Shirkada Isgaadhsiinta Casriga ah Ee SOMTEL oo Xarumo cusub ka Furatey Jigjigayar Iyo Dumbuluq Oo katirsan Magaalada Hargeysa.




Hargeysa (TNN)-Shirkada isgaadhsiinta Casriga ah ee somtel ayaa saaka xafiisyo cusub Ka furatay xaafadaha dumbuluq iyo jig-jiga yar ee magaalada hargaysa Xafiisyadaasi oo qaba n doona adeegyada isgaadhsiineed ee ay Shirkadaasi dalka ka fuliso .

Xafladii furitaankla xafiisyadaasi waxaa kaqayb galley Xildhibaano qoonyahano,Masuuliyi in ta shirkada Somtel.Cuqaal iyo martisharaf kalla duwan

Xafladaasi lagu furayey labadaasi xarumood Ee Shirkada SOMTEL Ka Furatey Jigjiga yar iyo dumbuluq oo katirsan magaalada Hargeysa waxa ka hadlay Maxamed Aadan Haybe oo ka mida masuuliyiinta suuqaynta Ee shirkada somtel waxaana uu sheegay in sababta ay xafiis yadan u Furanayaan ay tahay fariin badan oo uga timi dhinaca dadweynaha Waxaana yidhi{xafiisyada cusub ee somtel waxaa sababay inaanu furno Fariin nagaga timi dadweynaha ,anaga somtel ahaan waxa noo caado ah In aanu la xidhiidhno dadweynaha la xidhiidhkaasi oo ah in aanu Markasta la jecelnahay in aanu adeegyadayada meel kasta oo ay joogaan In aanu xafiis uga furno, xafiiskan Dumbuluq waxa uu noo kala Badhayaa degmooyinka Axmed Dhagax iyo Maxamuud Haybe ,insha Allah xafiiskan marka aanu furno waxa noogu xiga in a anu xaafadaha Kalena u sii fidino ,waxa hubaala in xafiiskani wax badan u fududayn Doono dadweynaha ku nool xaafada dumbuluq)waxa kale oo Maxame Aadan Haybe u balanqaada y dadweynaha ku nool Degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax in ay xafiiskan ka heli doonaan adeegyada ay bixiyaan xarumaha kale ee shirkada somtel.

Waxa sidoo kale halkaasi ka hadlay C/qaadir maxamed oo ah madaxa laanta dumbuluq ee shirkada somtel waxaana uu sheegay in uu xafiiskani ka mid yahay dadaalka ay shirkada somtel ugu jirto sidii ay macaamiisheeda u raalin galin lahayd isla markaana ay adeegeeda ugu gayn lahayd meel kasta oo ay joogaan waxaana uu amaan u soo jeediyey masuuliyiin ta shirkada somtel oo uu tilmaamay in ay dadaal xoogan u galeen furista xafiisyadan gaba gabadiina waxa uu ka codsaday dadweynaha labada degmo in ay si aada ula shaqeeyaan shirkada kana faaidaystaan adeegyada uu xafiiskani bixin doono.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye(Nac-Nac) oo isna munaasibadaasi saaka kahadley ayaa gacmo furan ku soo dhaweeyey xafiiskan cusub ee ay shirkada SOMTEL ka furtay xaafada dumbuluq ,isagoo xildhibaanku ka mara kacay kaalinta ay shirkada somtel ay kaga jirto hor umarka bulshada waxaana uu bulshada xaafada ugu baaqay in ay soo dhaweeyaan shirka da somtel

Xildhibaan C/raxmaan cismaan caalin (C/raxmaan dheere) oo ka mida xildhibaanada golaha wakiilada ee S/land oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ku amaanay shirkada somtel balaadh inta ay ugu jirto adeegyadeeda iyo sidii ay uga gaadhsiin lahayd shacabka isagoo xusay in S/land ay dhinaca tignoolajiyada kaga horayso gaarada aynu ku noolnahay ee Africa taas na ay suurto galiyeen hawl wadeenada hawshaasi ku hawlan ugu dambayntiina waxa uu sheegay uu ahmiyad weyn u hayo shirkada somtel si aadana u soo dhaweynayaan haddii ay yihiin xildhibaanada xaafada .

Waxa kale oo hadal dheer oo amaan u badnaa xafladaasi ka soo jeediyey la taliyaha mada xweynaha ee arimaha dhanlliyarada Mr Najax Siyaad Aw Cabdi waxaana uu xusay in xafii skani uu yahay mid aad loogu baahnaa oo ay soo dhaweynayaan waxaana hadaladiisii ka mid ahaa(waxa nasiib wanaaga in xafiiskani uu ku soo beegmay furitaankiisu xilli lagu guddo jiro bishii ramadaan waliba in uu la kowsado tobankii dambe oo ah maalmo kheyr badan, ko lay tartankan shirkaduhu waxay faaido u yahay bulshada ,waxa kale oo tartankaasina uu kow ka yahay dhinaca horumarka bulshaduna iyada ayaa kala qiimayn doonta shirkadaha kuna qiimayn doontaa hadba sida ay ugu keento adeegyadeeda .)Cabdi najax siyaad waxa uu ku bogaadiyey shirkada somtel barnaamijka KASMAAL oo ah barnaamij ay maalgaliso sh irkada somtel kana baxa Tvga Qaranka su,aalana lagu weydiiyo macaamiisha shirkada isag oo barnaamijkaasi ku tilmaamay mid wax weyn ku soo kordhin kara bulshada balse hawl wa ddeenada shirkada waxa uu ka codsaday in ay ka taxadiraan diyaarintiisa si bulshada ay ugu gudbiyaan wax sax ah.

Waxaa sidoo kale iyana munaasiabdaasi kahadley martisharaf kalla duwan oo iskugu jira cuqaal,waxgarad iyo cullima awdiin..

Ugu danbayntii waxa halkaasi ka hadlay madaxa hawlgalinta eeShirkada SOMTEL Mr Cawil Saalax waxana hadaladiisii ka mid ahaa(ugu horeyn waxa aan salaamayaa cuqaasha,xildh abaanada iyo guud ahaanba dadka ka soo qayb galay oo aan leeyahay ramadaan kariim , runtii in badan ayaanu wada hadalnay odoyaasha xaafada ,kolay dardaaran badanina waa jiraa waxa la yidhi amaanadu waa dayn anagu daynkii waa aanu ka soo baxnay ayaa aan filayaa kubadiina maanta idinka ayaa ay idin joogtaa haddii aad tihiin reer dumbuluq waxaa na noogu xiga sidii aanu halkaasi uga sii amba qaadi lahayn)waxa kale Cawil saalax uu she egay in ay ka shirkad ahaan jecel yihiin in ay adeegyadooda gaadhsiiyaan meel kasta oo dalka ka mida waxa sidoo kale uu sheegay in aanay marnaba ilaabi doonin weeyeelka aqoonta leh ee ay u qorshaysan tahay in ay dhinacooda soo jaleecaan .

Gabagabadiina waxa xadhiga ka jaray xafiiskaasi ay shirkada somtel ka furatay xaafada du mbuluq xildhibaan Axmed maxamed diiriye nac-nac

Geesta kalena Waxa ay shirkada somtel xafiis cusub ka furatay xaafada Jig-Jiga yare e ma gaalada hargaysa waxa isla xafiiskaasi xadhiga ka jaray madaxa hawlgalinta ee shirkada somtel Cawil Saalax .

Xafiisyada Shirkada SOMTEL ka hirgalisey xaafado kamid ah caasiamda Hargeysa ayaa wax abdan kataridoona adeegyadii kalla duwanaa ee shirkada somtel ee ay dadka xafadaasi suuqa umina jireen.

Shirkada SOMTEL oo waaydii ugu dambeeyey si xawli ah ugusoo biirtey suuqa isgaadhsiinta soomaaliland ayaa waxay muddo kooban gudaheed ka mid noqtey shirkadaha ugu waawe yn Somaliland ee xaga isgaadhsiinta iyadoo adeegaydeeda kallad wuan ee ay qabto ugu dambeeyeen Adeega Casriga ah Ee 3G.

Sikastaba ha ahaatee SOMTEL waxay muujisey iney diyaar utahey bulshada Somaliland iay doo maalmihii ugu dambeeyey ay shirkadu Dayactir Balaadhan kusameysay garoonka kubadda kolleyga ee Timacade.



Axmed Maxamed Shaqalle
Shaqalle02@gmail.com
Hargeysa Somaliland