Shirka dhici doona todobaadka danbe wa in shuruud lagu xidh an madaxweynaha Somaliya islamarkan uu raaligalin ka bixiya afxumadii iyo fariintii u inoo so direy 18kii May



Sida u ka dhawaajiyay danjiraha UNta u fadhiya magaalada Mogadisho ee somaliya, wuxu warbaahinta ku sheegay danjiruhu inu bilaabi doono wada hadaladii somaliya iyo somaliland dhexmareyay wuxu shirkan daba socoda kii sanadka horaantiisi Ankara lagu qabtey.'Runtii Shirkaasi ugu danbeyay waxa la kala saxeexday dhawr qodob oo muhiim ah waxa ka mid aha in an dacaayadaha iyo aflagaadooyinka hawada la isku marin oo la ilaaliya waxwal oo carqalad ku noqon kara geedi socodka wada hadalada mustaqbalka.

Waxeynu la socona in maalintii 18ka May ee shacabka somaliland dibad iyo gudaba dabaaldaga kujireen, farxada iyo damaashadka inu madaxweynaha somaliya hawada inoo soo mariyay hadalo an ku habooneyn madaxweyne, hadaladaasi waxa ka mid aha kuwan - shacabkaasi wa shacab CAADIFADII MADAX MARTEY oo an ujeedo kale laheyn, runtii hadalkaasi afxumada ihi wa qodob ka mid ah qodobadii la kala saxeexday oo runti burineya heshiiskii lagu kala saxeexday Ankara.

1. Maadaama mar kale la isku soo noqono doono waxan fariin u direyaa MADAXWEYNAHA SOMALILAND IYO DHAMAAN SHACABKA SOMALILAND - Waxan leeyahay ila uu madaxweynaha Xamar Xassan Qosleye raaligalin buuxda oo caalami ah ka bixiyo hadaladii kasoo yeedhey afkiisa maalintaasi gooni isu taaga somaliland loo dabaaldagay an la horfadhiisan isaga iyo wuxu wato toona.

2. Waxa kaloon dawlada somaliland ka codsaneyaa in ey dalbadaan in gacanta loo soo galiyo Sh Hassan Daahir Aweys maadaama u ka mid aha ururkii Alshabaab ee madaxtooyada JSLand muwaadinteeni ku xasuuqay waayo xaq beynu u leenahay in aynu dalbaakaasi caalamka u gudbino maadaama aynu waliba ka mid nahay dalalka ugu firfircoon ee la dagaalanka argagixisada caalamiga ah ee geeska afrika. Si uu caalamku inoo arko in ay inaga go'antahey la dagaalanka argagixisada caalamiga ah..sida ka muuqata dawlada somaliya iyo qabaa'iilka konfur daga waxay u digiyo dam leeyihiin sidii Xassan Daahir loo nabadgali laha ama loo sii deyn laha si aney iyagu isugu dhicin.. lkn inaga wa waajib ina saaran in aynu codsano hadii waxba laga qaban waayo inaynu fariintaasi dirno

Waxan kuso gabagabeynayaa qormeydan ha isba caayine sidii hore ba u dhici jirtey shuruudu muhiim ah ku xidha la kulanka madaxweynaha Xamar si anu mar danbe hadalada noocaasa u odhan..

Guul baan u rajeynaya somaliland
 

 


Omar Darood Hassan

Norway