Shirkii London Oo Dhamaaday Lana Go'aamiyay In Somalila nd Iyo Somaliya Wadda Hadlaan Iyo Go’aamo Kalle

 



Go’aamadda hordhaca ah ee shabakadda Timacade News helayso ayaa waxa ka mid ah in in beesha caalamku ay aqoonsan tahay wadda hadal kasta oo dhex mara Somaliland iyo somaliy a...



London (TNN)- Shirkii ka socey magaaladda London ayaa la soo gabagabeeyay waxana laga soo saaray 26 Qodob oo kalla duwan, kuwaas oo ay intuba ku taxaluuqeen sidii xal waara lagu helli lahaa dalka Somaliya ee Dagaaladda iyo Colaadu aafeyeen.



Go’aamadda hordhaca ah ee shabakadda Timacacde News helayso ayaa waxa ka mid ah in In beesha caalamku ay aqoonsan tahay wadda hadal kasta oo dhex mara Somaliland iyo somaliya, waxana ay sheegeen in ay haboon tahay in somaliya iyo Somaliland ay wadda hadlaan si ay mu staqabalkoodda iyo aayahoodda uga wadda tashadaan, waxana uu qodobkani daaha ka rogaya a in beesha caalamku aqoonsan doonto go’aan kasta oo ka soo baxa wadda hadalka Somaliland iyo Somaliya, waxana ay sheegeen in dawladda loo soo dhisi doono somaliya Bisha Ogost ee Sanadkan loo baahan yahay in ay la hadasjho Dawladda Somaliland isla markaana ay ka wadda xaajoodaan go’aamadda iyo Mustaqabla Labadda Dawldood.

Sidoo kalle Qodobadda laga wadda hadlay ayaa waxa ka mid ahaa in Beesha Caalamku ay xoog u la shaqeeyso talaabona laga qaado cid kasta oo curyaaminsa Xasiloonidda iyo Horumarka S omaliya, Sidii loo Dalka SOmaliya loogu sameyn lahaa guddii dhaqaalle, oo uruurisa dhaqaalaha si goobta loga saaro arimaha Musuqmaasu ee rakaadiyay dalka Somaliya, Sidii loo xoojin lahaa amaanka si loo cidhibtiro Agigixisadda iyo Budhcad badeedka, in la dardar galiyo hashiisyaddii ka dhacay Jabuuri iyo Garoowe, in la qabto kulan danbe kaas oo lagaga arinsanyo somaliya, shir kaas oo la sheegay in uu ka dhacayo Dalka Turkey gaar ahaan caasimadiisa Istanbul iyo arimo kalle.
 

 

 

 

 

 

 

 



Timaacce News Desk
London, UK