Shirkada Somtel oo soo Bandhigtay Adeeg Cusub oo ku yar Qaarada Afrika loona yaqaan 3G

 



Carwadan oo lagu dah furayey adeega 3G ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiiro, Xildhibaano Aqoon yahano Daawo Sawiradda



Hargeisa (TNN)-Xaflad aad ubalaadhan oo ay shirkada isgaaadhsiinta Somtel ay ku soo bandhigaysay adeeg carsi ah oo ay u soo kordhisay macaamisheeda ayaa lagu qabtay garoonka Timacade.


Carwadan oo lagu dah furayey adeega 3G ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiiro, Xildhibaano Aqoon yahano, Ganacsato, Siyaasiyiin , Faniiniin,iyo waliba marti sharaf kale.Carwadan ayaa ay shirkada So mtel ku soo bandhigaysay Adeegyada maqal iyo muuqaalka mobile, Internet xawaarihiisu sareeyo.

Xafladan lagu daahfurayay Adeega 3G ayaa waxa ugu horeyn war bixin ku saabsan Shirkada iyo Wa iba adeegan cusub ka bixiyay, isla markaana tilmaamay faa’iidada ay bulshada reer Somaliland ulee dahay Guddoomiyaha Guud ee Shirkada Somtel Siciid Maxamed Siciid.

Waxana uu sheegay in ujeedada somtel ay tahay in ay ukeento bulshadeeda technology-dii ugu dan baysay isaga oo ka hadlayna waxa uu yidhi “3G wuxuu saamaxayaa Internet dhakso badan, waxa k ale oo uu inoo saamaxayaa maqal iyo muuqal aad arkaysid qofkii kula hadlayay adiga oo hadana maql aya codkiisii, waxaanu keenay 3G- ga bishii Janauri ee sanadkan balse ilaa waqtigaas ma aanu soo b andhigin, maxaa yeelay waanu hubinaynay si aanu macaamiishayda uga sii tijaabino oo aanu u keeno waxaanu hubno ayaanu taas usameenaynay, waxaana wax lagu farxo ah adiga oo Hargeisa jo o ga ayaa dhamaan Gobolada kale dadka jooga ka aad la hadlayso arki kartaa.

Adeegani waa mid ku cusub qaarada afrika waxa aynu noqonaynaa dalkii shanaad ee laga isticmaalo adeegan”Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Mudane Axmed Xaashi Oday oo ka hadlay munaasibadan lagu daahfurayay adeegan cusub ayaa tilmaamay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu ka soo qayb galo xafladan isaga oo ku tilmaamay in ay tahay guul usoo kordhay Jamhuuriyada Somali land waxana uu hanbalyo iyo mahadnaq usoo jeediyay shirkada Somtel, isaga oo intaa ku daray in wa x lagu farxo ay tahay in shirkada Somtel ay keento adeeg ku cusub qaarada afrika.

Waxa isna halkaasi hadal kooban ka soo jeediyay Wasiirka wasaarada Hawlaha Guud iyo Guryeynta Ismaaciil Muumin Aaare, isaga oo oo sheegay in ay maanta u tahay maalin farxadeed maadama buu yidhi dalka la keenay adeeg ku cusub Somaliland, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Saaka waxay noo tahay talaabo loo qaaday xaga horumarka rajo weyn ayey na gelisay Shirkada Somtel, waxaanay na tustay talaabo horumar oo cajiib ah, inaga oo wadankeenu uu yahay curdin ayaynu hadana Aduunkii la soconayaa waa wax looga mahadceliyo Shirkada Somtel”.DSC09868

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo ka hadlay Madashii lagu daah furayey Adeega cusub 3G ee ay soo bandhigaysay Shirkada Somtel ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Adeegan, waxaanu amaan weyn u soo jeediyey Shirkada Somtel, isaga oo sheegay inay dayac tir weyn ka sa meysay dhamaan goobaha Shacbiga sida Garoomada iyo Bilicdii magaalooyinka, waxaanu Wasiirku ka codsaday Shirkadaha kale ee Dalka inay ku daydaan Shirkada Somtel.

Waxa halkaasi ka hadlay Xildhibaano, Abwaaniin, Ganacsato iyo Fanaaniin ku soo bandhigay Riwaay ad, waxaanay Mahad naq balaadhan u soo jeediyeen Shirkada Somtel.

Abwaan C/laahi Xirsi Baarleex oo ka mid ah Abwaanada Somaliland ayaa halkaa ka soo jeediyay tix Maanso ah oo uu ku amaanayo Shirkada Somtel.

Waxa lagu soo bandhigay isla markaana lagu tijaabiyey Goobta Adeegan cusub ee maqalka iyo muuqa alka ah.



Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeysa/Somaliland