Shirkada Diyaaradaha Juba Airways ayaa maanta Duulimaad yadeedii si rasmiya uga bilawday Madaarka Magaalada Hargeysa iyo Wasiirka Duulista oo ka hadlay+Daawo Sawirada

 

Hargeysa (TNN):- wasiirka wasaarada duulista iyo hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta ka hadlay diyaarada Juba Air Ways oo duulimaadyadeedii ka bilawday garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa. Wasiirka wasaarada duulista iyo hawada Somaliland Max amuud Xaashi Cabdi oo maanta goob joog ka ahaa diyaarada Juba Air Ways oo ah diyaaradii sadexaad ee duulimaadyadeeda ka bilawda madaarka caasimada ayaa waxa uu sheegay inay diyaaradahani sii wadi doonaan duulimaadyadooda.


0in 10pt">Ugu horayna Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland oo ka hadlaya imaatinka diyaa rada Juba Airways ayaa waxa uu sheegay inay farxad u tahay inay diyaaradani duulimaadyade edii ka bilawdo garoonka caasimada waxaanu yidhi ? runtii arintani waa guul wayn oo u soo ho gatay umadan iyo qarankan Somaliland iyada oo markii ugu horaysay mudo 55 sano ah ay ka s oo dagaan diyaarado noocan ah oo ka yimaada Dubai,Jideh,Addis Ababa iyo Nairobi kuwaas oo ah nooca loo yaqaan p737-300,400,800 shirkadaha Daallo,Juba iyo Ethiopian Airline oo diyaara dahan keenay aad ayaan uga mahad naqayaa, Juba Airways-na maanta ayey bilawday duulim aadyadeedii waxaanan rajaynaa inay sidooda u socdaan? ayuu yidhi wasiirka Duulista Somalila nd Maxamuud Xaashi Cabdi

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey ?xukuumadan waxa ka go,an inay bulshade eda ugu adeegto si hagar la,aan ah iyo inay dalkan ka hir geliso horu mar laxaad leh anaga oo ilaahay iyo dadkayaga la kaashanayna, mana aha guul uu shakhsi kaliya helay balse waa guul u soo hoyatay shacabka Somaliland,?

Wasiirka duulistu waxa uu sheegay inaanay jirin wararka sheegaya inay diyaaradaha ku amree n inay dhimaan rakaabka ama shiidaalkooda iyaga oo u baqanaya Run-Wayga cusub ee garoo nka waxaanu yidhi ?ma jirto inaanu diyaaradaha ku nidhi soo dhima rakaabka iyo shiidaalka, diy aaradaa maanta timid ee Juba Air Ways waxay kala kacaysaa garoonka 160 rakaab ah iyada oo aanu hal kursi ka banaanayn, Daallo iyo Ethiopian Air Line sidaas oo kale wax is dhin ah oo ku yimid ma jirto manaanu ku amar inay dhimaan shiidaalka iyo rakaabka toona.
 




Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland