Shirka soo socda ee Turkigu ma lagu gaadhi karaa Qorshe iyo Jadwal cad oo keeni kara horumar intii hore ka xawli badan? Mar i dage’ Allah ha dago, mar labaad i dagane Annaa dagan (once bitten, twice shy)
By Cali Xaruuri

 

 

muddo ka badan laba sannadood ayaa ka soo wareegtay markii uu bilaabmay wada-hadalada u dhexeeya Somaliland iyo Somalia, iyadoo kulankoodii u dambeeyey uu DHAWAAN ka dhacay Dalka Djabouti. Waxana haatan lagu wadaa in ay mar kale ku kulmaan Dalka Turkiga badhtam aha bishan february 2015.

Waxaynu soo marnay xilliyo ay Somaliland odhan jirtay wax wada-hadal ah lama gelayno Som alia. Waxaad mooddaa in arrimo badan laga soo dabcay,oo waa taa maanta shirarka la wada fadhiyo.

Dhanka kale waxay Somalia marar badan ku celcelin jirtay MIDNIMADA Somalia waa MUQADDA S, malaha waxay garwaaqsatay in mawqifkeedii hore uu yahay mid aan sii socon karin, oo wa xaad arkaysaa iyadoo heshiisyada wada-hadalka lagu wada saxeexayo Madaxweynaha Jamhu uriyadda Somaliland iyo Madaxweynaha D.F. Somalia , halkii wahtiyadii hore ay odhan jireen Gobolada Waqooyi ama maamulka Somalilnad IWM.

Waxaan kale oo Somalia ay la timid mawqif intaas ka sii dabacsan iyada oo laga dhageystay TV Qaranka ee Xamar oo ku tiraabaya hadallo ay ka mid yihiin “Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay DHIGGIISA Madaxweyne Silaanyo”. Waa la tolay oo ay oloshay.
Dadaalka lagu bilaabay Wada-hadalka dunidu u golaysay Somaliland/Somalia waxaa lahaa daw ladda Ingiriiska oo iyadu SHIRKII LONDON (23kii February 2012ka) ee dunidu ay kaga hadlays ay arrimaha Soomaalida ku martiqaaday SOMALILAND.

Wada tashi dheer kadib, Markii talo qaran laga yeeshay aadna looga baaraan degay waxa Xuk uumada Somaliland, golayaasha qaranka, Axsaabta qaranka iyo Shacbigaba la is-tusay in shir kaas MASLAXADI UGU JIRTO DANTA QARANKA , waxana Somaliland oo isku duubani ay go’aans atay in Shirkaas laga qayb galo.

iyadoo arrintaa laga shidaal qaadanayo , waxa LA LAALAY xeerkii DABRAYEY in cid ka socota Somaliland ay la kulanto ama wada-hadal la yeelato Somalia.
Somaliland waxay aqbashay in ay la kulanto D.F. Somalia laakiin taa macnaheedu ma aha inay ka soo dabcayso mawqifkeedii adkaa ee ahaa inay tahay jamhuuriyad gaar ka ah wixii la isku odhan jiray Somalia.
Waxaa xusid mudan oo muhiim ah Qod. 6aad ee warmurtiyeedkii shirka London ka soo baxay oo u dhignaa sidan:

6. Shirku waxaa uu aqoonsadey baahida loo qabo in bulshada caalamku ay taageerto wada-hadal kasta ee Somaliland iyo TFG-da ama ciddii beddesha ay ku heshiiyaan in ay yeeshaan si loo caddeeyo xiriirkooda mustaqbalka.
Waana Qodobkaasi kan furaha u noqday ee uu ka dhashay wada-xaajoodka Somaliland/Somalia.

