Shirkado Ethiopia iyo Faransiiska Laga Leeyahay oo Harg eysa U Yimid Mashruuca Biyo Balaadhinta Hargeysa

 



Hargaysa (TNN):-Saraakiil ka socda shirkado ganacsi oo laga leeyahay dalalka Itoobiya iyo Faransiiska oo ka qaybqaadanaya mashruuca biyo-ballaadhinta caasimadda Hargeysa, ayaa booqasho ku yimi dalka.

Shirkadahan oo magacyadooda la kala yidhaa Awash Weldey & Feljas iyo Masson Contract ing Company oo ku guulaystay tartan loo galay qandaraaska biyo-gelinta magaalada Harg eysa ee mashruuca ay iska kaashanayaan Midowga Yurub iyo Sanduuqa Horumarinta Som aliland (SDF), ayaa bilaabaya hawsha qodista, xidh-dhidda beebka iyo dabka ee biyaha Gee d-deeble oo loo samaynayo hannaan cusub, kadib markii habkii hore ee Shiinuhu sameeyey ku filnaanwaayey dadweynaha caasimadda oo tiradoodu aad u badatay.

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Md. Ibraahim Siyaad Yoonis, ayaa ka warramay kulamo dhexmaray saraakiil ka socda shirkadahan booqashada ku yimi Hargeysa shalay.

“Waxaannu maanta (shalay) kulan ballaadhan ku yeelanay xafiiska Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa shirkadda ku guulaysatay qandaraaska biyo-gelinta caasimada Hargeysa (Main Construction Contract) oo ah qodista, xidh-xidhka beebka, dabka iyo farsamada mashruuc a oo ah qaybta ugu muhiimsan mashruuca biyo-ballaadhinta oo uu bar-bilow u ahaa, iyado o ay ka qaybgaleen madaxda Wakaaladda Biyaha, hay’adda UN Habitat, FITCHNER iyo shirk adda heshay qandaraaska oo ah Awash Weldey & Feljas iyo Masson Contracting Company oo ah laba shirkadood oo wadashaqeeya oo laga kala leeyahay dalalka Itoobiya iyo Farans iis,” ayuu yidhi Maareeye Ibraahim Siyaad oo qoraal kooban ku baahiyey barta uu ku leey ahay shabakadda dadweynuhu ku wada xidhiidho ee Facebook.

Waxaannu intaa ku daray, “Shirku wuxuu mid shaqo oo muddo dheer qaatay, annagoo so cod ku tagnay goobta ama xarunta la dhigay qalabka biyo-ballaadhinta, maadaama oo lagu wareejinaayey shirkadda oo qaadanaysa masuuliyadda goobta, isla markaana bilaabaysa shaqada qodista iyo xidh-xidhka dhuumaha iyo shaqada kale ee biyo-ballaadhinta uga xilsa aran tahay.”

Dhinaca kale, Guddiga hagta mashruucan biyaha oo ka kooban wasiirro, maayarka caasima dda iyo wakiillo ka kala tirsan hay’adaha maalgelinta iyo fulintiisa, ayaa kulan ay yeesheen kaga wadahadlay hawshan biyo-ballaadhinta.

Kulanka oo ka qabsoomay huteelka Maansoor habeenimadii Khamiistii, kana qaybgaleen Wasiirrada Wasaaradaha Biyaha iyo Qorshaynta Qaranka, Maayarka caasimadda, masuuli yiin ka kala socday Midowga Yurub, Sanduuqa Horumarinta Somaliland iyo hay’adda UN-HABITAT, waxa ka warbixiyey Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Ibraahim Siyaad Yoonis oo xubin ka ah, “Kulanka waxa lagaga dooday hawlaha qabsoomay ilaa hadda iyo hawlaha dhi man ee mashruuca biyo-ballaadhinta Hargeysa oo maraya meeshii ugu muhiisanayd, waxaa nnu ku soo dhammaaday guul iyo iyada oo lagu tallaabsaday labadii bilood ee ugu dambe eyay qodobo badan oo aad u mihiim ah,” ayuu yidhi Md. Ibraahim Siyaad Yoonis.
 


Xigasho:Jamuuriya