Shirkii
Golaha Wasiirada JSL ee Maanta iyo Waxyaabihii Lagaga Wada Hadlay
Shirkii Golaha Wasiirada oo uu
gudoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir
Rayaale Kaahin, ayaa maanta oo Isniin ah lagu qabtay xarunta
Madaxtooyada ee Magaalada Hargeysa.
Madaxweynuhu, waxa uu golaha uga waramay socdaalkii uu dhawaanta ku
tegay isaga iyo wefdigiisu wadamada dibada oo uu ka mid yahay dalka
Britain.
Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa golaha si qoto dheer uu uga
waramay kulamadii kala duwanaa ee uu la yeeshay Madaxda dawlada
Britain oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibada Mudane David
Milliband iyo madax kale oo ka tirsan Xukuumada UK.
Waxa Madaxweynuhu kulamadaasi ku tilmaamay qaar midho dhal ah oo aad
uga duwan kuwii hore ee ay la yeelan jireen dawlada UK, iyada oo
imika si weyn u danaynaysa dawlada UK in ay si weyn wax ula qabato
Jamhuuriyada Somaliland, haddii ay noqon lahayd mashaariicda
horumarinta iyo gooni isu taiga Qaranimadeeda.
Madaxweynuhu waxa kale oo uu soo qaaday kulamadii uu la yeeshay
Madaxda dawlada Itoobiya oo uu ka mid yahay Raysal Wasaare Meles
Zenawi, taasi oo ay ka wada hadleen arrimo badan oo khuseeya
Iskaashiga iyo wax wada qabsiga dhinacyada amniga iyho ganacsiga.
Waxa kale oo uu Madaxweynuhu iyadana soo qaaday kulankii uu la
yeeshay Madaxda Jabuuti oo uu hogaaminayay Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, taasi oo uu
sheegay in si diiran oo kalgacal ah loogu soo dhaweeyay intii ay
joogeen Jabuuti oo ay ka wada hadleen sidii ay u sii xoojin
lahaayeen xidhiidhka walaaltinimo ee labada dal.
Alla Mahad leh
Siciid Cadaani Mooge
|