Shirguddoonka Wakiillada oo ku Dhaw aaqay in Dalku Galay Marxalad Xaasaasi ah aan
Wax Sharci ah ka ool

 


Hay’adda Interpeace oo golaha la soo hor fadhiisin doono si su’aalo loo weydiiyo

“Waxa madaxa lala galay marxalad aannu dastuurku qeexayn waxa lagu xalin karo, sababo loo kordhiyaana meesha ma yaalaan, dastuurka wixii ku qornaa oo dhan ee ka hadlayey muddo-kordhinta waa la soo dhammeystay”

“Haddii 6 April la gaadho heshiiskii xisbiyadu wuu jabayaa, muddo kordhina meesha ma taalo, waxa qudha ee lagaga bixi karaa waa talo qaran iyo in cid dhexdhexaad ah loo dhiibo kursiga Madaxweynaha”

“Komishankana laga aqbali maayo Inter Peace baa dib noo riday... wixii dambi ka yimaadda dib-u-dhaca doorashadana iyagaa ka masuul ah oo dusha laga saari doonaa.”

Waraysi khaas ah - Md. Baashe Maxamed Faarax


Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa ku dhawaaqay in dalku madaxa la galay marxalad xasaasi ah oo aan xallinteeda meel qudha lagaga xardhin dastuurka qaranka iyo shuruucda ka dheegma oo dhan.


Waraysi khaas ah oo Md. Baashe Maxamed Jamhuuriya shalay ku siiyey xafiiskiisa waxa uu ku sheegay in dib-u-dhaca ku yimi qabsoomida doorashada madaxtooyada ee hore loogu muddeeyey 29-ka March 2009 ay sababtay in dalku galo marxalad cabsi iyo walaac leh oo aan distoorka iyo xeerarka kale ee dalku habayaraatee wax tilmaan ah ka bixin waxa laga yeelayo haddii xaaladdan oo kale dhacdo.

Guddoomiye-ku-xigeenka oo faahfaahin ka bixinayey asbaabaha keenay marxaladda aan xalka loo hayn ee dalku madaxa la sii galayo, ayaa sheegay inay xuddun u yihiin dib-u-dhaca ku yimi qabashada doorashada madaxtinimada muddo-kordhintii dastuurku jideeyey ee xukuumadda oo waqtigii dhammaadkeeda maalmo koobani ka hadhsan yihiin, sababaha aan ilaa hadda caddayn ee ilaa hadda hortaagan hawlgalka mishiinka lagu kala sifaynayo diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo sal u noqday in doorashooyinka dib-u-dhac iyo weliba arrimo kale oo duruufuhu keeneen, waxaannu Md. Baashe masuuliyada xaaladdaas aan laga sii gaashaaman ee qaranka Somaliland ku soo kordhay u xambaariyey Komishanka Doorashooyinka oo uu ku eedeeyey inay ka baaqsadeen gudashada waajibaadkii qaran ee loo igmaday.

Guddoomiye Baashe oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey waxa uu noqonayo xalka xaaladda ka dhacalatay dib-u-dhaca doorashada ee dalka ku soo fool leh iyo cidda awoodda furdaaminta marxaladdan aan wax sharci ah loo hayn, waxa uu ku jawaabay; “Markii hore ee waqtigii Madaxweynuhu dhammaaday waxay Guurtidu u kordhisay sannad, xisbiyaduna waxay ku heshiiyeen haddii ay 6-da April 2009 doorashadu dhici waydo waxa talo ka wada gaadhaya labada gole ee Baarlamaanka [Guurtida iyo Wakiillada], fadhi wadajir ah ayey isugu imanayaan, markaas ayeyna go’aan ka gaadhi karaan marxaladdaas la galay, annagu Golaha Wakiillo ahaan muddo-kordhin xaq uma lihin, laakiin muddo-kordhintii way dhammaatay oo laba jeer oo hore ayaa la kordhiyey, dastuurka wixii ku qornaa oo dhan ee ka hadlayey muddo-kordhinta waa la soo dhammeystay, markaas waxa weeye waxa madaxa lala galay marxalad aannu dastuurku qeexayn waxa lagu xallin karo, sababo loo kordhiyaana meesha ma yaalaan, markaa maadaama aannu nahay golihii sharci-dejinta talo ayaanu ku yeelanaynaa aayaha dalka, cid aannu u daba fadhiisanaynaana ma jirto. Waxa weeye dawladdiina waqtigeedu wuu dhammaaday doorashana ma dhacayso waqtigii la kordhiyeyna 6-da April ayuu ku eg yahay, muddadaa wixii ka sokeeyana heshiiskii xisbiyada ayaa lagu soconayaa, laakiin 6-da April haddii ay dhaafto waa inay talo ka gaadhaan Wakiillada iyo Guurtidu oo ay fadhi wadajir ah ku yeeshaan.”


