SHIRKA QAADHAAN URRURSIGA SOOMALIA EE BISHA
MAY , EE LONDON


 



1975, Ayaa aniga oo xamar dugsi kaga jira, ayaan maqlay fikrad odhanaysa ( guusha waxa saldh ig u ah musuqmaasuqa ), yaab iyo yaab !!!!!!!!!!!! waa se fikrad run ahaantii ay rume ysanyihiin ummada koonfur SOOMALIYA KU DHAQANI. Waxay ka soo horjeeday dhaqankii isl aamiga ahaa ee aan ku soo barbaarey. Ee RASUULKII KARIIM , AHAA, SCWAWASALM, iigu dhigay ( naga mid maa ha ninka musuqmaasuq noola yimaada }. Afcarabi ayaan ka soo guur iyey xadiis halku dhigiisu ah sidaas

Waxa taas kasii yaab badan falkan maanta horteyda taagan ee aan ku hayo madexweynaha soomaliya oo ah dhaqankii rumeysnaa been iyo bahaa bahaaa ku noolaanshada in guul lagu gaadho. Waana tan I xasuusisay in dhaqankaas dhab yahay oo aynu arkayno kii madaxda u ahaa oo dhaqankaas leh. Waana tan cadeyntii akhriste ee si fiican iiga gudoon.

Bishan january , badhtamaheedii 2013. Waxaynu ogsoonahay in kulan ka dhacay xafiiska ar imaha dibada,( HILLARY CLINON) ee Dalka Maraykanka, oo ay ku kulmeen madexweynaha So maaliya iyo HILLARY CLINTON , Xoghaya Wasaarada arrimaha dibada . Ka dibna shir saxaaf adeed soo wada saareen labada dhinac. Kadibana xasan sheikh muumin waraysi uu siiyey R AADIYOWGA VOA Waxa uu ku sheegay shir ka dhici doona bish may dalkan ingriiska in ay w ada gudoomin doonaan isaga Raysal Wasaaraha ingriiska DAVID CAMERON. Waxa uu intaas raaciyey in soomaliland aan wax maamuus ah la siin doonin, mar labaad Dalaka I toobiya isa ga oo jooga , ayuu sheegay shirka may ka dhacay dalka ingriiska in ay wada shir gudoomin doonaan isaaga iyo rayasal wasaarahu.

AKHRISTE, SHIRKA DAWARSIGA LOOGU URURINAAYO WEEYI KAN UU SHIR-GUDOONKA KU JIR AA EE MAAAHA KII SIYAASADA EE LABADA DHINAC AHAA.

Waa dhaqan been ku noolaan shaho ah ee uu rabo in warbaahinta uu tashwiish kaga samee yo qaar ka mid reer SOMALILAND oo aan siyaasada beenta ka korin, isaga oo labada uu isu hoos geliyo maadaama labadan shir wadaaagan bisha la qabanaayo iyo meesha lagu qaban aayo.

Waxaan jeclaa saaxiibkay maxamed oo wasiirka arrimaha dibada ah in dhirbaaxo jawaab ah uu siiyo isaga oo taabanaaya halka ay ugu jilicsan yihiin si ay edeb iyo basar u yeeshaan, nasiib daro se ma dhicin.

Warmoge , Hassan sheikh muumin, ma is weydiiyey kuwii ka horeeyey isaga ee madexweyna ha soomaliya sheekan jirey, markay Taangiga , jiraan , sidan uu maanta yahay, ay odhan jireen sidaas oo kale, hase yeeshii markii ay taangigii, ka soo baxeen ku dhex noolaan kari waayey wadankii uu madexweynaha ka dhex sheeganaayey, waxa nimankaas ka SH.shariif. oo hada qootixino ugu dhex nool dalka ugaandha, CABDILAAHI YUSUF, isna dalka Yementa waa kii isaga oo qaxooti ku jooga ku dhintay dalkaas, CABDI QAASIM, isna waa kan masar qaxootinimo ku dhex jooga.

Hadaba, AKHRISTE, MIYEYNA CADEYN XASSAN YARE IN JAWIGAAS BAHAA BAHAA GA AH UU KU BARBAAREY OO UU RUN U QABO, WAAYO HADDII U QABI LAHAA FIKRAD KAS KADISAN WUU TOOSI LAHA OO XAQIIQDA AY ARKI LAHAA.

Waxaan ugu bushaareyneya reer Somaliland in qaranimada Somaliland ay ka kortey mid cadow ama xaasid u waxyeelayn karo oo ay tahay mid ku timid rabitaanka dadka, dhacsatey gobanimadeedii oo dhiig u hurtey kuna dhaqan qawaacida wada noolaansha iyo sinaanta, u badheedhay in tawxiidku noqdo astaan

saldhig u ah in ay aaminsantahay, kana soo jeeda dadka isirka ay wadaagaan reerka AHL ULBAYT. Oo sida hadda taariikhdu

cadeyneyso galay cadigii , ALLAHA AWOOD BADANI, libinta iyo guusha uu siinaayey in ay ta hay iyaga iyo kuwa kale ee ku kala nool daafaha kale ee dunida, oo ay wada socdaaan nasrigaasi.

Waxaan tabayaa oo qudha , NINKII lahaa muggii Hasanayn Haykal, wasiirkii hore ee warfaa finta , BOOBE YUSUF DUCAALE, EE U carbisnaa nidaamka dawladnimada ee waqtigan oo kale jawaabta lagu diirsado ka odhan jirey isaga oo ku hadlaya afka dawlada.

Si kasta ha ahaatee isaga iyo niman badan oo kale oo dalku u baahan yahay ayaa dibada ka jooga qof aan wax tar badn lahyn dawladnimada ay ku jira. Waa yaab, iyo aduunyada maan ta, Waxaa aan E.mailkayga hoos u soo raacshay, waxay tahay haddii ay timaado waxaan aa n soo sheekay mid gedisan in lagu soo raaco cinwaankaas.



Isarag dambe insha alla, waxaan u mahadnaqaya websiteyada warbaahinta, hadhwanaag, gabiley net, qarannewes, Timacade News iyo kuwa kale ee qoran maqaalkan

 

 



Waa qalinkii imam omarqiyas
omarqiyas@hotmail.com