mawqifka dalka SOMALILAND ma aha wax aan la fahmi karin, balse waa in la ogaado in AAYO-KA-TASHIGGA SHACBIGA yahay MID AAN LAGA HOR IMAAN KARIN,
Dib u xaqiijinta Qaranimada Somaliland WAA MID KU TIMID RABITAANKA IYO CODKA SHACABKA mana aha mid u cuntamaysa wax ka hooseeya ama ka yar qaran madaxbannaan iyo in ay noqdaan laba dal oo jaar ah oo la kala yidhaa Somaliland iyo Somalia. Waa kaa gundhigga qorshaha (the plan) keliya ee ay leedahay Somaliland.
Somaliland sinaba DIYAAR uguma aha inay dib ugu noqoto ISRAACII lagu HUNGOOBAY. "KALUUN MAR BAA LA GAWRACAY".


Muddo dheer ayay laba Ergo (Team) ee wada-xaajoodka isku arkayeen shirar heer Wasiirro ilaa iyo kullammo heer Madaxweynaba leh kuna yeelanayeen waddamo dhowr ah sida ( UK, Dubai, Turkiga iyo Djabouti)


Wada-hadaladda waxaa gaabis ka dhigay Dawladda federaalka Somalia oo dhowr goor hakis ay wadahadalka sababo la xidhiidha khilaaf dhexdooda ah iyo marba xukuumad cusub oo la soo dhiso. "Maantana far baan maydhayaaye ha ii fadhiyo Geelu".

Waxa iyana taa barbar socotay oo CAQABAD wada-hadalka ku noqday Dawladda muqdisho oo marar badan ku xad-gudubtay heshiiyadii la gaadhay kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Aflagadooyin iyo weliba fulin la'aan wixii la isku afgartay.
Somaliland aad bay u qoonsatay arrimaha noocaas ah, waxaana xidhiidhka laba geesood soo kala dhex-galay madmadow badan Waxana soo if-baxday in aan wax wada-xaajood ah la sii wadi karin haddii arrimuhu sidaa ku sii socdaan

Arrimahaas iyo duruufo kaleba waa waxa dhaliyey in wad-hadaladii u dambeeyey ay Djabouti ka dhacaan oo iyadu gogosha u fidiso
Haddii aynu in yar is-dul-taagno kulankaa Djabouti
Badi dadku way soo dhaweeyeen go'aamadii Djabouti lagu gaadhay gaar ahaan qod.3aad oo u dhignaa Sidan:

3) - Labada dhinac waxay isla garteen in dawladda Djibouti laga qeyb-gelyo wada-
Hadalada dambe marka loo baahdo.
Waxaase jirta dood ay dadka qaar qabaan oo taa ka soo horjeedda. Doodda noocaasi ahi waa mid la fahmi karo marka aad milicsato taariikhda dhawr iyo labaatankii sanno ee la soo dhaafay wixii ka dhacay Somalia iyo doorka ay ku lahayd dawladda Djabouti. Waxayna ay qabaan in ay ahayd in qoddobkaa lagu bedelo Sidan :

3) in khuburro farsamo iyo dawladdo saaxiib la ah Somaliland iyo Somalia Laga qeyb geliyo wada-hadalada dambe.

SHIRKAN DAMBE ee lagu ballansan yahay Turkigu waa mid aad loogu hanweyn yahay inuu KA DUWANAADO KUWII HORE Maadaama la gudagelayo Qodobka ugu xaasaasisan sida ku xusan heshiiskii Decembar 2014kii ee Djabouti ee hoos ku qoran:-

1) In la dardar-geliyo wada hadalada labada dhinac,isla markaana wakhti lagu jaan-gooyo.
2) In arrimaha siyaasiga ah ee masiiriga ah lagu dhiirado, lana fuliyo arrimihii hore loogu heshiiyay.

Shirka soo socda Waxa la quuddarreynayaa in lagu gaadho qorshe iyo JADWAL cad oo keeni kara horumar intii hore ka xawli badan.
Farqiga labda Geesood u dhexeeya oo aad u ballaadhan awgeed waxa lagama maarmaan ah in la kaashado khuburo ka caawin karta xagga farsamada wada-hadalka . Arrimahaasi waxay qeyb libaax ka ciyaari karaan isbeddel iyo dadaal cusub oo u adeega in la gaadho halka lagu socdo.

