Shirkadda Indha-deero oo guddoonsiisay Guddida Abaaraha Somaliland lacag dhan boqol kun oo Dolar($100,000)

 


Hargeysa (TNN) Guddoomiye ku-xigeenka Shirkadda Indha-deero Naasir Cabdi Cawada ayaa maant Qasriga Madaxtooyadda ku Guddoonsiiyay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici lacag dhan boqol kun oo Dollar($100,000), oo ay ugu deeqeen dadka reer miyiga ah ee ay abaaruhu saameeyeen.

Deeqdan ay Shirkadda Indha-deero ku wareejisay guddida Abaaraha ee Qaran waxay ka koobnayd konton kun oo Dollar ($50,000) oo kaash ah oo maanta lagu wareejiyay Madaxweyne ku-xigeenka oo ay wehelinayeen Culimo ka mid ah guddidaasi, halka kontonka kun ee kale ($50,000) Raashin ahaan ay Shirakadda Indha-deero ugu wareejinayso guddida Abaaraha ee Gobolka Tog-dheer.

Naasir Cabdi Cawad waxa kale oo uu sheegay inay shirkadoodu ku jirto hawl gal balaadhan oo ay B ooyadahoodu ugu dhamaaninayaan dadka reer miyiga ah ee haraadan biyo kale oo aan ku jirin  lac agta $100,000 ee Dolar ah, kaasoo ay shaqaalahoodu hadh iyo habeen ku gaalaa baxayaan meelaha ugu liita.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici oo ka hadlay munaasibadii lagu  guddoonsiin ayay Lacagtaas ayaa shirkadda Indha-deero uga mahadnaqay dedaalka xilkasnimada leh ee ay dad kooda baahan ugu gurmanayaan, waxaanu ka codsaday ganacsatada kale iyo bulshada reer somalil andba inay ku daydaan Shirkaddaasi.

Shirtkadda Indha-deero waxay ka mid tahay Shirkaddaha ugu waaweyn Somaliland dhinaca  Ganacsi ga, gaar ahaana waxay tahay shirkadda ugu weyn ee dhoofisa Xoolaha Nool, sidoo kale waxay tah ay shirkadaha ugu waaweyn ee soo dajisa raashinada kala duwan, taasoo u saamaxday inay gaad ho oo ay ka war hayso meel kasta oo uu joogo qof Somaaliyeen.

sidoo kale Shirkadda Indha-deero waxa ay leedahay Wershada Taydha burco
 

Source: Waaheen