SHIRKII KULMIYE EE MAGAALADA BRISTOL


 



Bristol,UK  (TNN)-Waxa shalay oo bisha December ahayd todoba iyo toban ( 17-12-11 ) magaala d a Bristol ku qabsoomay shirweyne ay isagu yimaadeen dhamaan gudida fulinta iyo toban laa mood oo xisbiga Kulmiye ku leehaya wadankan UK iyo waliba ragga iyo dumarka bud dhigga u ah xisbi g a Kulmiye ee UK. Waxaa kale oo shirkaa ka soo qayb galay madax ka tirsan xukuumadda Soma liland oo ay ka mid ahaayeen; Badhasaabka gobalka maroodi jeex Axmed Cumar Xaaji C/llaahi ( Xamarje ), Lataliaya arimaha dhaqaalaha ee madaxweynaha JSL, Axmed Xasan Caro, La taliyah a madaxweyne kuxigeenka JSL Cismaan Saciid Jaamac, Agaasimaha guud ee wasaaradda dibu d ejinta Axmed Cilmi Barre, kuwaasoo dhamaantood ka soo qalinjebiyey xisbiga Kulmiye.



Waxaa shirka aayado quraan ah iyo wacyi diiniya ku furay Axmed Faarax Cadarre ( Gees ) oo kana mid ahaa gudida fulinta ee kulmiye UK, intaa ka dibna waxaa shirka qudbad soo dhaweyn iyo mahadnaq isagu jirta ka jeediyey gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka laanta Bristol X useen Axmed Caydiid iyo Max'd Xaashi Bacado. Xasan Cali Weyd oo ahaa Gudoomiyaha qaban qaabada shirkan, ayaa isaguna halkaa ka soo jeediyey khudbad dheer oo uu kaga warramayo sababihii dheliyey shirkan iyo ujeedada laga leeyahay. Xasan Cali Weyd wuxuu sheegay, in tan iyo mudadii uu xisbigu guusha laxaadka leh ka soo hooyey doorashadii uu ku guulaystay madax weyne Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaano ) aanu xisbigu isagu iman shirarkiisii joogtada haa iyo hawl maalmeedkii xisbiga, sidaa la ajligeedna ay shirkan u qabteen, sidii loo dar-dar gelin la haa hawlaha xisbiga ee UK.



Intii aan la guda gelin ajandahii shirka waxaa halkaa qudbado ka soo jeediyey Duqayda bud dhi gga u ah xisbiga Kulmiye, madaxda Kulmiye UK, madaxda laamaha Kulmiye UK, garabka haween ka Kulmiye UK, garabka dhalinyarada Kulmiye UK iyo madaxdii ka tirsanayd xukuumadda madax weyne Siilaanyo oo dhamaantood hawlo shaqo u jooga wadankan UK.



Qudbadahaa madaxda ka dib waxaa la guda galay ajandihii shirka, kaasoo qodobka ugu weyni uu ahaa sidii loo qaban lahaa shirweynihii xisbiga Kulmiye, kaasoo labadii sannaba mar lagu soo doorto gudida fulinta ee Kulmiye UK.

Dood dheer iyo falanqayn ka dib waxaa laysku raacay in madashan laga xulo, xubno soo magac aaba gudida qaban-qaabada shirweynaha Kulmiye Uk, waxaana halkaa lagu soo xulay xubno dhawr iyo labaatan ah oo noqon doona gudida qaban qaabada shirweynaha xisbiga Kulmiye ee Uk, shirkaasoo ku qabsoomi doona haddii Eebe raali ka noqdo mudo sodon dharaarood ah oo ka bilaabmaya marka ugu horaysa ee gudidaasi isu timaado.

 

 

Abdirizak Ibrahim Koshin ( Alpha ).
Timacade News Desk
Bristol,UK