Shirkii hogaanka sare ee xisbiga ucid iyo go'aamadii ka soo baxay.
JAMHUURIYADA SOMALILAND
REPUBLIC OF SOMALILAND



Xisbiga Caddaalada Iyo Daryeelka
UCID
Justice And Walfare Party
حزب العداله والرأفه
‘’THE RIGHTS WE ENJOY REFLECTS THE DUTIES WE OWE’’




14 ,November, 2009, Somaliland


Ujeeddo: Hadal Qoraal ah


Hargeysa (UCIDMEDIA)- Maantii ay bishu ahayd 10/11/2009 waxaa kulan isugu yimi hogaanka sare ee xisbiga UCID xarunta dhexe ee xisbiga ee  maga alada Hargeysa kulankaas oo lagu lafo guraya xalaada siyaasadeed ee  dalk u haatan marayo.

Ka Qaybgalyaasha Shirka:-

1. Gudoomiyaha Xisbiga Eng, Faysal Cali Waraabe

2. Musharaxa madaxweyne ku xigeenka Md Maxamed Rashiid Sh Xasan

3. Gudoomiye ku xigeenka 1aad Md Aadan Maxamed Mire Waqa

f 4. Gudoomiye ku xigeenka 2aad Md Axmed Xuseen Fagfagaash

5. Afheynka xisbiga Md Xasan Xuseen Maxmed (Codyare)


Gunaanadkii Shirka qodobada la isla-qaatay:-



A- Fadhigaas waxaa lagu go’aamiyay oo laysku raacay in todobaad kasta hogaanka sare kulan yeesho oo maalin kasta oo isniin ah sagaalka  subaxni mo (9:00Am), xarunta dhexe ku kulmaan.

B- Maamul-daadejinta iyo is qaabaynta degmooyinka waxa la go’aansaday in la dabaqo wixi guddigu soo diyaariyaan isniinta dambena laga hadlo oo la meelmariyo wixii dhimana lagu daro.

C- Jagooyinka jira (Existing positions) ee xisbiga in hawlwadeenadooda la
dardargeliyo, wixii dhimana la buuxiyo oo sidii loo wada jaanqaadi lahaa isla
isniinta dambe laga wada hadlo.

D- Khamiista galinka dambe in fadhi gaar ah lala yeesho Dr, maxamed  Cabdil aahi uurcade, isla sabtidana fadhi kaa la mid ah hogaanka sare oo uu ku jiro uurcade,xoghayha guudna loo yeedho si uu fadhigaa uga qaybgalo loo  sam eeyo baashe.

E- Dhameystirka baraanmijka waxqabad ee xisbiga iyo mareegaha wararka (Website) waxa loo xilsaaray Dr, Maxamed Rashiid.

F- Furitaanka xafiiska UCID ee Gobolka gebilay iyo xafladiisa waxaa laysku raacay
inta ka horeysa 19/11/2009 in la qabto.

G- Soo buuxinta xubnaha golaha dhexe iyo la jaanqaadkooda hawlaha  xisbi ga waxaa loo balamay fadhiga kan xiga oo ah isniinta soo socota.

H- Kobcinta dhaqaalaha xisbiga iyo waxa hadda taagan ee xisaab ah in la  h or keeno hogaanka sare ee xisbiga maalinta isniinta ee dambe.

I- Waxaa la go’aamiyay in casuumad casho ah loo fidiyo labada mudane oo taageerada xisbiga laf dhabar u ah oo kala ah:-

1. Md Cabdi Xuseen Diiriye (Canada)

2. Md C/laahi Xasan Fure (Qatar)

J- Waxaa la magacaabay oo xil loo dhiibay gabdhaha hoos ku qoran:-

1. Fadumo Cali Madar (xoghayha arrimaha debada ee xisbiga UCID)

2. Amina Cabdi Jamac (isu-duwaha xidhiidhka jaaliyadaha debeda ee xisbiga)

3. Shaqo qaybinta xubnaha sare ee hogaanka xisbiga UCID

4. Gudoomiyha ku xigeenka 1aad Aadan Maxamed Mire Waqaf

(isla markaana noqonaya xidhiidhiyaha gobolada iyo degmooyinka)

5. Gudoomiye ku xigeenka 2aad duuliye Axmed Xuseen Fagfagaash

Waxa si gaar ah loogu igmaday xidhiidhka amuuraha debeda.

6. Musharaxa madaxweyne ku xigeenka Dr, Maxamed Rashiid Sh Xasan Guuleed

waxaa hoos iman doona hagida iyo xidhiidhka hawlaha saxaafada ama warbaahinta oo idil.

7. Gudoomiye ku xigeenka 3aad Md xasan Xuseen Maxamed.

waxaa loo igmaday arrimaha maamulka iyo maaliyadda xisbiga UCID.

8. Xoghayaha waxaa loo doortay C/Naasir Yusuf cismaan xiliyada shirarka.

9. labada xubnood ee komishinka tababarka u raacaya isla markaana wixii arrimaha siyaasada xisbiga kala shaqaynaya komishanka qaranka waa xubnaha hoos ku qoran.

I. Aadan Maxamed Mire Waqaf.

II. Xasan Xuseen Maxamed (Codyare).

10. Md C/laahi Siciid Ismaaciil (Dheere) wuxuu ahaanaya jagadiisii hore (task
force-ka) oo

Wakiil uga ah xisbiga dhinaca komishanka.

Alla Mahad Leh

Gudoomiyaha Xisbiga UCID

Eng, Faysal Cali Waraabe


Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka UCID
Justice and Welfare Party UCID
حزب العداله والرأفة

 


Ucid media
Hargeys, Somaliland