SHIR QODOBO BADAN TAABANAYA OO AY XALAY YEESHEEN GUDDIDA FULTINA EE WADDANI UK

 


Shir Teleconference ah ayay xalay 8:00 fiidnimo ee xiliga UK isugu yimaadeen guddida fulinta ee Waddani UK, shirkaasoo uu gudoominaayay Gudoomiyaha guddida fulinta ee Waddani UK Mudane Xusseen Aadan Cade, waxaa shirkaasi lagu falan qeeyay arimo badan oo ay kamid ahaayeen dardar galinta laamaha UK iyo wacyi galinta dhamaan xusbiba Wadddani UK, udiyaar garoowga taageerayaasha isa soo taraya ee xusbiga kusoo qulqulaya, iyo qodobo kale oo wax ku oola. Waxaa kaloo laysla falan qeeyay xalaada siyaasadeed ee uu marayo dalkeena Somalailand oo runtii ah mid maalinba maalinta kadan baysa aad moodo in hanaan socodkii siyaasadeed ee dalku uu yahay mid hoos u sii socda. Taasoo dabcan ay leedahay dhaliisheeda xukuumada hadda talada dalka haysa oo ay muuqato inay baal marsan tahay mandate kii loo doortay ee ahaa harumarinta dalka haday tahay mid siyaasadeed, nabad galyo iyo mid dhaqaalaba. Waxaa dhawaanahan ay dadwaynaha reer Somaliland ka dhereg sanaayeen xukuumadii awalba taagta darnayd oo hadana iyadi kala dhamaan wayday oo kaga mashquushay dadanihii loo igmaday khilaafka dhexdooda kataagan ee ilaa hada aan damid ee isa sootaraya. Guddida fulinta ee Waddanu UK iyaga oo taa kaduulaaya ayay waxay isla qaateen sidii dalkan iyo dadkan loo bad baadin lahaa inay tahay ta Illahay kasokow kaliya inay tahay in uu talada dalkan gacanta ku qabto xisbiga Waddani.
Shirkan xalay dhexmaray guddida fulinta ee Waddani UK ayaa hormood u ah shirrar isdaba jooga oo todobaadle ah oo ay yeelan doonto guddidu hadii Alle ogolaado. Gudoomiye Xusseen Aadan Cade ayaa meel addag iska taagay inay ka go’antahay dedaal dheeraadana uu ku bixinaayo oo uu maal iyo muruqba la garab tag naan doono sidii uu Xisbiga Waddani talada dalka u qaban lahaa si loo helo dal iyo dad midaysan, taasoo dhamaan guddida uu hogaanka uyahay iyo dhamaanba xisbi waynaha WADDANI ay kutaageer sanyihiin, dedaal kaasna ay u aqoonsan yihiin Gudoomiye Xusseen Aadan Cade dhamaanba madaxda sare ee xisbiga oo uu u horeeyo Mudane Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ay xaasiib tinimo iyo wadda shaqayn qoto dheeri ka dhaxayso isaga iyo Mujaahid Xusseen Aadan Cade.
 

 


Afhayeenka Xisbiga Waddani UK
Mudane Cabdixakiin Camuud Axmed
Allaa mahadleh