Shirguddoonka oo Shacabka ugu Baaqay Bannaan baxyo Lagu Badbaadinayo Golaha Wakiillada

 

Hargeysa (Longlivesomaliland News)- Shirguddoonka Aqalka wakiillada, ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay bannaanbaxyo salmi ah oo ay ku muujinayaan dareenkooda ku wajahan tallaabada xukuumaddu albaabada ugu xidhay golaha kaliya eek u fadhiya kalsooniada codkooda.


Saddexda xubnood ee shirguddoonka Wakiillada oo wax yar kadib markii ay ka baxeen xarunta golaha shalay duhurkii guriga Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamed Aadan oo la tashi ugu tageen ugu warramayey  wariy eyaala tirsan Jamhuuriya, telelefshanka Somaliland Space Channel iyo idaacadda Radio Horyaal, waxa ay si kulul u cambaareeyeen tallabada xukuumadda  Madax weyne Rayaale xooggga ugu qabsatay, xero millaterina uga dhigtay Golaha  Wa kiillada ee ummaddu soo doorteen, waxaanay arrintaas ku tilmaamen shiqool muddo soo taxnaa oo hadda laga gun-gaadhay.


Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ugu horreyn halkaa ka hadlay, ayaa isagoo sharraxaad ka bixnayey sida uu u arko falkaas waxa uu yidhi, “Waxaan shacabka reer Somaliland la socodsiinayaa dhacdadii tiiraanyada lahayd ee maanta [shalay] ciidanku ku xidhay golayaashii sharci-dejinta, waxa anna jiray kulan caadi ah oo Golaha ka socday oo noo muddaysnaa in La-taliy aha sharcigu akhriyo talo soo jeedintiisii ku saabsanayd labada mooshin. Si  wan a agsan ayuu goluhu u furmay, waxaananu iclaaminey markuu hadalka  dhamme eyo in aannu hadalka laba xildhibaan siino oo ka kala socda mudanayaashii soo saxeexay labada mooshin, haseyeeshee markii uu akhriyey La-taliyuhu  mooshi nkii hore ee maamuus-ka-yuubinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigee nku waxay bilaabeen mudanayaashu ka soo horjeeday maamuus-ka-yuubinta waxay bilaabeen qaylo, dabadeedna waxa dhacday xildhibaan ka soo horjeeday mooshinkaas inuu la soo baxay baastoolad, dabadeedatana buuq ayaa dhacay fadhigiina waannu xidhnay, waxaannu u muddaynay inuu Sabtida dib u furi doono goluhu.


In yar kadib waxa soo galay ciidamo boolis ah oo sidaad ka warqabteen  beryah anba ku waageernaa xayndaabka golaha oo qorshahay sugayeenna ahaa kaa maanta [shalay] dhacay oo ah in golaha la xidho oo awooddii qaranku isugu ururto fulinta, awooddaa la isticmaalayaana waa tii qaranka, cid keliya oo gaar u isticmaali kartaana ma jirto, awood kasta oo la isticmaalana karaamada  shaca bka ayaa ka weyn, waxay doonayaan ayaa ka weyn.


Waxaannu u sheegaynayaa ummadda reer Somaliland golihii ay soo doorteen in maanta albaabada loo xidhay, Guurtidiina lagu daray, waxaannu qabnaa oo  aan nu u soo jeedinaynaa shacabka reer Somaliland in maanta la laalaabay rajo  kas ta iyo hannaan kasta oo dimoqraadiyadeed oo ka jiray Somaliland, rajo kasta oo laga qabay doorasho, xukunkii oo maanta isku beddelay keligii taliye. Shacabka reer Somaliland waxaannu ugu baaqaynaa xaq, inay la dagaallamaan xaq-darrada, waxaannu jecelnahay inuu goluhu shaqeeyo oo shaqadiisii caadiga ahayd qabsado.”


Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa si kulul ugu eedeeayay madaxweyne Rayaale inuu u tafo xaytay, una xuub-siibtay sidii uu u burburin lahaa Jamhuuriyadda Somaliland iyo himilada shacabku naf iyo maalba u soo hureen.


Md. Samaale waxa uu ku tilmaamay in sababta golaha loo xidhay tahay mid  mad ax weynuhu kaga gilgilnayo mooshinka maamuus-ka-xayuubinta ah ee golaha horyaal, isagoo sheegay inuu fulinta hawshaas sharci-darrada ah u adeegsaday masuuliyiinta ay isku haybta yihiin ciidamo dhawaan loo qortay cabudhinta  dad weynaha Somaliland.


“Bil Ramadaan ayeynu ku jirnaa, inta innaga carshacarashaynaysa ee wax  yee laysa nabadgelyada iyo soonka ee maanta u soo taxaydatay inay baabi’iso Illaahay ha innaga qabto, dabin mageela xun ee khaldani cidda wada ayuun buu ku dambaynayaa.


