SHIRKA
LONDON IYO KA QEYBGALKA SOMALILAND
Ku : Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud
Og:
Madaxweyne-ku-Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan
Cabdillaahi Ismail
Og:
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Md. Saleebaan Maxamuud
Aaden
Og:
Guddomiyaha Glaha Wakiilada Somaliland, Md. Cabdiraxman Maxamed
Cabdillaahi
Og:
Md. Axmed Yuusuf Yaasin, Guddoomiye-ku-xigeenka Xisbiga UDUB
Og:
Md. Faisal Cali Faarax, Guddoomiyaha Xisbiga UCID
MARKA AYNU SI WAAFI AH UGA BAARAANDEGNO UJEEDOOYINKA UU SHIRKA
LONDON HOOSTA KA XARIIQAYA, WAXA CADDAATAY IN ARRIMAHA UGU
MUHIIMSANI YIHIIN:
SIDII SHARCIYAD LOOHU HELILAHAA CIDDA BEDELIDOONTA MAAMULKA WADAG
SHARIIF OO MUDDO XILEEDIISII KU EGTAHAY BISHA AUGUST, 2012.
SI ARRINKAASI U HIRGALO WAXA LAGAMA MAARMAAN NOQOTAY INGEBI AHAAN
DALKII LA ISKU ODHAN JIREY SOOMAALIYA DIb U SOO NOOLAYNTIISA LAGA
SOO YAGLEELO WAX LAGU MAGACAABO UNUGO MAAMUL GOBOLEEDYO, MUDDO ILAA
SEDDEX SANNADOOD KA DIBNA QOBTOLKAA LA ISKU TOLO OO QARAN
SOOMAALIYEED SIDAA KU HANA QAADO.
Akhristoow is weydii sababta Somaliland ku kalifeysa in shir
nuxurkiisu sidaas ay ka qeyb no qoto? Sawirka dhabta ah ee meesha ka
soo baxayaa sow ma aha in Somaliland tahay mufta ax ul-ferejka ee
xal u helidda yagleel qaran Soomaaliyeed; waxa cad in bulshada
caalamka badhkeed indhaha ka lalineyso halka guntintu ka furmi
la’dahay- Haddaan cidda shirka qab an qqabinaysa is yeelyeelayn 1960
laba dal oo mid waliba iska gobanimadiisa u helay ayaa isu
ekeeysiiyey in ay sharciad ku midoobeen; taasi waxay noqotay waxba
kama jiraan oo wa xa ka marakacay Guddidii Xaqiiqo Raadinta ahayd ee
Midowga Afrika usoo diray Somalialnd Bishi Abril 29th May 4th 2005.
Dib u soo noolaynta rajadii xasilinta koonfur Soomaaliya maxay
Somalland uga mid noqonay saa? Xukuumadihii
Marxuum Madaxweyne Cabdiraxman Axmed Cali
(1991-1993); Xukuumadddi Marxuum
Madaxweyne Maxmed Xaaji Ibrahim Cigaal(1993-2002);
Xukuumaddii Madaxweyne Dahir Riyaale Kahin(2002-2010)
lama aragtan oo kale ummadda lamay horiman haddaan sheekadan halkaa
lagu joojin waxa keli ah laga dheefsan doona waa
mar labaad iyo dagaaladii sokeeye ee
1994-1997.
Xukuumadda wax la gudboon in ay arrinta faraha kala baxdo- waa
nusqaan sideeda ah; waa karaamo jab; waa qaran jab iyo ummaddii oo
masiirkeedii iyo tacabkii 21 sannadoo oo si bad heedh ah god madow
marlabaad loogu ridayo; dadweynuhuna raali kama aha; haddaan umm
adda rabitaankeed lagu ixtiraamayn oon lagu hoggaamineyn talada
dalka ha lagu waree jiyo cid rabitaanka shacbiga Somaliland aaminsan
oo u dhego nugul. Talo wadaag iyo isu-tanaas ul ayey Somaliland sida
ay tahay ku soo gaadhay. Talo maroosi, kelitalisnimo, iyo tayda moo
yee tu kale soconmayso caqliga fayoobi ma aqbali karo.
Wuxu yidhi, “Waa qassaare hagoogan ninna loo qarinmaaye, ama qaad
ama dhig!!”