Guddoomiyaha oo ka jawaabayey su’aal kale oo ahayd waxa ka dhalan kara qodobka distooriga ah ee xukuumaddu ku doodayso in madaxweynaha uu xilka kala wareegi karo madaxweyne la soo doortay, maadaama oo la qorshaynayo in la helo cid si dhex ah saddexda murrashax doorasho u gaadhsiisa, waxa uu yidhi; “dastuurka waxa ku qoran Madaxweynaha waxa beddeli kara Madaxweyne la soo doortay, laakiin taasi waxay ku eg tahay shantii sanno ee la doortay, markaas ayaanay ku habboonayd, muddadaasina way ka dhammaatay sannad kale ayaa loogu daray, sannadkiina wuu dhammaaday, markaas qodobkaasi meesha ma yaalo, waxaanna weeyi haddii aannu Madaxweynuhu doorasho diyaar u ahayn waxa barbar taala meesha miyuu iska fadhiyaa, doorasho haddayna dhacayn oo marba waqtigeedii dib loo rido caqligal noqon mayso, markaa waxa weeye haddii lixda April la gaadho heshiiskii xisbiyadu wuu jabayaa, muddo kordhina meesha ma taalo, waxa qudha ee lagaga bixi karaa waa talo qaran iyo in cid dhexdhexaad ah loo dhiibo kursiga Madaxweynaha, arrintaasina waxay ka soo bixi doontaa fadhiga golayaasha qaranka, maadaama wax sharci ah oo inoo yaalaa aannu jirin, dastuurkuna ma sheegayo intaas oo dhan in la kordhiyo, xeerarka kale ee dalkana kuma taalo, markaa golayaasha sharci-dejintu waa inay talo midaysan ka yeeshaan qaranka sidii loo badbaadin lahaa.”


Md. Baashe oo ka hadlayey go’aankii Golaha Wakiilladu ku meelmariyey in doorashadu ku qabsoonto muddadii loo cayimay iyo waxayaabaha caqabadda ku ah qabsoomideeda waxa uu yidhi; “Annagu gole ahaan waxaannu ku ansixinay 29-ka March inay dhacdo. Dhibaatada taagani waxa weeye Komishanku waxay eedda saarayaan InterPeace, waxay ahayd in maalin hore la bilaabo markii ay soo dhammaatay diiwaangelintii Berbera ee Boorama aan la tagin oo la galiyo Serfarka, Komishankana laga aqbali maayo InterPeace baa dib noo riday oo iyaga ayey la shaqaysaa markii ay Komishankii hore joogeen InterPeace way joogtay, iyadaana lacagta u haysay, wax InterPeace la yidhaahdaba maynu maqli jirin. Komishankan waxaad moodaa inay maamusho Inter Peace, iyaga eeda ma saari karaan hay’ad NGO ah, maadaama aynaan ictiraaf haysan ayaa lacagta la innoogu dhiibay, laakiin lacagta sidaynu u isticmaali lahayn iyo arrimaheena inay soo farageliso maaha, waxay maraysaa inay yidhaahdaan Komishanka ha la beddelo, xaqna uma laha inay waxaas iyagu yidhaahdaan oo ay faragelin ku sameeyeen shuruucdii dalka, waxa laga rabaa Komishanka iyo InterPeace inay shaqadii seerfarka bilaabaan oo ay sheegaan goorta uu bilaabmayo, waxa dhibaatadu ka joogtaana marmarsiyaheedu waxa weeyaan InterPeace ayaan weli hawshii bilaabin, markaa sidaa ay u yidhaahdeen 29-ka March doorashadii dhicimayso, Komishanku waxa laga rabaa inay caddeeyaan goorta ay bilaabmayso shaqada seerfarku, markaa Komishanku eeda kagama carari karaan InterPeace baa serfarka gacanta ku haysa, arrintaas iyo doorashadana waxa wakiil ka ah Komishanka, xilkana ma saari karaan NGO yar oo yidhaahdaan gacantayada waxba kuma jiraan, waa inay ku jiraan wixii dambi ka yimaadda dib-u-dhaca doorashada Komishanka ayaa ka masuul ah oo dusha laga saari doonaa.”


