Shirkada Isgaadhsiinta Somtel oo Shahaado Sharaf Gudoonsiisay Maayarka Degmada Gabiley
 

 

 

Gabiley (TNN)-Shirkada Isgaadhsiinta Somtel ayaa, maanta Shahaado ay ku maamuusayaan w axqabadka Maayarka Degmada Gabiley Marwo Khadra Xaaji Geydh ku Gudoonsiiyay Xafiiskeeda Magaalada Gabiley, ee Xarunta Maamulka D/hoose ee Gabiley.


Munaasibadii Gudoonsiinta Shahaada Sharafta ay Shirkada Somtel Gudoonsiisey Maayarka Deg mada Gabiley, waxa kasoo qeyb galay Xildhibaano katirsan Golaha Deegaanka Degmada Gabiley, Masuuliyiinta Shirka Somtel oo uu Hogaminayo Madaxa Arimaha Bulshada iyo Xidhiidhka Dadwe ynaha Cabdi-naasir Cawed Muuse oo isagu Shaadadaa Gudoonsiinteeda Hogaaminayay, Maaul ka Xafiiska Somtel heer Gobol iyo Madaxa Suuq-Geynta Gobolada Galbeedka Maxamed Xasan(Alladii), Gudoomiye Kuxigeenka Xisbiga Udub ee Gobolka Gabiley Aadan Maxamed Xaaji Aadan iyo Marti Sharaf kale.


Madaxa Xidhiidhka dadweynaha iyo Arimaha Bulshada Shirkada Somtel Cabdi-Naasir Cawed Mu use oo ugu horeyn halkaa ka hadley ayaa sheegay, in ay Shirkada ahaan ku maamuusayaan Sh ahaada sharaftan Maayerka Degmada Gabiley Marwo Khadra Xaaji Geydh oo ay ugu Maamuuse en Doorka ay ka qaadatey dib udhiska iyo Waxaqabadka Gobolka Gabiley gaar ahaan, Magaala da Gabiley ee Xarunta Gobolka taas oo ay Shirkada Somtelna ku dhiiri galinayso in ay Mudan Ta hey Maayarka Degmada Gabiley Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis(Khadra Xaaji-Geydh), in lagu maamuuso oo ay ku Sharafaan Shirkada Somtel Shahaado Sharaftan oo muujineysa door ka ay qaadatey Waxaqabadka Arimaha Bulshada maadaama Shirkada Somtel Siyaasad ahaan danayso doorna ku leedahay Arimaha Bulshada ee Danta Guud iyo Adeegayada aasaasiga ah.


Waxa kale oo Iyaduna halkaa hadal kooban oo ay ugu mahad celinayso Shirkada Somtel ka jee disay Munaasibadaa Maayerka Degmada Gabiley Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis(Khadra Xaaji-Geydh), Waxaanay Maayarku xustey in Shirkada Somtel oo muda yar jirtey ay door weyn ka qaadatey durtadiiba hurumarka Somaliland iyo Arimaha Bulshada taas, oo ay dhawaan Gabil ey Maamulka D/hoose ka furteen jaa,isadaha Ardeyda Dugsiyada Dhexe oo Sanad walba ay h owsheeda gudoonsiin jirtey balse Somtel ka furatey howshaasi waxaanay balanqaadey in ay M aamul ahaan la shaqeyn doonaan oo ay tixgalin doonaan Shirkada Somtel.


Madaxa iibka iyo Suuqgeynta Shirkada Somtel ee Gobolada Galbeedka Somaliland Maxamed Xa san(Alladii), oo isaguna munaasibadaa hadal ka jeediyay ayaa, xusey in ay Shirkada Somtel mar walba mudadii ay jirtey ka qeyb qaadato dhismaha iyo Hururmarka dalka isagoo, balanqadey in ay ka dhisi doonaan dhawaan Shirkad ahaan Gudaha Magaalada Gabiley, Kaabadha isgoyska ji dka badhatamaha ee Magaalada Gabiley.


Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadley Xildhibaan Axmed Muxumed Qaalib(Axmed-Samir), iyo Xildhibaan Muxumed Xasan Meecaad(Ciro) oo labaduba katirsan Xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Gabiley, oo iyaguna ku bogaadiyay Maayarka Degmada Gabiley doorkeeda waxaqabad oo ay ku sheegeen in ay tahey Guul ay la leeyihiin Gole ahaan oo ay la wadaagaan, Sidoo kalena waxay mahad celin iyo sharaxaad u jeediyeen Shirkada Isgaadhsiinta Somtel oo ay ku tilmaame en in ay tahey mid hanaqaadey intii ay jirtey maadaama ay mudooyinkii u danbeeyay Somalila nd saameyn weyn ku yeelatay iyadoio soo bandhigtey Ciyaarihii oo dunida oo dhan laga daawa day iyo arimo kale oo badan oo la xidhiidha Adeegayadooda.

Waxa kale oo isaguna u mahad celiayay amaana u jeediyay Maayarka Degmada Gabiley iyo Sirk ada Somtel ee Shahaadada Gudoonsiiyay, Aadan Maxamed Xaaji Aadan oo ah Gudoomiye Ku xi geenka Xisbiga Udub ee Gobolka Gabiley, oo Sheegay in ay muhiimad weyn u tahay Shadaadada ay Somtel ku maamuustey Maayarka Degmada Gabiley waxaqabadkeeda oo sharaf u ah guud ahaanba dadweynaha Reer Gabiley.

Ma aha markii u horeysay ee Maayarka Degmada Gabiley Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis(Khadr Xaaji-Geydh) la gudoonsiiyo Shahaado shara lagu maamuusayo doorka Waxaqabadka A rimaha Bulshada ee ay ka Qabteen Gudaha Magaalada Gabiley.

 

 


Timacade News Desk
Gabiley,Somaliland