Shirkadaha Dahabshiil Group oo ka Dhex Muuqday Taageerada Horyaalka
Gobollada Somaliland
Cabdirashiid
Maxamed Siciid
“Isdhexgalka dhallinyarada waxa ugu weyn ee suurtegeliyaa waa
kulannada kala duwan ee cayaara ha sida kuwa xulalka gobolladu isugu
yimaaddaan, taas ayaana u sabab ah in Shirkadaha Dahabshiil xil
dheeraad ah iska saaraan,” Cabdirashid
M. Ducaale,
Maamulaha Guud ee Dahabshiil Group.
Burco (TNN)-Shirkadaha Dahabshiil Group ayaa siyaabo kala duwan oo
dhammaantood wax-ku-ool ah kaga qayb qaatay suurtagelinta,
habsami-u-socodka iyo dardargelinta niyadsamida leh ee loo rajaynayo
inay guud ahaanba tartanka cayaaraha Gobollada Somaliland eek a
furmay magaalada Burco ku qabsoomaan, kuna soo gabagaboobaan.
Waxa ka mid ah dhiirrigelinta shirkadaha Dahabshiil Group u
muujiyeen cayaaraha dhallinta gobolla du isugu yimaaddeen ka mid ah
baahin toos ah oo shirkadda isgaadhsiinta Somtel u samayso furita
anka iyo xidhitaanka cayaaraha, ka-qayb-qaadashada dib-u-bilidda
garoonnada cagta iyo koleyga, deeqo maaliyadeed oo toos ah,
abaalmarinno loo kala diyaariyey ciyaartoyga u horreeya ee goolka u
horreeya tartanka dhaliya, cayaartoyga goolasha u badan ka dhaliya
tartanka, casumaadaha laba da kooxood ee cayaarta kama-dambaysta ah
isugu soo hadha, tababaraha kooxdiisu koobka qaad do, orodyahanka u
dheereeya tartanka orodada, direyska rasmiga ah ee garsoorayaasha
labada xi dhiidh ee cagta iyo kolayga, dirayska lix cayaartoyga
kubbadda cagta ee lix gobol, iwm.
Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil Group, Mudane Cabdirashiid
Maxamed Siciid, ayaa ka qay b galay furitaankii ciyaaraha gobollada.
Maamulu waxa uu waraysiyo kala duwan oo dhinacyo badan taabanaya
kala siiyey Telefishanka Qaranka, telefishannada caalamiga ah ee
Horn Cable TV iyo Univ ersal iyo Idaacadda caanka ah ee BBC (British
Broadcasting Corporation).
Maamulaha Guud waxa uu muujiyey sida uu u soo dhoweynayo una
hambalyaynayo wasaaradaha xidhiidhada ciyaaraha ee kala duwan,
guddoomiyeyaasha gobollada, ciyaartoyga, dadweynaha, sh irkadaha iyo
guud ahaanba bulshada iska kaashatay suurtagelinta Tartanka
Cayaaraha Gobollada ee Khamiista ka furmay magaalada Burco.
“Isdhexgalka dhallinyarada waxa ugu weyn ee suurtegeliyaa waa
kulannada kala duwan ee cayaara a sida kuwa xulalka gobolladu isugu
yimaaddaan, taas ayaana u sabab ah in Shirkadaha Dahabshiil xil
dheeraad ah iska saaraan,” ayuu tilmaamay Cabdirashid MS Ducaale,
Maamulaha Guud ee Dahabs hiil Group.
Waxa Maamulaha Guud tibaaxay in cayaaraha la isugu yimaaddo, loona
wada ciyaaro si turxaan la’ ay qayb muuqata ka qaataan
isu-soo-dhowaanshaha deegaannada iyo kooxaha meelo kala durugsa n ka
kala yimaadda, sidoo kalena ay cayaartoyga ka dhex abuuraan is-barasho
iyo kalgacal qoto dheer oo aan dhayal lagu illaawin.
“Waxa aan Ilaahay uga rajaynayaa in tartankan ciyaaraha gobolladu
nabad ku bilaabmo, nabad ku dhammaado oo guul iyo gobannimo ku
tisqaado,” ayuu yidhi Mudane Cabdirashiid.
Waxa kale oo Maamulaha Guud muujiyey sida uu ugu faraxsana yahay in
shirkadaha Dahabshiil Gro up kaalin muuqata oo cuddoon kaga qayb
qaatay diyaargarowga iyo ka-midho-dhalinta himilada to olmoon ee
laga leyahay tartannada cayaaraha, sida kan gobollada.
“Si toos ah ayaa Shirkadda Isgaadhsiinta SOMTEL u lalinaysaa
xafladaha furitanka iyo kulanka laba da labada kooxood ee lagu
furayo iyada oo ay iska kaashanayaan baahintooda telefishannada
SLNTV, HCTV iyo Universal TV – taas oo noqonaysa markii u horreysey
ee taariikhda cayaaraha sidan oo kale ka suurtagasho. Sidoo kale,
cayaaraha kama-dambaysta ah iyo xafladda xidhitaanka ayaa si toos ah
loogu baahin doonaa daawadayaasha kala jooga daafaha dunida haddii
Eebbe yidha ahdo,” ayuu daahfuray Maamulaha Guud, mudane Cabdirashid.
Waxa bulshada ka qayb gashay furitaanka cayaaraha gobollada si weyn
indhahooda iyo dareenkood a soo jiitay soo dhoweyntadadweynaha rer
Burco muujiyeen iyo diyaar-garowga hagar la’aanta ah ee garoomada ka
muuqdey.
“In 26 sannadood ka dib Garoonkan bilicda san ee Alamzey Stadium
aannu gacan muuqata ku yeelan o dib-u-habayntiisa iyo diyaarintiisa,
waxa ay maamul, wakiil, macmiil iyo hawlwadeen ahaanba u tahay
shirkadaha Dahabshiil Group farxad aan la soo koobi karin oo aad u
taabanay dareenkayaga, siiba marka aannu aragnay sida bulshada oo
dhami u soo dhowaynayso qabsoomidda tartankan, uguna hanweyn tahay,”
ayuu yidhi Maamuluhu.
Tiraba laba jeer ayay shirkadaha Dahabshiil Group si mug leh uga
qayb qaateen dib-u-dhiska, kordhi nta iyo bilidda garoonka Alamzey
Stadium.
Shirkadaha Dahabshiil Group ayaa taariikhda ku galay inay safka u
horreeya mar walba ka muuqda an hawlgallada waxtarka u ah bulshada
oo ay ka midka yihiin adeegyada aasaasiga u ah koboca iyo horumarka
guud ee ummadeed ee ay ka midka yihiin dhiirrigelinta cayaaraha,
waxbarashada, caafim aadka iyo kaabayaasha dhaqaale, iyada oo ay ka
midka yihiin hawlaha shirakaddu hadda gacanta ku hayso dayactirka
iyo casriyaynta garoonka weyn ee Hargeisa Stadium.
Axmed Shaqalle
Timacade News Desk
Burco,Somaliland
|