WAR-SAXAAFADEED

 



Shir ku saabsan ka hawl galka diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee gobolada Sanaag, Sool, iyo Buuhoodle ayaa ku qabsoomay qasriga madaxtooyada galabta, kaas oo ay ku kulmeen, kom ishanka Doorashooyinka, Asxaabta Qaranka iyo Xukuumadda.JSL2

Shirkan oo uu gudoominayey madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa iyaguna waxa xaadir ku ahaa badiba xubna ha komishanka doorashooyinka qaranka oo uu horkacayo gudoomiyaha komishanka qaranka Cabdiqaadir Iimaan Warsame, Gudoomiyaha ahna Murashaxa xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani Mudane Maxamed Cabdilaahi Uurcade. Wasiiiro, Xildhibaano iyo Siyaasiyiinka u bad an kuwa ka soo jeeda gobolada Bari.

3 Waxa ugu horayn halkaa ka hadlay gudoomiyaha komishanka, iyo Maxamed Jaamac oo ka tirsan komishanka doorashooyinka, waxanay halkaa ka cadeeyeen inay dhamaystireen qabs oomida diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee gobolka sanaag oo ay ka bilaabmi doonto diiwaan gelintu 15-July-2016 oo ah Ramadaan ka dib. Waxay sheegeen xubnaha komishanku inay diyaar yihiin barmaamijkii lagaga hawlgeli lahaa diiwaangelinta gobolka sanaag, haday no qoto shaqaalihii, tababarkii loogu talogalay oo la siiyey shaqaalihii ka hawlgeli lahaa, gaadiidkii ka shaqayn lahaa iyo dhamaanba agabka lagaga hawlgeli gobolka sanaag oo wada diyaara, sugayana dhaqaajinta oo keliya. 4

Waxay intaa raaciyeen xubnaha komishanku in dhamaanba hawl wadeenada ka hawlgelaya ay yihiin kuwo ka soo jeeda gobolka sanaag, sidoo kalena gaadiidka ka shaqayn doona iyag una ay yihiin kuwo laga qaatay isla gobolkaa.

Waxa iyaguna halkaa ka hadlay siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolada Bari kuwaas oo iskala af noqday inay dadka degaamadaasi diyaar u yihiin inay si buuxda uga qaybgalaan doorashada loo qorsheeyey horaanta 2017.7

Waxay ku nuux-nuuxsadeen in dadweynaha goboladaasi aanay dib danbaxaysa u yeelayn xildhibaano ku soo baxa isxambaar, balse xildhibaanadu ay ku iman doonaan doorasho ay u codeeyeen dadweynaha ay metelayaan.

Gudoomiyeyaasha iyo hogaanka asxaabta oo iyaguna halkaa ka hadlay ayaa uga markhaati kacay siyaasiyiinka ka soo jeeda gobolada Bariga in kormeero ay hore ugu soo mareen dhul kaasi ku ogaadeen sida ay dadweynaha jiidaasi ugu heellan yihiin inay ka qaybqaataan diiwa angelinta si ay u noqdaan codbixiyeyaal rasmiya doorashada soo socota.

Waxa iyaguna taageeray, tilmaamayna sida ay xaqiiqadu tahay in bulshada ku nool gobolada Barigu ay wadar ahaan ugu soo jeesteen, sida ay wax walba ugala mid ahaan lahaayeen bul shada reer Somaliland inteeda kale xubnaha xukuumadda ee halkaa ka hadlay.

Rog-rog iyo falanqayn dheer ka dib, waxa la isla qaatay:

In wacyigelin dheeraada loo lahaado, oo ku saabsan diiwaangelinta codbixiyeyaasha bulshooyinka goboladaa Bari, lana suurtogeliyo in tirada ugu badani isdiiwaangeliso.
In mashaariicda horumarineed ee la qoondeeyey inay xukuumadu ka fuliso dhulkaasi la dedejiyo.
In la hawlgeliyo madaxdhaqameedka aqoon yahanka, ururada bulshada iyo siyaasiyiinta goboladaasi, si ay uga qayb qaataan hawsha muhimka ah ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
In la sameeyo guddiyo isugu jira asxaabta qaranka iyo xukuumadda oo ka hawlgala, habsami u qabsoomida diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee gobolada Bari

Ugu danbayntii, madaxweyne ku xigeenku, wuxuu ku adkeeyey masuuliyiinta kulanka ka qaybgalay in hareeraha layska taago diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee gobolada Bariga oo ay Sanaag ugu horayso iyo sool oo ka danbaysa oo iyana bisha sideedaad badhtameheeda noqonaysa. Isagoo intaa raaciyey in qodobada la isla qaatayna si dardari ku jirto loo fuliyo.



ALLAA MAHAD LEH



Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

Af-hayeenka Madaxtooyada