Intii Guddoomiyuhu yidhi waxba kaga dari maayo. Ummadda reer Somaliland way ogeyd xaaladda degdegga ah ee Golaha Wakiilladu ku jiray ee dusha laga  hays tay ee shacabka reer Somaliland soo geli kari la’aayeen golaha ee ciidammada aadka iyo aadka u badan la dul dhigay ee baabuurta shabaga leh ay meel walba ee waddada Wakiillada ku dhow joogeen iyo dhammaanba tafsiixaadka ka soo baxayey xubno ka mid ah xukuumadda uu maanta hoggaaminayo Daahir  Raya ale, wixii runtii maalmahaas dhacayey ummaddu way ka dhagarsanayd, wixii maalmahaas dhacayeyna wixii la socdayna waa ficilkaa maanta dhacay ayuu ahaa, ficilka maanta dhacayna waa mid xukuumaddu soo qorshaysay weeye, haseyeeshee runtii waxaannu leenahay qaladaadka intaa la le’eg ee dastuurka lagu afrogo ee sharcigii ummadda lagu tumanayo, waxay dambarsan doontaa cidda ficilkaas ku badheedhay inay sameyso.”


“Dadku wuu wada ogyahay mooshinka horyaallay Golaha Wakiillada, xukuumad duna waxay isku dayday inay lacag ku hor istaagto, lacagtaas oo ciidda ka  bad nayd si ay u iibsato karaamada iyo sharafta xildhibaannada la soo doortay, wa xaad ogeydeen isdiidsiinta iyo dheeldheelka xubno ka mid ah xukuumaddu  wade en, laakiin waxaannu ogeyn xoolo kasta oo ay bixiyaan inay ka weyn tahay karaamada xildhibaannada, haddii ay jiraan in ay xukuumaddu iibsan karto in aanay jirin qaar aanay iibsan karin damiirkooda iyo dadnimadooda.


Madaxweynaha markay u caddaatay in aannu iibsan karin karaamada Golihii  Wa kiillada oo lacagtii mid Berbera iyo Hargeysa laga keenayba shaqayn wayday, waxa la yidhi xooggu u ha shaqeeyo oo ciidanka ha lagu horistaago oo hala  gala lafo golaha. Xildhibaan ay xukuumaddu hub u soo dhiibtay ayaa Golaha  Wakiill ada la soo galay, waa xildhibaannadii golaha ku dagaallamay ee uu yidhi  Shirg ddoonku xildhibaannadaa ha la baadho, golahana ha laga saaro ee uu yidhi  Was iirka Daakhiligu yidhi annagu amar uma haysanno aannu kaga joojino  xildhibaan nada, hadda amarka waxa bixinayey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo  dast uurka, shuruucda iyo xeer-hoosaadku siinayaan, askartii noocaas ahaydna amar ha ka qaadanina, waanna la beddelay,” ayuu yidhi Cabdicasiis Maxamed Samaale.


Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad oo si gaar ah ula hadlayey ciidammada kala  duw an ee qaranka Somaliland waxa uu intaa raaciyey; “Waxaan ugu baaqayaa  ciid anka qaranka, ka bileyska, taraafikadda iyo dhammaanba ciidammada qaranka waxaad tihiin ciidamo ummad leedahay oo qaran, shakhsi uma shaqaysaan, mushaharka aad qaadataan shakhsi jeebkiisa idinkama siiyo, ummaddan aad shaadhka u gashan tihiin cashuurta la idinka qaado ayaa la idinka siiyaa  mushah arka, ayaan la idiin adeegsanin si aannu sharcigu banayn, waxa maanta [shalay] golaha ka dhacay waa wax laga yaqyaqsoodo weeye, wasaarad nama  maamu sho shirgoddoon ahaan, shirguddoonka iyo Golaha Wakiilladu wuu ka weyn yahay dad la cabsi geliyo iyo in hunguri la siiyo way ka weyn yihiin, Ilaahay u dhaartay weeye, ummaddoodana karaamada iyo sharaftooda ilaalinaya weeye.


Waxa xaqiiqo dhab ah cidda halkaas ka ordi doonta inay tahay dambiilayaasha iyo kuwa dulmi doonaya inay ku maamulaan dalkan. Haddii aad Madaxweyne lagu doortay ahayd muddadii lagu doortay wuu dhammaaday oo waxa laguu  kordhiy ey muddo kale. Maanta waxaad maraysaa Golihii Sharci-dejinta oo ah golaha keliya ee muddadiisu jirto iyagana waan xidhayaa oo millatari ayaan ku  xidha yaa, milatarigani waa kii ummaddani kuu dhiibatay weeye, millatari aad Madaxweyne la timi may ahayn, waxayna amarka kaaga qaadanayaan inaad masuul qaran tahay, haddaadse xilka si khaldan u guta tidhaahdo waxa hubaal ah in aanay amarka kaa qaadan doonin. Xaqa ayaa shaqayn doona, dulmiga ayaa dhici doono oo xaqa ayaa sarreyn doona.”


