shirka uk ee maamul goboleedyada soomaliya[m.x.i cigaal AHN nin aad loo tabay]somalilandaroow mawqif yeesha
 



Had iyo goor maskaxda yar ee aan sida wanaagsan u korin waxay ku mashquushaa arimo yar yar oo aad odhan karto waa wax aan sakaaro ka biiqsan waxay maskaxda yari is tustaa waagii baryaba arimo yar yar oo ay daaqad yar ka fiirsato ka dibna ayadoon kala shaandhayn ayay u madda ku soo dhex tuurtaa.

Hadaba shirkan la sheegayo inay isugu imanayaan maamul Goboleedyada Soomaliya waxa mar ka hore is waydiin mudan Somaliland ma maamul Gobolbaa mise waa dawlad jirta. Ilaahay naxa riistii jano haka waraabiye ,madaxwaynihii hore ee Somaliland marxuum Maxamed Xaaji Ibraah im Cigaal ,ayaa ahaa nin aad u mawqif adag , wuxuu ahaa nin aan hadalka laba ka dhigi jirin, wa xaanu si cad u sheegay in madaxtinimada Somaliland ay tahay MUQADAS ,cid la gala gor gor ta mayaana aanay jirin.

Waa mawqif adag oo nin ragi u badheedhay umadiisana ugu baaqay inay kula shaqeeyaan ama wax halagu helo ama wax halagu waayo.balse waxa runtii aad u liita in rag badan oo siyaasiyiini aanay lahayn mawqifkaa adag arinkooduna yahay LABAC-LABAC [ Beerka jecli, Xaydha jecli].
waxa ila quman in sidaa marxuum cigaal AHN mawqif la yeesho iyo hadaf siyaasiya oo loo cadee yo umada waxa lagu hagaayo waxay doonto ha noqtee ayadoon la qarsan.waxaan odhan laha a siyaasiyiinta talada maanta haya in aad umada u cadaysaan mawqifkiina siyaasadeed ee aad ka qabtaan somaliland iyo soomaliwayn la mideeyo

Waxba kama dhaxeeyaan in laba mid raacdaan;-

1- In sidaa marxuum Cigaal AHN , aad xiniinyo muujisaan oo raga hortiisa kaga dhawaaqdaan Somaliland waa muqdas,arinkeeduna ma galo gorgortan wax kastoo oo ay ku suurto galaysana waanu ku kacaynaa.


2- iyo in aad cadaysaan in aad rajo ka qabtaan midnimo soomaliwayn laysku noqdo oo aad u aragtaan inay dan u tahay somaliland sidaana shacabka ku wargalisaan.labadaa wado ayuunb aa mid la qaadan karaa laakiin in umada maskaxda laga wreeriyo oo lagu mashquuliyo shirbaa la tagayaa iyo la tagi maayo arinkaas waa laga wanaagsan yahay ninka rafgi waa inuu cadayst aa hadafkiisa siyaasadeed si raganimo ku jirta kalmadiisa u ritaa

Raga qaarna waxaabad moodaa in ay siyaasada ka dhacsan yihiin sababtoo ah waxay soo qora yaan hadalo ah in somaliland ay dalka ingriiska ka codsato in lagu casumo shirka ay dawlada ing riisku qabanayso.kuwaaana waxaan leeyahay somaliland wax shira ka baryi mayso dalka ingrii sku inuu ku casumo laakiin dalka ingriiska ayaa somaliland ka baryaya inay shirka yimaadaan ar inka aynu gorfaynaynaana maaha inagoo shir rabna inaynu tagno laakiin arinka aynu gorfayna ynaa waa miyay haboontahay in somaliland dhex gasho arimaha maamul goboleedyada soom aliya miyay haboonthay in somaliland markale ka mid noqoto soomaliwayn

Waxa aynu kahadlaynaa waa siyaasadan somaliland ee xisbiga kulmiye waqtigan jihada ka bad alay ee hadana meel ay joogto aanad garanayn ee marna xamar hadyad la gaynayo marna dad ka la odhanayo  xamar dooni mayno taas oo aad moodo in aan meelna lagu gaadhayn waxa ayn u ka hadlaynaa waa miyaynu iska cadaysaynaa mabda,eena siyaasadeed oo hadaynu laabta ka rabno midnimda soomaliwayn maxaynu u qarinaynaa ee loo dadayaa maynu runta qarxino oo caalamka ku wargalino una sheegno in somaliland ku noqonayso soomaliwayn. waxaynu ka had laynaa waa inagoon waqtiga iska lumin in ama soomaliya la raaco ama laga go,o oo la diido.



Gabagabadii



Meesha waxaad moodaa in hal nin laga tabay kaas oo ahaa geesi mawqif iyo qawl adag lahaa
waana marxuum Maxamed Xaaji Ibraaahim Cigaal AHN kaas oo yidhi[ SOMALILAND WAA MUQD AS],hadaba siyaasiyiinta talada haya waxaanu leenahay miduun umada u sheega Somaliland waa muqadas ama Soomaliya waa muqadas xaguun labada daarood raaca ha is xakabinina mee le

wabilaahi tawfiiq

 

 

 

 

 

Siciid Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk

London