Guddoomiye-ku-xigeenka labaad waxa uu intaa raaciyey “Waxa weeyaan markasta Komishanka Inter Peace ayaa dhaqaalaha u haysa, maadaama aan la inna ictiraafin, lacagtana waxa loo dhiibaa NGO-ga, laakiin iyagu lacagta waxay u dhiibi jireen Komishankii hore, waxaanay ka qadaan jireen xisaab-celin, Komishankii hore iyagaa maamuli jiray InterPeace, waxa meesha ka soo baxday inay doonayso Inter Peace inay maamusho Komishanka hadda jooga, lacagtana InterPeace malaha ee deeqbixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland ku caawiyey, InterPeace-na waxay u dhaxaysaa deeqbixiyeyaasha iyo Komishanka, waxaanay eegayaan in lacagta la bixiyaa sidii loogu talogalay u socoto oo ay Komishanka u gudbiyaan, Komishankuna xisaab-xidh keenaa, waxana weeye in Komishanku shaqadooda maamulaan oo aanay ku marmarsoon InterPeace.”


Guddoomiyaha oo la weydiiyey waxa uu ka ogyahay in dawladu bixisay dhaqaalihii loogu talogalay doorashada iyo in kale waxa uu yidhi; “Horta waxa weeye in Komishanku samaystaan miisaaniyadooda sida sharcigu dhigayo oo ay Madaxweynaha u geeyaan, Madaxweynuhuna Golaha Wakiillada u gudbiyo si loogu ansixiyo, xataa maysanayn wax miisaaniyad oo Wasiirka Maaliyaddu waxa uu noo sheegay inay aanay Komishanku samaysan miisaaniyad, laakiin miisaaniyadda uu keeni doono ay jirto lacagta doorashadu, laakiin doorashadu uma xayirna miisaaniyad ee waxay u xayiran tahay seerfarka oo aan ilaa hadda shaqadiisii bilaabin, kaas oo meesha iska yaal oo waqti uu bilaabmayo iyo waqti uu dhammaanayo aan la ogeyn.”


Guddoomiyaha oo la waydiiyey in doorashadu u xayirnaanayso ilaa iyo inta seerfarku shaqadiisa bilaabayo iyo in kale waxa uu ku jawaabay yidhi; “Waxa weeye doorashadu seerfarka u xayirnaan mayso ee waxa laga rabaa Komishanka inay caddeeyaan waqtiga la bilaabmayo iyo waqtiga uu dhammanayo, markii horeba waxa la inna saaray diiwaangelin aynaan awood u lahayn, waxaanna loola jeeday inay doorashada inoo qurxiso, dadkeenuna waxa uu u badan yahay reer-guuraa.


Mihiimadda diiwaangelintu waxay ahayd in aannu doorasho xor iyo xalaal ah helno, dhibaatada dhacday waxa weeye iyadii ayaa dhibaato sii abuurtay, waayo waa hore ayey doorashadu dhici lahayd oo waqtigaaba la isla soo gaadheen haddii ayaanay diiwaangelintaasi jirin, haddii seerfarku meesha iska yaal Komishanka ayaa laga rabaa inay caddeeyaan, waa in doorashadiina lagu galo sidii aannu awalba u geli jirnay oo aynu ku dhiirrano inay saddexdii doorasho ee hore ay afar innoogu noqoto. Markaa loo xayirnaan maayo seerfarka InterPeace-na waannu u yeedhaynaa oo waannu waydiin doonaa Seerfarkani ma meeshuu iska yaal iyo waxa ka caddilan? Sidii aannu Komishanka u waydiinay oo diiwaangelintii waxa u dambeysay Gobolka Sool oo dhammaaday 6-dii January ilaa maantana sababta uu u xayiran yahay ee maalin waba loo leeyahay waxbaa si’ ah waa in la caddeeyaa, Komishankana waxa laga rabaa in seerfarkani shaqaynayo iyo inuu magac ahaan u yaal.”


Waxa kale oo Guddoomiyaha la waydiiyey sababta cid ka madaxbannaan Komishanka iyo InterPeace loogu diri waayey si ay u soo qiimeeyaan inay seerfarku shaqaynayo in kale waxa uu yidhi; “Waxa weeye seerfarnkan qof walba wuu ka fogaaday, waxa lagu aamin qabay in dadka ajanabiga ah loo daayo, waxa looga baqaayey in haddii cid kale oo Soomaali ahi ay gasho in laga shakiyo, waxa la isku wada raacay mucaarad iyo muxaarid inay doorashadu dhacdo 29-ka March, maadaama oo afka laga soo saaray in aanay dhicin doorashada 29-ka March, waa in afka laga soo saaraa seerfarkani goormuu bilaabmayaa iyo goorta uu dhammaanayo iyo goorta doorashadu dhacayso,” ayuu yidhi Md. Baashe Maxamed Faarax.






Jamhuuriya Online