SHIRKADA OOMAR COMPANY OO DEEQ DHAR IYO KABO AH UGU DEEQDEY XARUNTA AGOOMAHA EE GOBOLKA GABILEY

 


Shirkada wayn ee Ganacsiga alaabooyinka kala duwan ee Oomar Company ayaa deeq dhar iyo kabo ka kooban , ugu deeqday xarunta agoomaha ee Gabiley.

Deeqdan dharka ah o aheyd mid aadu culus , ayaa waxey shirkada Oomar Company ugu tala gashey sidii ay dhiiri galin iyo niyad dhis ugu noqon laheyd caruurta Agoonta ah ee in muda ah gacansiin xoogan ka helayey hirkadaasi.

Maamulaha Xarunta Agoomaha Gabiley Mr Cumar Cabdi Muxumed oo warbaahinta uga Waramey deeqdaasi dharka iyo kabaha ah ayaa isagu siweyn ugu mahad celiyey ugu mahad celiyay kaalinta ay shirkada Oomar Company Mudo imika sanado ah ugu jirto,ama gacan ka geysato deeqda ay siiso xarunta agoomaha Gabiley.

Taas oo ah mid aad u culus miisaankeedana leh iyadoo aanay shirkadu ku koobnayn keliya Raashiinka balse ay siiso waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin Iidaanka raashiinka, Qaloodiga xoolaha iyo siinta dharkan qaaliga ah iyo kabahaba oo sida ka muuqata lacag aad u adagi gashey Taas oo looga baahan yahay dadwaynaha reer Gabiley gudda iyo dibedba inay talaabadaa shirkadu qaaday mid la mid ah kaga daydaan oo ay siiyaan xarunta Agoomaha Gabiley wixii ay u qaban karayaan shirkada Oomar Company-nina waxay xaga illaahay kaga helayaan ajar iyo xasnaad badan oo aan la qiyaasi karin oo aakhiradooda dhaxal u ah iyo ifka oo ay tusaale fiican u tahay sida uu uga warhayo maalqabeenka shirkadu Jaamac Oomar Seed, dadkaa masaakiinta ah ee degaankiisa ku dhaqan ee caruurta ah ee Agoonta mujaahidiinta ka hadhay u badan isagoo arintaa kahadlaya wuxu yidhi "dadka kale waxey had iyojeer caruurtan u keenaan dhar huudheydh ah hadey yihiin Hay,ad iyo hadey yihiin Jaaliyad dibadeedba laakiin tani aad bey uga duwan tahey oo waa dharkii ugu qaalisanaa" ayuu yidhi Maamulaha Xarunta Agoomaha Gabiley.

Waxa kale oo isaguna deeqdan dharka ah ee shirkada Oomar Company ugu deeqdey caruurta ku xereysan Xarunta Agoomaha Gabiley kahadley Maamulaha Shirkada Oomar Company ee Gobolka Gabiley Mr Muuse Nuur Xasan oo sheegey in aaney deeqdani aheyn markii u horeysey ee Shirkada Oomaar ugu deeqdo Xarunta Agoomaha Gabiley,balse tani ay tahay tii afraad ee nooceeda ah ee sanad oo kaliya lasiiyo,waxanu xusey in ujeedadeedu ku xidhiidh san tahey sidii naxariis badan loogu muujin lahaa caruurtaasi agoonta ah islamarkaana,loogu sameyn lahaa dhiiri galin iyo niyada oo loo dhiso waxana deeqdan aanu shirkad ahaan ugu tala galney iney caruurtani kaga qeyb qaataan Munaasibadii ciida oo ay ula mid noqdaan sida wanaagsan caruuraha kale loogu hagar baxey,Waxa kale oo Maamuluhu carabka ku dhuftey in deeqdan dharka iyo kabha ah ee Shirkadu ugu deeqdey Xarunta Agoomaha Gabiley ay ku baxdey lacag dhan 1500$ oo Dollar .

Waxa kale oo isaguna ka hadlay C/laahi Faarax oo ka mid wakiilada shirkada Oomar Company ee Gabiley oo sheegay inay dar-daaran wayn ku qabaan ilaalinta iyo ka warhaynta xarunta Agoomaha Gabiley oo nalagu amray inaanu wax kasta oo ay u baahdaan siino.Ayuu yidhi

Maaha markii ugu horaysay ee nooceeda ee shirkada wayn ee ganacsiga Oomar Company ay deeq miisaan culus siiso xarunta agoomaha Gabiley. Hase yeeshee Waxey deeqdani lamid tahey deeqaha kale ee ay shirkadu sannad walba siiso xarunta agoomaha, iyadoo shirkadu sida kalena uga warhayso xaaladooda guud. Hadaba mar aanu wax ka weydiinay ganacsade Jaamac Oomar Seed uu nidar ku galay in inta uu nool yahay uu gacan wayn ka geysanayo taakulaynta caruurta xarunta agoomaha Gabiley ku xaraysan ee ay ka tageen badidooda Mujaahidintii ku geeriyootay halgankii SNM, waxaana deeqihii uu u keenay ka mid ahaa Qalab Sport, Qalab Waxbarasho, Dharka caadiga ah, Kabo Maacuun kala duwan iyo guud ahaanba cuntada ay meesha ku cunaan.
 

 

 


Wariye C/raxmaan Nuux
(Hiiraan)
Hargeysa/Somaliland