Marka aynu eegno xaaladda dalka Jamhuuriyadda Somaliland ka jirta oo
dhinaca nabaggelyo iyo mid siyaasadeedba majara habow ku habsaday;
marka aynu eegno sida siyaasaddii Somaliland u dhalan rogmata intii
xukuumadda cusubi talada dalka la wareegtay; marka aynu eegno
mahadhada taariikheed ee dalka la soo gudboonaatay iyo sida
masuuliyad darrada ah ee tacabkii ummadda marlabaad la damacsanyahay
in horror iyo habar dugaag loogu loogo; Marka aynu dib u eegno sida
tartiibtartiibta ah ee QARANNIMADDI IYO MADAXBANNAANIDA Somaliland
looga sii hayaamayo, iyadoon wax talo wadaag ah lagala yeelaan
Golyaashii ummadda wakiilka ka ahaa; ayaa mar haddii Golihii Fulinta
e Jamhuuriyadda Somaliland ku keliyeystey go’aanka ah in laga
qeybgalo shirka Hoggaamiye Kooxeedyada Soomaaliya loogu qabanayo
amagaalada London Bisha February 23da 2012, xukuumaddii Somalilandna
ka qeybgalka shirku ka go’anyahay:
AYAA WAXA LAGA SUGAYAA XUKUUMADDA SOMALILAND GOLAYAASHEEDA SHARCI
DEJINTU IN AY DHAQAN GELIYAAN XEERAR ARRIMAHAN HOOS KU XUSAN
XALAALEYNAYA:
A- Xiliyadii kala Guurka:
Xeer burinaya go’aamadii ka soo baxay Shirweynihii Beelaha
Somaliland ee k u qabsoomay Magaalada Burco Mudadii u dhexeysey
Bishii Abril 27th –May 5th 1991;
Xeer burinaya go’aamadii ka soo baxay Shirki Guurtida Beelaha
Somaliland ee Ku qasoomay Magaalada Boorama Bishii January 24th –May
25th 1993;
Xeer Burinaya go’aamadii Shirweynihii Magaalada Hageysa 1997;
Xeer burinaya Aftidii Distoorka Somaliland ee qabsoontay Bishii May
31st 2001;
Xeer burinaya Distoorka QARANKA- Gaar ahaa QODOBKA 1aad- QARANKA
SOMALILAND Faqaraddihiisa 1 iyo 2; iyo QODOBKA 2aad,- DALKA
SOMALILAND faqaradihiisa 1,2,3.
Xeer tirtiraya jiritaanka iyo ku dhaqanka CALANKA SOMALILAND kuna
bedeleya CALANKII JAMHUURIYADDII SOOMAALIYA ee badhtamaha ku laha
xidigta shanta gees leh.
Intaasi marka ay hirgasho, ayaa mar labaad Golayaasha sharci dejinta
Somaliland waxa ay hor ka ansixindoona xeer LAHAANSHIHII DHAMMAAN
HESHIISYADAN HOOS KU XUSAN OO KA HOREEYEY MADAXBANNAANIDI SOMALILAND
EE BISHII JUUN 26TH 1960, IYADOO LOO HIBAYNAYO KOOXDA WADAAD SHARIIF
IYO XULAFADIISA:
Heshiiska Saaxiibtinimo iyo Ganacsi ee dhexmary dowladdii
Boqortooyada Ingriiska iyo Odayaashii Magaalada Berbera eek u
taariikheysan Bisha February 6th 1827;
Heshiiska Xaaxiibtinimada iyo Nabadgelyada ey kala saxeexdeen
Odayaashi Magaalada Berbera iyo dowladdii Boqortooyada Ingriiska
Bishii November 7th 1856; iyo nuqulka heshiiska ee Magaalada Cadan
lagu Saxeexay Bishii November 9th 1856, kama dambeyntiina ka dhaqan
galay, Magaalada Fort Williams, INDIA Bishii January 23rd 1857.
Heshiisyadii Hargaha ee 1884-1886 ee Beelaha Somaliland
Heshiiska Anglo-French ee Bishii Fbruary 2nd -9th 1888-Xuduuda
Somaliland ee dhinaca Galbeed;
Protakoolka Anglo-Italian ee Bishii March 24th 1891-xuduuda
Somaliland ee dhinaca Bari;
Protakoolka Anglo-Italian ee Bishii Abril 15th 1891-xuduuda
Somalialnd ee dhinaca Bari;
Protakoolka Anglo-Italian ee Bishii May 5th 1894-xuduuda Somaliland
ee dhinaca Bari;
Heshiiska Anglo-Ethiopian ee Bishii may 14th 1897-xuduuda Somaliland
e dhinaca Koonfureed;
Heshiiska Anglo-Ethiopian ee Bishii November 19th 1944-Hawd and
Reserve area;
Heshiiska Anglo-Ethiopan ee Bishii December 29th 1954- Hawd and
Reserve Area
Heshiiska Anglo-Ethiopian ee Bishii February 28, 1955- Transfer of
Hawd and Reserve Area;
Heshiiskii Distoortka Somaliland ee Bishii May 2nd-12th 1960 ee
Magalada London;
War murtiyeedkii Qasriga Boqortooyada Ingriiska ee Bishii Juun 23rd
1960;
Dhammaan Heshiisyada dhexmaray Dowladdii Somaliland ikyo
Boqortooyada Ingriiska MAALINTII gobanimada ee Bishii Juun 26th 1960
iyo wax lagu magacaabo heshiiska Midowga Somaliland iyo Somalia ee
ku taariikheysnaa 1st 1960 kas hore garyaqaano ku xeel dheer
heshiisyada caalamiga ah ay hore qiil ugu waayeen.
Heshiisayada an kor ku soo sheegay oo ah mudadii u dhexaysay
February 6th 1827 –juun 26th 1960 waxay dhammaantood ka marakacayaan
Qarannimada Somaliland sharciyadeeda.
Hadaba isku soo wada xooriyoo, marka xukuumadda Somaliland ee u
hanqal taakaysa ka qeybgalka shirka London ay arrimahan kor sheegan
dhammaystirto ayaa wefti Somaliland ka socda oo sita bandiiraddii
Buluugley oo sidaa u sharciyeysani shirka ka xaadirindoona.
Fellow Somalilanders:
Welcome to civilisation; our nation is up for sale, stock lock and
barrel; and the auction is go ing to the highest bidder- a nation
overcast by the silhouette of shame and infamy.
Ahmed Ali Ibrahim Sabeyse
January 26th 2012.
|