Shirka Beesha Sacad Muuse oo la shaaciyey wakhtiga uu Qabsomayo.

 



Shirguddoonka shirka HOODAALE ee beelwaynta Sacad Muuse ee degta Waqooyiga, Galb eedka iyo Oogada Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa waxay ugu bushaa raynayaan dhammaan bulsho weynta Sacad Muuse ee ku nool dalka dibadiisa iyo gudihiis aba in la dhammaystiray dhammaan hawlihii u diyaargarowga ee shirka Hoodaale ee degm ada Agabar.

Sidaa darteed waxa la ogaysiinayaa dhammaan ergooyinka ka qaybgalaya shirka, in shirku si rasmi ah u furmi doono maalinta Axada ee taariikhdu tahay 22/09/2013, isla markaana ay ergooyinku diyaar ku ahaadaan madasha shirka ee degmada Agabar maalinta Axada ah.

 



Afhayeenka Shirguddoonka shirka Mowliid Maxamed Muumin.