Shirkii Beesha Galbeedka iyo Woqooyiga Gabiley uga Socday deegaanka Ilma-dedo oo laga Soo gabo-gabeeyay iyo Nuxurka War-murtiyeed laga soo saaray.

 

 



Lataliya madaxwaynaha ee Arrimaha Siyaasada mudane Abiib Diiriye Nuur (Abiib-Tima-cadde)


Gabiley (TNN)- Shir Balaadhan oo Muddo Shan maalmood ah uga Socday Beesha Woqooyiga iyo Galbeedka Gabiley Deegaanka Ilmo-dedo ayaa maanta laga Soo saaray War murtiyeed ka kooban afar Qodob.

Xidhitaankii Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay La taliyaha Madaxwaynaha Arimaha Siyaasada Abiib Diiriye Nuur, Badhsaabka Gobolka Xuseen Cumar Magan (Subagle), Maayarka Magaalada Axmed Samir, Xildhibaan Bashiir Tukaale, Xoghayaha Dawlada hoose C/raxmaan Nuur Abokor, Suldaan Xuseen Aw Muuse Cirday, Cuqaal iyo Marti sharaf kale.DSCN7581

Furitaankii Shirkan oo uu hadal kooban ka jeediyay Caaqil Cali Cismaan Xuseen (Cali Atam) ayaa si kooban u sharaxay Nuruxka Qodobada ka soo baxay Shirkii beesha Woqooyiga Gabiley (Reer Xareed) oo Muddo shan maalmood ah lagu lafa gurayay Arimo la xidhiidha Danaha Beesha.

Caaqil cali oo War-murtiyeedkaasi ka akhriyay madasha ayaa waxa uu yidhi ”halkan waxaa ka socday shir wayne ay iskyugu yimaadeen beesha oo aad u balaadhan oo shan cisho ka socday oo ay maantu u dambayso markaa wuxuu soo saaray war murtiyeed ka kooban afar qodob, war murtiyeedkaasi wuxuu sheegayaa 1- wuxuu reer xareed ka shiray soo afjarida khilaafaadkii reerka ka dhex aloosnaa iyo midaynta danaha reerka. 2- wuxuu reerku samaystay gudiyo ka kooban cuqaal iyo indheer garad ka shaqeeya danaha reerka. 3- wuxuu reerku diyaar u yahay ilaalinta iyo difaaca jamuuriyada soomaaliland wuxuuna taageersanyahay xukuumadiisa sharafta mudan. 4- wuxuu reerku ku baaqayaa ilaalinta nabadgalyada guud iyo ta gaarba wuxuuna xuquuqdiisa ku raadsanayaa dariiqad nabadi ku dhisantahay waxa weeyi markaa afartaa qodob ayaa kazoo baxay shirkii waynaa ee beesha reer xareed”

Badhasaabka gobolka gabiley Xuseen Cumar Magan (Subagle) iyo Maayarka Degmada axmed muxumed qaalib (axmed Samir) oo iyaguna siwayn u taageeray qodobada kasoo baxay shirkaasi iyaga oo xusay in ay Xukuumad ahaan taageersanyihiin Shirkaasi oo si nabad galyo ah ku soo dhamaaday.

Lataliya madaxwaynaha ee Arrimaha Siyaasada Mudane Abiib Diiriye Nuur (Abiib-Tima-cadde) oo shirkaasi ka hadlay ayaa Isaguna ku dheeraaday waxyaabihii shirkaasi lagaga hadlayey una muujiyay beeshiisa taageero mug leh oo uu u hayo Shirkani Waxaana hadalladiisa ka mid ahaa “Waxay ila tahay Shirkan magiciisa iyo waxa uu qabanayo iyo wuxuu iskugu yimid waxa weeyi, Nin Ragiina waa ogyahay nacasna loo sheegi maayo, waxa weeyi Shirkani Shir lagaga hadlayay nabada Gobolka, wada-jirka beesha inay la noolaato walaalahooga ay jaarka yihiin ee dhinac walba inay hawshooda wixii gudohooga xallistaan oo hagaajistan inta laga wada hadlayay intaasuu ahaa Shirka macnihiisuna sidaa ayuu ahaa, wax kale oo laga hadlayay majirin wixii daneheedaa ee gudeheedaa inay hagaajisato iyo siday isku tari lahaayeen ama jaarka ula noolaan lahaayeen, waxa kale oo lagaga hadlayay gobolka xasaasiyad badanbaa ka tagnayd waxbaa ka dhacay runtii inay hagaajisato waxaa oo sidii ay u wada noolaan lahaayeen walaalahooda jaarkooda iyo gudohooda inta lagaga hadlayay intaasay ahayd ee wax kale oo lagaga hadlayay runtii may jirin tiina waa lasoo gaba gabeeyay”. Ayuu yidhi la taliyaha Madaxwaynaha ee Arrimaha Siyaasada Abiib Diiriye Nuur .