“Madaxweyne haddii ay shantii sanno kugu filaan weyday iyo labadii sanno ee ka dambeeyey oo aad ugu talogashay inta ka dambeysay oo aad doonayso inaad ku dulaysato xoog, waad ka dayniye ka daa, haddii aad ka daywaynadana aday meel xun kula tagi doontaa iyo ashkhaasta kugu xidhan ee aad golaha u soo dirto ee ay ka mid yihiin kuwa qoyska hoose kula ah ee annaga mararka qaarkood hadallada aflagaadada ah nagu odhanaya waannu ognahay, haseyeeshee waannu dulqaadanaynaa oo waxaad maraysaa waddadii dad badan oo kaa horreeyey ay marayeen oo digtaytaris ahaa,” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Md. Samaale oo digniin adag u jeediyey Madaxweyne Rayaale.


Sidoo kale, Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad Md. Baashe Maxamed Faarax oo isna halkaa ka hadlay, ayaa daboolka ka qaaday in ciidammada la wareegay Golaha Wakiilladu yihiin ciidan gaar ah oo dhawaan dirayska loo xidhay isaga oo  arrint aas faah-faahinayana waxa uu yidhi; “Annagu waxaannu ku nimi  dooras hada uu ku yimi, Golaha Wakiilladana lama xidhi karo, cid uu ka xoogweyn yahayna ma jirto, berri aroorta [maanta] ayaanu imanaynaa, labada aqal ee iska soo  horjee daa mar bay wada xidhmayaan amma ay wada furnaanayaan.


Markaa waxaannu u sheegaynaa haddii aad wax dili lahay iyo haddii aad wax xidhi lahayd, ciidanka maanta la keenay may ahayn ciidankii la yaqaanay ee  wa xay ahaayeen inama yaryar oo beelaysay.


Waxa la gaadhay waqtigii Somaliland la burburin lahaa ayaa la gaadhay oo  waq tigii uu ballanqaaday ayaa la joogaa, waad ogeydeenoo Axmed Walad Cabdalla iyo ku-xigeenkiisii safarrada isdaba socda waynu arkaynaa oo burburkii Soomaaliya ku dhacay ayaa halkan lala doonayaa.


Markaa waxaannu leenahay Somaliland wixii ka xumaada waxa qaadaya Rayaale iyo xukuumaddiisa.”


Intaa kadib Guddoomiye Cirro oo la weydiiyey inuu ummadda iyo caalamkaba u caddeeyo magaca mudanaha loogu marmarsooday xidhitaanka golaha ee bastoolada la baxay fadhigii shalay iyo tallaabada ay ka qaadi doonaan, waxa uu ku jawaabay; “Mudanaha golaha dhexdiisa bastoolada kula soo baxay ee madasha khalkhaliyey waa xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Aw Xoog) oo ka mid ah mudanayaasha UDUB ee mar walba golaha qas.


Annagu awood uma lihin baadhista mudanayaasha, laakiin madaxda ciidammada ammaanka waxaannu ku amarnay inay xildhibaannada hub ka baadhaan, balse waxay si cad noogu sheegeen in aanay xaq u lahayn baadhitaanka mudanayaasha, arrintaasina waa ta keentay falka maanta [shalay], inkastoo aan wax khasaare ah ka dhalan, haddana waxay u muuqatay qorshe loogu talogalay oo la doonayey in xidhitaanka golaha marmarsiiyo looga dhigto.


Mudanaha falkaas foosha xun ku kacay ee golaha dhexdiisa hubka kula soo  ba xay waxa marin doonaa tallaabo anshax-marin ah oo ku qotonta shuruucda iyo xeer-hoosaadka golaha, bastooladii askartu ka qaadeenna xafiiskayga ayey taallaa oo waa hubkii uu ku dagaallamayey.”


Guddoomiyaha oo ka jawaabayey su’aal ku saabsanayd, maadaama golihii la idinka xidhay oo aan loo oggolayn cid gasha tallaabada ay shirguddoon ahaan qaadayaan ee qorshaysan, waxa uu yidhi; “Berri [maanta] si caadi ah ayaannu golaha u tegaynaa, doodda mooshinka maamuus-ka-xayuubinta Sabtida ayuu goluhu gudo-gelayaa haddii Eebbe idmo.”


“Annagu ciidan ma lihin oo ciidankayagu waa shacabka Somaliland ee aannu codkooda ku fadhino, markaa shacabka waxaan ugu baaqaynaa inay isugu soo bannaanbaxyo ay ku muujinayaan dareenkooda la xidhiidha xoog-ku-muq uuninta, xadhigga iyo xadgudubyada sharci-darrada ah ee lagula kacay golaha keliya ee ku fadhiya kalsoonida codkooda, una hiiliyaan shuruucda iyo distoorka qaranka,” ayuu yidhi Md. Cirro oo baaq culus u diray ummadda Somaliland.




Source:Jamhuuriya Online