Shir lagu soo bandhigay casriyayn lagu sameynayo madaarrada Hargeysa iyo Berbera
 

 

 



Hargeysa (TNN)- Shir faah faahin lagaga bixinayay baaxada hawsha laga qabanayo casriyayn ta madaarrada Hargeysa iyo Berbera ayaa maanta lagu qabtay Huteelka Ambassador ee mag aalada Hargeysa.

Shirkan oo ay soo Agaasimeen Guddida qandaraasyada qaranka, waxa ka soo qeyb galay was iirrada wasaaradaha Duulista Hawada iyo Hawlaha guud iyo Guriyaynta Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Prof. Ismaaciil Muumin Aare, shirkado ajanabi ah oo ay ka mid ahaayeen kuwo Chine se ah , qaar ka socday wadamada dariska iyo kuwo maxali ah oo soo dalbaday inay in la siiyo mashruuca balaadhinta iyo casriyaynta madaarrada Berbera iyo Hargeysa oo ay maal gelina yso dawladda Kuwayt.

Guddoomiyaha Guddida qandaraasyada qaranka Md. Aadan Nugaal oo ka hadlay shirkaasi ay aa sheegay inay hore saxaafada loogu baahiyay qandaraaska casriyaynta iyo balaadhinta la bada madaar ee Hargeysa iyo Berbera, waxaanu tilmaamay inay shirkan u qabteen si ay faah faahin uga siiyaan shirkadaha soo dalbaday dhismaha madaarrada baaxadda hawsha laga qabanayo madaarada.


Md. Aadan Nugaal wuxuu sheegay in 17-ka bishan si rasmi ah loogu dhawaaqi doono shirkada rasmi ahaan ugu guulaysatay labadan mashruuc oo uu xusay inay qaranka ahmiyad weyn ugu fadhido.

Wasiirka wasaaradda Duulista hawada iyo gaadiidka cirka Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka hadlay shirkaasi ayaa sheegay in mashruucan dhismaha labadaasi madaar ay maal gelinayso dawlada Kuwayt, waxaanu xusay inay ku bixi doonto lacag dhan 10 milyan oo dollar.


Md. Maxamuud Xaashi wuxuu u mahad celiyay dawlada Kuwayt ee maagelisay mashaariicdan casriyaynta labadaas Madaar. Wasiirku wuxuu sheegay inay qandaraaskan u naadiyeen si fulinta mashaariicdani ay noqdaan kuwo si xor ah loogu tartamo.

Wasiirka Duulista Hawaddu wuxuu sheegay inay Somaliland tahay dal halgan ugu jira inuu ho rumariyo kaabeyaashiisa dhaqaalaha, waxaanu shirkadaha ajaanibka ah ee u soo dalbaday qandaraaskan tafaasiil ka siiyay sooyaalkii taariikheed ee ay Somaliland soo martay, waxaanu xusay inaanay ahayn dal ka go’ay Soomaliya, balse ay yihiin dal xornimada ka hor qaatay Soomaaliya, hase yeeshee halgan qadhaadh oo shacbiya dib ugula soo noqday xornimadiisa sanadkii 1991-kii.

Wasiirka Duulistu wuxuu sheegay inay Somaliland ay ka jirto nabad gelyo iyo deganaansho suurto gal ka dhigi kara in maalgashadeyaasha caalamiga ah ku soo dhiiradaan.

Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka Hawlaha guud iyo guriyaynta Somaliland Md. Ismaaciil Muumin Aare, waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay midho dhalka mashruuca dib u habaynta madaaradda, waxaanu soo dhaweeyay shirkadaha maxaliga ah iyo kuwa ajanabiga ah ee codsaday fulinta mashaariicdan.

Wasiirka hawlaha guud wuxuu intaas ku daray wadooyinka dalku burbursan yihiin isla markaa na ay qorshaha ugu jirto sidii ay dayactir weyn ugu sameyn lahaayeen, iyagoo ka duulaya awooda dhaqaale ee dalka iyo deeqaha Somaliland ka hesho beesha caalamka.

Md. Ismaaciil Muumin Aare wuxuu sheegay inuu soo dhawaynayo shirkada ku guulaysata tar tanka qandaraaskan.

Waxa shirkaasi lagu soo bandhigay filim dukumantar ah oo ku saabsan qeybaha dayactirka balaadhan lagu sameynayo ee madaarada Hargeysa iyo Berbera, ka dibna waxa masuuliyiintii dawlada iyo Shirkadihii danaynayay qandaraaskani ay kormeer ku tageen Madaarka Hargeysa, waxaanay soo indho indheeyeen dhabbadda diyaaruduhu ka haadaan (Run way-ga) oo ay soo soo darseen baaxada hawsha uu u baahan yahay madaarku.
 


Source: Somaliland.Org