Haddii aynu qaddar yar dib u milicsanno waayo-aragnimadii laga dhaxlay MIDNIMADII 1960ki-1991kii.

Waa dhab (waa Xaqiiq) in reer Somaliland TAARIIKHD QADHAADH oo murugo leh kala kulmeen MIDNIMADII Somalia. Waana ta keentay in la saadaaliyo in Hargeysa ay dib wax ula qeybsato Muqdhisho ay tahay mid aan weligeed dhici karin. Mar i dage' Alla ha dago Mar LABAAD i dagane anaa dagan. Once bitten, twice shy.
Waxaa xusid mudan aftidii distoorka ee ay shacabku 97% ugu codeeyeen dib-ula-soo noqoshada Qaranimada iyo madax-bannaanida Somaliland. Waana dhaabbad adag oo aan cidi dhaafi karin.

dhanka kale muddadii lagu mideysnaa SOMALI REPUBLIC iyo inta haatan la sii kala maqnaa (la kala go’naa) waxay tahay wakhti is le’eg (30 sanno iyo 24 sanno).
waxa intaa dheer in muddadaa intii dhalatay ama ku garaadsatay JAMHUURIYADDA SOMALILAND ay haatan 65% ka yihiin bulshada Somaliland. taas oo ah arrin kale oo mustaxiil (impossible) ka dhigaysa in dib loo midoobo.
Shacbiga somaliland waxay u arkaa Jacaylka reer Somalia (Koonfurta) ee MIDNIMADU in 200% aanay dhab ka ahayn

Siyaasiyiintii wakhtigii hore u hanqal taagi jiray midnimo Somaliyeed waxaa haatan u muuqda dal (Somaliland) ku naaloonaya Libaan, Nabad iyo Dimuqraadiyada, wax macquul ah oo taasi lagu doorsado oo soo jiidan karaana meel kale ugama muuqdaan.
Madaxbannaanida iyo Qarannimada Somaliland waa xaqiiqa in aan suurta gal noqon karin saacadda dib loo celiyo.

Somaliland maanta waxay doonaysaa sidii loo kala bixi lahaa (Somaliland/Somalia) ugana mid noqonto caalamka, waxaanay u baahan tahay in si dhakhso ah loo ictiraafo.
Aqoonsiga la siiyey Somalia ma aha macnaheedu in Xamar caalamku kelideed garab taagan yahay, laakiin Somaliland meel cid-la' ah ma taagna. Waxaa jira dawladdo badan oo rumeysan in aqoonsiga Somaliland ee caalamiga ahi yahay MID QAAN-GAANGAADH AH. Waxay soo jeedinayaa, si khilaafka dabada dheeraaday xal loogu helo, in loo baahan yahay aqoonsi laba qaran ah (Somaliland iyo Somalia) inay halkaa ka jirto. Waxa xusid mudan dooddii dhawaan ku saabsanayd Aqoonsiga Somaliland ee baarlamanka Yurub taas oo ah qorshe loogu talagalay in kor loogu qaado muhiimadda siyaasadda Somaliland. Inkasta oo aan wakhti loo cayimay jir an waxa caalamku isla qaatay in dhibaatada Somaliland/ Somalia si dhakhso ah looga farax asho.


Waxaa la gaadhay wakhtigii la garawsan lahaa xaqiiqada ah in ISRAACII Somaliland iyo Somalia uu dhammaaday lana aqbali lahaa inay noqdaan laba waddan oo is barbar yaal.


Wa Billaahi Tawfiiq
Qalinkii Cali M. Adam (Cali Xaruuri)
Holland

 


0000000000---00000000---------0000000000000--------0000000000000000-------------------000o0