Abiib diiriye waxa kale oo uu intaasi ku daray “Waydinkaa maqlayay qodobada wanaagsan ee wax ku oolka ah ee Shirkaa laga soo saaray saddexda guddi ee la saaray intani horta gudigii bay ka joogaan 51ka ahayd dadka imika idiin muuqdaa waxa ay ka koobanyihiin 51kii xubnood ee reerku magacawday dadkii kale way iska tageen intani waa intii maalmahanba hawsha waday ee ku gudo-jirtay saddex guddi ayaa la magacaabay saddexdaa guddi mid waliba hawl u gaara ayuu qabanayaa haday tahay turxaan bixin, haday tahay dhaqaale, haday tahay magta iyo midaynta, maalintan maanta ah siday u noolaan lahayd beeshu guddiyo ayaa loo saaray guddiyadaasi imika wixii ka dambeeya ayay hawl galayaan waxa la tabayo ama waxa nin waloo caqli lihiba is leeyahay waar maxaa dhiman kuwa qabanayaa waa kuwaa horta, haday gudeheena tahay, haday jaarkeena tahay, haday nabada guud tahay, haday maalinkan manta ah wixii khaldan oo dhan tahay, kuwa hawsha wabanaya ee xalilaya ee loo doortay ee loo magacawday horta waa kuwaa”. Ayuu yidhi La taliyuhu


Abiib Diiriye mar uu sharaxaad ka bixinayey Aragtida Xukuumada Somaliland ka qaadatay Shirkani waxa uu yidhi: “Sida kale Anigu Dawlada ayaan ka wakiil ahay waxan ka tirsanahay madaxtooyada la taliyaha madaxwaynaha ee arimaha siyaasada ayaan ahay beeshan ka mid baan ahay, Dawladu way ogtahay shirkan waanay kawar hayaan runtii dee meelna nin khaldan ka waayi maysid ama nin si dadban wax u sheegay ka waayi maysid si dadbanbaa mararka qaarkood wax loo sheegay waase aynu hagaajinay oo waa loo sheegay wasiirka daakhiligu wuu la socdaa Duur wuu ogaa wuu ku farxay waana la ogolaaday in beeshu ay hagaajisato wixii danohoodaa iyo wixii maalinkan manta ah ka xun ay hagaajisato Nin wax ka qaba iyo Nin diidayaa midna majiro markay beeshu hagaagto ee ay toosto dawlada soomaaliland danbay u tahay gobolka danbay u tahay Qaranka danbay u tahay Wasiirada kale ee ay khusaysaa way ogyihiin macnaha waxa weeyi Shir la ogyahay oo laga war hayo oo lala socdo waxa lagaga hadlayo, Anigu saaka ayaan imid waan arkay intaaba way idinsoo salaamayeen hambalyay idiinsoo dirayeen way idinsoo guubaabinayeen waxaan idinkaga tagayaa aad iyo aad ayaan idiinku mahad naqaynaa intii soo abaabushay iyo inta kasoo qayb gashayba”. Ayuu ku soo gunaanaday hadalkiisa La taliyaha Madaxwaynaha ee Arrimaha Siyaasadu hadalkiisa.

Sidoo kale Waxaa iyaguna Madasha haddalo ka soo jeediyay Xildhibaan Bashiir Xuseen Tukaale oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada iyo Siyaasi Abiib Xasan Filfil oo iyaguna Soo dhaweeyay Qodobada ka soo baxay Shirkii Beeshooda iyada oo ku booriyay Beesha in lala shaqeeyo guddiyadaasi la saaray lana illaaliyo nabad galyada iyo Jiritaanka Qaranimada Somaliland.

Shirkani maaha kii ugu horeeyay ee Beeshu si wada jir ah u qabsato balse waxa jiray shirar kale oo Beeshu marar kale yeelatay.
 

 



Mustafe Future
Timacade News Desk
Gabiley ,Somaliland
mccfuture@hotmail.com