Shirkadda China Horn Group oo maanta Bilaabaysa Dib u Dhiska Dbabada Diyaaradaha ee Madaarka Hargeysa iyo Madaxweynaha oo dhagax dhigay
 


Dhagax dhiga dhabada Diyaaradaha ee Cigaal International Airport ee Magaalada Hargeysa

Hargeysa(TNN)-Shirkada China Horn Group ayaa maanta si rasmiya u bilaabaysa dib u dhis b alaadhan oo lagu samaynayo Dhabada Diyaaradaha ee Madaarka caalamiga ah ee Cigaal Air port, kaasoo madaxweynaha Somaliland shalay dhagax dhigay Mashruuca dib loogu dhisayo oo ku kacaya lacag ka badan Afar Milyan iyo shan Boqol oo kun oo Dollar.

Dhagax dhiga dhabada Diyaaradaha ee Cigaal International Airport ee Magaalada Hargeysa oo munaasibad loogu sameeyay Barxada Diyaaraduhu ka dulaan ee Madaarka , waxa madax weynaha kala soo qayb galay xubno ka socda Golaha Wasiiradda Xukuumadiisa, Madaxda Sh irkada dhisaysa Run-way-gan iyo Shaqaalahooda oo u badan ajaanib iyo sidoo kale Maamulk a iyo shaqaalaha Madaarkaasi.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaaanyo ayaa markii uu dhagax dh iga sameeyay ka dib mahad naq u jeediyay Shirkada hawshan fulinaysa ee Horn Guop iyo da wlada Kuwait oo mashruucan Somaliland ka caawisay “waxaan ugu mahad naqayaa cidii ka q ayb qaadatay Dib u dhiska Garoonkan iyo dawlada Kuwait ee maal-gelinaysa, waxna inagala qabatay horumarinta Madaarka caasimada, waxaanan aad ugu faraxsanahay horumarka ba laadhan ee aan maanta ku arkay halka Garoonka, haday dhinaca Terminal-ka tahay iyo hadii ay Run-way-ga tahayba”.


sidoo kale wasiirka Wasaarada duulista hawada iyo Gaadiidka Cirka Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa haladka madaxweynaha ka hor sharaxaad ka bixiyay mashruucan lagu dhisayo gegida Diyaaradaha ee Hargeysa, taasoo sheegay inaan wax dib u dhis ah lagu samayn ilaa markii la dhisay oo ku beegnayd sanadii 1958 “madaxweyne Run-way’gan Magaadarka Hargeysa waxa la dhisay 1958-kii oo ahayd wakhtigii Ingiriisku dalka xukumayay, ilaa iyo wakhtigaana wax lagu daray ma jiraan, taasina waxay ku tusaysaa inaan Khayraadka iyo horumarinta wa danka si siman loo qaybsan markii dawladii siyaad bare dalka xukumaysay, markaa maanta ayaa dib u dhiskii ugu horeeyay lagu samaynayaa”ayuu yidhi.

Isagoo intasi ku daray “runway-gan waxa dhisaysa Shirkadda China Horn Group oo ay inag ala joogaan Injineeradii hawsha fulinayay iyo shaqaalaheediiba, waxaana ku baxaysa lacag afar Milyan iyo shan boqol ka badan oo ay inagu deeqday dawlada Kuwait, taasoo lagu day ac tirayo Madaarkan hargeysa iyo ka berbera”ayuu yidhi.


Geesta kale, C/risaaq Cumaani oo ah Mulkiilaha Shirkadda qaadatay Qandaraaska ku qaada tay fulinta mashruuca dib u dhiska Run-way-ga madaarka ayaa isaguna madaxweynaha iyo golihiisa wasiirada ee kala soo qayb galay Dhagax dhiga si weyn ugu mahad naqay, waxaanu cadeeyay inay hawshan ku dhamaystirayaan mudada loo cayimay ee ay qandaraaska ku qaateen.


Mr C/risaaq waxa uu sheegay inay kalsooni buuxda ka qabaan dhamaystirka hawshooda, ka na werwer qabin in wax caqabado ahi ka hor-yimaadaan “markii aanu qandaraaska ku guula ysanay ayaanu u hawl galnay sidii aanu u soo dhamaystiran lahayn dhamaan waxyaabihii gel ayay run-way-ga iyo shaqaalihii Farsamada, waxana farxad noo ah inaanu maanta bilaabay no hawshiisa, waxaana naga go’an inaanu ku dhamaystirno wakhtiga aanu qabsanay oo aanay nala dhaafin, intaana madaarku xidhnaan mayo ee waxan shaqaynaya qaybtaa kale oo diyaaradaha yar-yari ka soo degayaan”ayuu yidhi.


Dhinaca kale Eng. Raamij Haadi oo madaxa Kuwait Fun mashruucan u qaabilsan iyo La taliya ha Mashruucan ee dawlada Kuwait oo iyaguna ka soo qayb galay Xaflada dhagax dhiga ayaa dawlada Somaliland ku amaanay dhamaystirka mashruucan dawladoodu maal-gelisay, waxaanay xuseen inaanay deeqdani noqonayn tii ugu horaysay ee ka soo gaadha Kuwait Somaliland, hase yeeshee natiijada ay halkan kala noqdaan u bandhigayaan dawladood.
Labada Masuul ee dawlada Kuwait ka socdaa waxay sidoo kale madaxweynaha Somaliland soo gaadhsiiyeen amaan iyo bogaadin ay uga sideen madaxda dalkooda qaarkood, kuwaasoo bay yidhaahdeen la dhacsan horumarka ay Somaliland ku talaabsatay oo aan wax loo dhigaa jirin, marka dib loo eego marxaladihii ay soo martay.


sidoo kale Agaasimaha guud ee Wasaaradda Duulista ayaa sheegay inaanu madaarku xidhm ayn mudada ay socoto hawsha dib u dhisku, hase yeeshee laga wareejiyay diyaaradaha ta nkoodu ka culus yahay 20 TON, kuwaasoo inta hawshani socoto ka soo degi doona Madaarka diyaaradaha ee Berbera oo isna dhawaan dib u dhis caynkan oo kale ah lagu samayn doono.

Ka sakow Munaasibada dhagax dhiga ee Madaxweynaha Somaliland ka qayb galay, shirkada China Horn Group waxay halkaasi ku soo bandhigtay guud ahaan hawl-wadeenadeeda ka shaqayn doona mashruucan oo u badan Injineero u dhashay dalka Shiinaha, kuwaasoo tirad oodu kor u dhaafayso ilaa sodoomeeyo qof.

Sidoo kale waxa maadarka lagu diyaariyay guud ahaanba Gaadiidka kala gedisan ee ka qayb qaadanaya dhismaha run-way-ga cusub, gaar ahaan Baabuurta Ciida daabusha oo Calaama do u gaara lagu dhejiyay, kuwaasoo safaf dhaadheer la geliyay Kaamboolka madaarka.

Si kastaba ha ahaatee Dayactirka Madaarka diyaaradaha ee hargeysa lagu samaynayo dha badiisa diyaaradaha ayaa laga filayaa inuu noqdo mid kala meeqaam yeela Garoomada Caal amka, waxaana arintaasi wacad ku martay inay hir-gelinayso Shirkada China Horn Group oo tar-tan u gashay qandaraaska ay qaadatay.


Timacade News Desk