Shirgudoonka Golaha Wakiilada Somaliland oo ka qayb galay Xafladii Xidhitaanka Tartankii Kubada Kolayga ee Garoonka Timacadde

 

Hargeisa (Longlivesomaliland news) Munaasabad Balaadhan oo la sameeyay Xafladii Xidhitaanka kubada kolayge Bisha Ramadaan ee Garoonka Timacadde oo sanadkan Loogu Magacday Mujaahid Gacmo dheere ayaa Xalay Lagu Qabt ay Garoonka Timacadde ee magalada hargeisa.

Xafladaasi oo ay ka soo qayb galeen Shirgudoonka Golaha Wakiilada, Agaasi maha Guud ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Gudoomiyaha  Xidhiid hka Kubada kolayga, Kooxa Ciyaaraha kubada Kolayga, Gudoomiyaha  Warge yska Jamhuuriya iyo Marti sharaf kale oo aad utiro badan.

Xafladaasi oo lagu gudoonsiinayay Abaal marino iyo Koobkii Bisha Ramadaan ee Kubada kolayga ee ka socday Garoonka Timacadde ayaa waxaa Xalay si rasmi ah loogu soo gabogabeeyay Ciyaartii Final-ka oo ay kuwada ciyaareen labada kooxood ee Soomar iyo Telesom , kuwaasi oo soo bandhigay Ciyaar aad uxiiso badan oo soo jiidatay Dadkii Daawanayay, Gabogabadii ciyaartaasi oo ay ku guulaysteen Kooxda ku ciyaarta magaca Soomar Trading Company oo kaga Adkaaday 48 dhibicood kooxda la tartamaysay ee ku ciyaarta Magaca  Shirk ada Telesom oo iyaga keensaday 42 Dhibicood , halkaana Guushu ku raacday Naadiga Soomar Trading Co.

Xidhitaankii Xafladaasi oo uu Hadal kooban ka jeediyay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) oo  mahad naq balaadhan usoo jeediyay Dhalinyaradii ka qayb gashay tartankaasi ay Xalay xafladii xidhitaankiisa ka soo qayb galeen iyo Wasaarada ciyaaraha ee Soo Agaasintay Qabsoomida Koobkan.

Mudane C/raxman Cirro waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay Dayaca ka muuqda Garoonka Kubada Kolayga ee Timacadde, oo uu tilmaamay In uu  Duns anyahay Qayb ka mid ah Garoonka isaga oo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi

“ Waxaanu aad uga Xunahay Dayaca ka muuqda Garoonka, waxaana  hortaya da ka muuqda inuu Garoonku dunsanyahay, Shirkaddo waawayn ayaa halka ku qoran Gidaarada, Daawadayaal badan ayaa jooga waxaanu jecelnahay inaynu dhamaanteen ka qayb qaadano, Golaha wakiilada iyo xildhibaanadiisu waxaanu jecelnahay inay qayb ka qaataan Dayactirka Garoonka”

Dhinaca kale waxaa si Balaadhan loogu soo dhaweeyay Garoonka  Shirgudoon ka Golaha wakiilada oo Sacabku is qabsaday ilaa wakhtigii ay soo galeen  Garo onka ilaa bixitaankoodii. Iyada oo dhalinyaradu ku muujisay Taageerada ay u hayaan Shirgudoonka Golaha wakiilada Sacab iyo Soo dhawayn.

waxaa kale oo Amaan usoo jeediyay Dhalinyaradii ka qayb galashay  tartankaa si iyo sidii wanaagsanayd ee ay uga qayb qaateen.

Waxaa kale oo isaguna Madashaasi hadal kooban ka soo jeediyay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha

Waxaa uu mahadnaq usoo jeediyay 8-da kooxood ee ka qayb galay tartanka loogu magac daray Mujaahid Gacmo dheere iyo Shirgudoonka golaha wakiilada oo uu sheegay inaanay wax kale halkan u iman kaliya ay uyimaadeen inay dhiiri galiyaan Dhalinyarada, Agaasimuhu waxaa uu ku dhiiri galiyay shirkadaha  Gan acsiga inay dhiiri galiyaan Dhalinyarada, isaga oo xusay inay u diiwaan galin doonaan waxa ay ku darsadaan Ciyaaraha laguna xusuusan doono ayuu yidhi.

Agaasimaha Guud ee Ciyaaruhu waxa uu sheegay in La dhamaystirayo Dayaca ka muuqada Garoonka oo uu sheegay in Lacag loo ururiyay Dhawaana la dhamayn doono.

Waxaa isaguna Madashaasi Hadal kooban ka Jeediyay Gudoomiyaha Xidhiidh Kubada kolayga.Waxaana uu mahadnaq balaadhan usoo jeediyay Kooxihii ka qayb galay iyo shirkadihii kala qayb qaatay tartanka oo xusay Shirkada MSG, Daalo, Personal Computers iyo Shirkada kale oo door ah.

Waxaa isaguna Gabagabadii Xafladaasi ka hadlay Gudoomiyaha Wargeyska Jamhuuriya Mudane Faysal Cali sheikh oo ku hadlayay Magaca Saxaafada, waxaana uu faysal ku booriyay Shirkadaha Wadaniga ah inay taageeraan Dhalinyarada ciyaaraha, waxaa kale uu xusay in ay Somaliland ahaan sumcad badan usoo jiidayaan hadii la hormariyo.

Gudoomiyaha Jamhuuriya waxa uu usoo jeediyay Saxaafada Somaliland inay ka waantoobaan Ciyaaryahanada Ajnabiga ah ee ay Marwalba ahmiyada siiyaan Wararkiisa waxaana uu tilmaamay in la dhiiri galiyo ciyaaryahanada Reer Somaliland.

Faysal Cali Sheekh waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday inay Saxaafad ahaan Dhiiri galinayaan Horumarka Ciyaaraha Somaliland mar walbana garab taaganyihii.

Gabagabadii Xafladaasi waxaa Abaal marino isugu Jira Shahaado Sharaf iyo  bi lado la gudoonsiiyay Shirkadihii iyo Shaqsiyaadkii ka qayb qaatay Tartankaasi bisha ramadaan, waxaa kale oo iyana Abaal marino la gudoonsiiyay  Ciyaarya hanadii ugu wanaagsanaa xaga Ciyaarta iyo Akhlaaqdaba.

Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland ayaa waxa uu gudoonsiiyay Koobkii Loogu Magac daray Mujaahidkii waynaa ee Gacmo dheer ilaahay Naxariistii jano haka waraabiyee kooxdii Soomar Trading Co. ee ku guulaysatay Koobkaasi.

 



Mustafe abdikariin Ali (Mustafe Future)
Longlivesomaliland News Desk
Hargeisa Somaliland.