Shirkii Nabadaynta ahayd ee ka socday Deegaanka godaalo oo ku soo dhamaaday Guul iyo go'amadii ka soo baxay

 

Go'aallo (TNN)-Sida la wada ogsoon yahay waxaa in dhoweyd mudo dhowr todobaad ah ka socday degamada Go'aalo dhex-dhexaadin u dhexaysay beelaha Taleex iyo Sarmaanyo,taas oo lau soo af jarayay lana donayay in lagaga gaaro xal wara iyo wada hadal nabadeed Gacan ka hadalki ka dhac ay Soolka .. ee ay ku dhin teen laba nin dhawr kalana ku dhawaacmeen...

Hadaba si loo xaliyo arinta waxa ay shacabka degaanka godaalo u guntadeen in arintaasi aanay intii hore u dhacday mahane wax kale ka daba tagin ee ay nabad ku dhamaato, la isna soo hor fadhiisyo beelaha wada dhashay ee dhibtu kala gaadhay....

Sidii aan hore u soo sheegnay wax garaad badan oo ka soo gurmaday Deeganada Goda'alo, Xudun, Awrboogays, iyo Gorofleey ayaa arintaa u guntuday in ay dhexda u xidhan isla markaan  dhexdhex aadiyaan , iyadoo gogosha ay dhigeen reer godaalo, isla markaana waxaa halkaa isuguyimi boqolaal cidan iyo shacab ah iyo wax garad ah , ka dibna waxa la go'aamiyay in la is hor fadhiisiyo labada  be elood lana wada hadalsiiyo iyadoo loo qabtay Gudi aad u adag o dhamaan ahaa sama ka talis..

waxa Gudiga dhex-dhexaadintu isi soo hor fadhisyeen labadii beelood ,, iyadoo mid walba ay xubno u hadleen, ayaa gartu ahayd gar aad u culus una adag , taso oo mesha waxa ka dhacay ama lagu  wa da hadlay aan qoraal lagu koobi karin.

Hadaba iyadoo go'amdii halkaa soo baxay la dheehday in ay ahayeen kuwo aad u adag ayaa dadkii goob joogayasha ahaa waxa isku raceen in arintan cidoo goob joog ahayd aanay la yabin ee ay  ta hay arin sahlan marka loo eego hanti iyo mag iyo xukun saas ah , iyadoo mesha ay taalo naf la dilay iyo tii wax dishay oo aan la hayn ... hadaan soo koobo sidii wax u dheceen,,,

Beesha Reer taleex oo ahayd dhibanaha ayaa qabsatay kuna dacwiday qodoba aad u culus .. ay ka mid ahaayeen,..

1- In loo soo gacan geliyo Dhamaan Ciidankii gaystay falka ..... isla markaana aanay ka taansulayn qodobkaa ila ragii Gacanta lo soo geliyo....

2- In ciidanku ka baxay Saraamyo oo garaadkii joogo sida darteed taasina ay tahay talo in lagu dilay raga

3- In ciidanka baaburta ay wateen mid ka mida uu darawal ka ahaa wiil ina garaad ahi... taasina sii cuslaysay Garta/....iyo qodobo kale oo badan .

Dhan kale beesha reer Sarmaayo ayaa eedaymahaa kaga jawaabay si hufan ,,, iyagoo ku jawabay....

1- In ay ka garabayaan kana tacsiyadaynayana falki dhacay

2- waxayna bixiyeen duugtii dadka dhintay

3- In ay diyaar u yihiin wax kastoo ay walaalahood raali ku noqnayaan.

4- In ciidan falka gaystay ahaa cidan badan oo gadhaya ilaa 26 xubnood oo anay keeni karin , hadii ay doonaana ay ka baqayana in khasaare kale dhaco ,, sida darteed loogu badalo xukun oo laga  da ayo in ay doonaan oo soo qab qabtaan cidankaa hubaysan,

Arintu markay halkaa maraysay ayaa taladi waxa la wareegay Gudigii dhex dhexaadinta kuwas oo qolada reer taleex ka tuuray in qodobki ay aad ugu dheganayeen ee ahaa in ragii loo keeno,isla  mar kaana qolaadana reer sarmaanyo ugu badal Ganaax adag .....

Gudigu waxa ay xukumeen:


1- in labada nine e dhintay beesha sarmaanyo ka bixiso midba 120 halaad oo geel ah iyo midkiibaa $20.000( Dollar) iyo waliba mid walba gabadh....
xukunkaas oo labada dhinacba qateen waxaa hadaba xukunkaa waxaa labada dhinac uga hadalay qolo walba dhinaceeda in ay ku qanceen saxeexna laga qaaday Labada qolo Ragaaso kala aha Sidan:


Degmada Taleex...Taleex raga ay ka mid yahiin:

1-Gudmiyaha Degmada Taleex C/qaadir bayan koore

2- Caaqil shiine X Cali

3- Saalax Aw Cali shire

4-Abdi Cali Xaaji Diiriye

5-Cabdi salaan muuse deri

6- taleexi

Dhanka Sarmaanyo rag ay ka mid ahaayeen:.

1- Garaadka oo goob joog ahaa

2- Caqilka Ina Gaabay

3-Cabdi Garaad

4-Cawil cabdi cali(afdheere)


iyadoo meeshu ay taalay culays wayn ayna tan oo kale hore u soomartay , kuwas oo shegay in  ha da ka hor ay jirtay xeer o hore deeganka uga dhacay ka dib marki nin la dilay loo qabsaday laba nin in ay gesteen kuwas oo midkiba lagu ganaaxay 1500$ , sida awgeed iyadoo la tix racayo ayaa 26-ka nin ee ay shegteen in falka ay gaysteen reer sarmaayo lagu xukumay midkiiba 1500$ (Dollar), ma sahlana in la keeno 26 nin mana sahlana in la yiraahdo xer jiray raaci mayno,, mana sahlana in  dhiba nihii la yiraahdo waxba kama aanu soo qadin ,, sida awgeed haday joogto hanti intaa dhan in lagu ganaaxo midkiiba 1500$ (dollar) 26 nin oo wax dilay waa wax loo qateen ah...


Sidoo kale waxa iyadana God aalo lagu xaliyey arin kale oo u dhexeyasay Beelaha Saraamnyo iyo  c aroolay taas oo ku saabsanayd nin hore looga dilay beesha sarmaanyo isla markaana loo xiray nin loo tuhunsanaa dilkisa kaas oo ku xirnaa BOOSASO,taas oo ay Besha caroolay bixisay duugtii kuna qirteen in ay qabaan isla markaan la isla ogolaaday in la soo daayo kan ku xidhan Booasao.
 



Cabdiraxmaan Cabdisamed Axmed(Ciise yare)
Timacade News Desk
Lasanod office
Qanciye_ciise@hotmail.com