliland Mudane Qassim SH Yussuf Ibrahim. Waxa uu Wasiirku yidhi. ”Maanta waa maalin taariiki ah, waa markii ugu horeysay ee adduunweynaha loo soo bandhigay in ay ka soo qeyb galan soo saarida khayraadka ku jira Somaliland. Soo saarida saliidu waxa ay wax weyn ka tari doonta shaqo abuurka iyo dhaqaalaha Somaliland. Wasiirku waxa uu hadalkiisi ku daray in ay Dawladda Somaliland diyaar u tahay in waxkasta oo suurta galaya sameyso si khayraadka ku jira Somaliland loo soo saari lahaa. Halkan aanu maanta taaganahayna waxa na soo gaadhsiiyey karti ay Dawladda Somaliland sameysay iyadoo la kaashaneysa shirka la yidhaahdo TGS-Nopec, waana Ilaahay mahadii ayuu Wasiirku hadalkiisi ku dhameeyey.

Ka dib waxa hadalkii qaatay Gabadh la yidhaahdo Marie Grand oo ka socota TGS_Nopec. Waxa ay Marie Grand ka hadashay hawshii baadhista ahayd ee ay sameeyeen iyo waxii ka soo baxay. Marie Grand waxa ay sheegtay in khayraad badani ku jro Somaliland bad iyo beri ba.

Waxa kale oo ka hadlay munasabadaas Agaasimha Guud ee Wasaarada Biyaha iyo Macdanta Mudane Ahmed Ibrahim Suldan. Agaasimuhu waxa uu ka Hadley hab farsamada lagu bixin doono meelaha kala duwan, bad iyo beri ba iyo shuruudaha lagu xidhaya shirkadaha raba in meel la siiyo. Hawsha bixintu (blocks) waxa ay bilaabmi

Shirkadihii meeshaas iskugu yimi aad ayey uga heleen wixii ay arkeen iyo warkii ay maqleen ee ku saabsanaa khayraadka ku jira Somaliland.
Nin Talyaani ah oo shirkaas ka qeyb galay waxa uu yidhi “waa fursad fiican oo waan ku qanacsanahay in ay saliidi ku jirto Somaliland, rajaduna weyn wanaagsantahay.” Nin kale oo madax u ah Shirkad ka timi Sweden oo La yidhaahdo Bo Lindstrom waxa uu yidhi sidatan;
“Aad ayaan u farxsanahay in aan ka qeyb galo kulankan lagu qabtay Magaalada London. Si fiican ayaan u dhageystay wararka fiican ee meesha lagu soo bandhigay ee ku saabsan sidii saliid looga soo saari laha Somaliland. Hab qorsheysan oo si fiican looga soo shaqeyey ayaa loo soo bandhigay warbixinta. soo saarida khayraadka Somaliland ku jira waa bilaw fiican oo horumar u keenaya shacbiga Somaliland. Aniguna waxa rajeynaya in ka qeyb qaato sidii khayraadka Somaliland loo soo saari lahaa.”

Shirkii markii u dhamaaday waxa qado sharaf lagu sameeyey meesha la yidhaahdo Royal Air Force Club London.

 

 

 


Source: Qarannews