Xogo Cusub: Shirkado Caalami Ah Oo Xukuumada Somalila nd U Wakiilatay Inaan La Marin-habaabin Dheefaha Shacabka Ee Heshiiska DP World

 

 


Hargeysa (TNN) :- Xogo cusub oo ku saabsan diyaarinta heshiiska maalgashiga ee shirkada DP W orld iyo xukuumada Somaliland dhowaan hordhaciisii ku kala saxeexdeen dalka Imaaraadka Carab t a ayaa shaaca ka qaaday in xukuumada Somaliland u wakiilatay shirkado caalami ah u metelaya an diyaarintiisa.


Xogo Cusub: Shirkado Caalami Ah Oo Xukuumada Somaliland U Wakiilatay Inaan La Marin-habaab in Dheefaha Shacabka Ee Heshiiska DP World. Magacyada 3 shirkadood, khibradooda iyo hawlaha loogu wakiishay(SLT-Hargeysa-) Xogo cusub oo ku saabsan diyaarinta heshiiska maalgashiga ee shirkada DP World iyo xukuumada Somaliland dhowaan hordhaciisii ku kala saxeexdeen dalka Ima araadka Carabta ayaa shaaca ka qaaday in xukuumada Somaliland u wakiilatay shirkado caalami ah u metelayaan diyaarintiisa.


Heshiis maalgashi gaadhaya afar boqol oo milyan dollar oo shirkada DP World ku maalgelinayso casriyeynta dekeda Berbera, lana saxeexatay xukuumada Somaliland bishii June is-afgarad hor dhac ah ayaa xogo cusub oo soo baxay sheegayaan in xukuumada Somaliland ugu xilsaaratay shirkado caalamiga ah inaanay heshiisyadaasi noqon kuwo lagu marin-habaabiyo dheefaha sha cabka uga soo bixi doona hirgelintiisa.

Shirkadahan oo tiradooda saddex tahay, isla markaana shaqooyin kala duwan ku takhasusay, ka na soo qabtay wadammada caalamka kuwa horumaray iyo soo korayaba ayaa la sheegay in Xuk uumadu u qabsatay inay shaqada u fuliyaan, isla markaana khidmada shaqadooda u dhamays tir tay.

Shirkadaha xukuumada Somaliland u wakiilatay inay u metelaan diyaarinta heshiiska maalgashiga dekeda Berbera ee dhexmaray shirkada DP World ayaa xogahu sheegayaan inay ugu horeyso shirkada Simmons & Simmons oo xarunteedu tahay Ingiriiska, kuna takhasustay dhinaca sharciy ada, oo u meteli doonta shacabka Somaliland sidii shuruuc tifatiran loogu qori lahaa heshiiska ma algashiga ee u dhexeeya DP World, isla markaana waafaqsan nidaamka heshiisyada caalamka.

Shirkada EY Building a better working world, oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska ayaa loo xil saa ray inay dhinaca dhaqaalaha heshiiskan dhinacyadu kala helayaan u metesho xukuumada, iyo ina an lagu daciifin saamiga shacabku ka helayaan faa’iidada heshiiskan iyo waxii la xidhiidha.
Shirkada NIRAS oo fadhigeedu yahay dalka Denmark ayaa sidoo kale la sheegayaa in xukuumada Somaliland uga wakiil tahay qaabka loo diyaarinayo heshiiska, maadama ay ku takhasustay ka talobixinta maamulka mashaariicda lagu horumarinayo wadamada caalamka.
Saddexdan shirkadood oo si weyn looga yaqaano caalamka, kuna takhhasusay dhinacyada xukuumada Somaliland u wakiilatay, sida hore iyo xilliganba in badan oo wadamada caalamku ugu wakiisheen, kuna metelaan heshiisyada dhexmaraya dhinacyo kale ayaa xogahu sheegayaan in loo dhamaystiray dhamaan khidmahihii shaqadooda, isla markaana la shaqeeyaan khubaro kaloo Somaliland u dhalatay mid walba.

Gebagebada dhamaystirka heshiiska maalgashi ee u dhexeeya shirkada DP World iyo xukuumada Somaliland ee casriyeynta iyo balaadhinta dekeda Berbera oo la saadaalinayaa in qalinka lagu du ugo saxeexadiisa horaanta bisha August, isla markaana la bilaabo dhimaha dekeda cusub oo dhe rerkeedu gaadhayo 400 mitir, oo lagu kordhinayo adeegyada dekeda Berbera, ayaa kaalinta shir kadahan xukuumadu u xilsaaratay la rajaynayaa inay ka soo baxo heshiis shacabka Somaliland ku qancaan.

Soo ifbaxa xogahan tilmaamaya shirkada caalamiga ee xukuumada Somaliland u xilsaaratay inay shacabka Somaliland u soo gooyaan heshiis dhinac walba aan luminayn faa’iidooyinkii laga heli lahaa, ayaa noqonaya mid kalsooni weyn ku sii kordhisa bulshada, oo intooda badan u dheg taa gayaan bilowga maalgashigii ugu badnaa abide e dalkoodu ka helo caalamka, dariiqana u furi doona maalgashiga kheyraadka dalkeenu ceegaaga.

Source : Somalilandtoday