Shirkadda Dahabshiil ayaa xalay casho-sharaf laysku arkay u samaysay 340 Arday oo ka Qalinjabiyay Jaamacada Hargeisa


Hargeysa (Longlivesomaliland News)- Shirkadda Dahabshiil ayaa xalay casho shar af laysku arkay u samaysay 340 Ard ay oo ka mid ahaa dufcadii dorraad ka qallin-jebisay Kuliyaddaha kala duwan ee Jaamacadda Hargeysa, waxaanay maamulka shirkadda Dahabshiil u balanqaadeen mustaqbalka inay ardaydan qallinjebisay ka siinayso ahmiyadda ee koowaad ee fursadaha shaqo ee ay qaybaha kala duwan ee shirkadaas.

Xafladdan oo ay maamulka Dahabshiil iyo ardayda qallinjebisay kala qayb-galeen hoggaamiyeyaasha labada xisbi-mucaarid ee KULMIYE iyo UCID, Axmed Siillaanyo iyo Faysal Cali Waraabe, Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB, Jaamac Yaasiin Faarax, siyaasiyiin iyo marti-sharaf kale, ayaa halkaas waxaa khubado ka soo jeediyay masuuliyiinta shirkadda Dahabshiil iyo siyaasiyiinta ka qayb-galay.

Ugu horeyn waxaa halkaas ka hadlay Xasan Xiis oo ku hadlayay magaca shirkadda Dahabshiil, waxaanu hambalyo iyo bogaadin u soo jeediyay ardayda reer  Somali land ee dhammaysatay waxbarashada kala duwan ee heer Jaamacadeed, kuwaas oo uu sheegay inay ka kooban yihiin arday ka qallinjebisay ilaa toddoba  kuliyado od oo Jaamacadda Hargeysa ah, waxaanu xusay inay yihiin dufcadii ugu  ballaadh nay ee ka qallin-jebisa Jaamacadda Hargeysa, isagoo taas ku tilmaamay inay tahay guul u soo hoyatay Somaliland guud ahaan.

“Waxaan doonayaa inaan halkan mar kale kaga celiyo qodobo uu xafladii qallin-jebinta Ardaydan ka sheegay Maamulaha guud ee shirkadda Dahabshiil, Cabdi rashiid Maxamed Siciid, kuwaas oo ah; qodobka koowaad inay shirkadda  Daha bshiil sii wadayso guud ahaan taageeradii dhiirigelinta ahayd ee ay u fidin jirtay Jaamacadaha dalka oo dhan, gaar ahaan Jaamacadda Hargeysa. Qodobka labaad oo isna uu sheegay Cabdirashiid oo ay in waxbarasho jaamacadeed heer degree-ga ah ay siin doonaan ardayda gudaha dalka ee waxbarashada Jaamacadda qaadanaysa, taas oo tirada ay doonto ha noqotee aanu maamulka Jaamacadda ka wada hadli doono. Ta saddexaad oo iyana ah inaanu ka caawin doono  maam ulka Jaamacadda Hargeysa xafiisyadiisu inay u soo guuraan halkii markii hore loogu talo-galay, maadaama halka ay degan yihiin uu cidhiidhi ku yahay” ayuu yidhi Xasan Xiis oo ka mid ah masuuliyiinta shirkadda Dahabshiil.

Waxa isna halkaas ka hadlay gudoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Hargeysa, Mubaarik Ibraahim Aar, kaas oo si weyn ugu mahadnaqay shirkadda Dahabshiil gacanta ay ka geysato horumarka Jaamacadda Hargeysa, isla markaana waxa uu hamblyeeyay ardayda qallin-jebisay.

Gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa isaguna halkaas ka hadlay, waxaanu amaan u soo jeediyay shirkadda Dahabshiil oo uu sheegay in waxtar badan u leedahay isla markaana ay ka mid tahay shirkadaha markasta baahida loola tago, oo uu culays badan saaran yahay. “Annaguba markaanu yaabno waanu u tagnaa oo saymaha ayey naga saartaa, inkastoo dawladdu naga  badsa to qolodayada mucaaridka ah, markaa anigu u hambalyeyn maayo ee waan u ducaynayaa, waxaanan leeyahay shirkadda Dahabshiil halkaas haka sii  ballaadh ato shirkaddu,” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Gudoomiyaha UCID, waxa uu ku dheeraaday barnaamijka xisbigooda UCID ee  dhin aca waxbarashada ku aadan haddii tallada dalka ku guulaystaan, waxaanu  shee gay in waxbarashada siin doonaan ahmiyad weyn taas oo uu xusay inay u  qorsh aysan tahay inay 20% dhaqaalaha dalka geliyaan waxbarashada, caafimaadkana sidaas si le’eg 20%.

Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) oo isna halkaas khudbad ka jeediyay ayaa hambalyo iyo bogaadin u gaadhsiiyey ardayda qallinjebisay, waxaanu sidoo kale mahadnaq iyo amaan u jeediyay shirkadda Dahabshiil iyo dhammaan maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda Hargeysa, kuwaas oo uu ku ammaanay doorka ay ka qaateen inay Somaliland u soo baxaan jiil aqoon heer jaamacadeed haysta.

Axmed Siillaanyo waxa uu khudbadiisa uu xalay ka jeediyay xafladda  casho  shar afta shirkadda Dahabshiil u samaysay ardaydii ka qallin-jebisay Jaamacadda Har geysa ku soo hadal-qaaday tallaabadii ay xukuumaddu kula kacday dadweynaha reer Somaliland ee mudaharaadka taageerada ugu muujinayey axsaabta  Mucaa ridka, kaas oo ahaa kii ugu horeeyay ee ay taageerayaasha mucaaridku isugu soo baxaan iyagoo ku muujinaya dareenkooda ay kaga soo horjeedaan maamulka Riyaale iyo go’aamadii uu ku laalay natiijada diiwaangelinta codbixiyeyaasha, waxaanu gudoomiyaha KULMIYE dhaliil xoog leh ugu soo jeediyay masuuliyiinta xukuumaddu inay dadkii isu-soo-baxa nabadda ah samaynayey ay ka hor istaagto Fagaarayaashii ay masuuliyiintoodu kala hadli lahayd, isla markaana ay xadhig iyo cago-jugleyn kula kacday taageerayaasha xisbiyada mucaaridka ee gobolada dalka ee ka baxsan caasimadda Hargeysa.

Waxa isaguna halkaas ka hadlay Xoghayaha Guud ee xisbul-xaakimka UDUB, Jaa mac Yaasiin Faarax, kaas oo aad ugu dheeraaday faa’iidada iyo waxtarka ay  bul shada u leedahay aqoontu, isagoo hambalyeeyay ardayda jaamacadda Hargeysa ka qallinjebisay iyo maamulkeedaba, isla markaana si weyn ugu mahadnaqay  shi rkadda Dahabshiil, oo uu ku ammaanay kaalinta waxtarka leh ee ay ka qaadato dhiirigelinta iyo taaba-qaadka waxbarashada dalka.

 



Longlivesomaliland News Desk
Hargeisa Office Somaliland