Shirweynaha Beesha Gobolka Saaxil Oo la shaaciyay wakhtiga la qabanayo iyo magacyada Guddida qabanqaabadda
 


Hargeysa (TNN)- Guddida qabanqaabada shirweynaha beesha gobolka Saaxil (Ciise Muu se), ayaa shaaciyay wakhtiga uu dhacayo shirweyne beeshaasi hore u iclaamisay inay ku qabsan doonaan deegaanka Dubur ee gobolka Saaxil.



War-saxaafadeed ay maanta soo saareen Guddida qabanqaabadda oo uu ku saxeexan ya hay Guddoomiyaha Guddida qabanqaabada shirka Suleymaan Jaamac Jibriil (Saleebaan M ijir), ayuu lagu sheegay in shirkaasi 29-ka September ku qaqbsoomi doono deegaanka Du bur, kaasoo ujeedadiisu loogu magac-daray ‘Dan iyo Duco’.



War-saxaafadeedkaas oo dhammaystirani waxa uu u dhignaa sidan; “Haddii aanu nahay Guddida qabanqaabada shirweynaha Beesha Ciise Muuse ee gobolka Saaxil iyo salaadiinta beesha waxaannu ogeysiinaynaa, gaar ahaan ergooyinka ka qaybgeli doona shirka, in shirka Beesha ciise Muuse oo loogu magacdaray ‘dan iyo duco’ ka furmo foono magaalada Dubur ee degmada Sheekh, maalinta khammiista ee 1da Dul Qacda 1432, oo ku beegan 29-ka September 2011.


Shirka dulucdiisu waxay salka ku haysaa waa horumarka dadka iyo deegaanka gobolka Saaxil .”



Magacyada Sallaadiinta


1. Suldaanka Guud, Cusmaan Suldaan Cali Kooshin
2. Suldaan Maxamuud Suldaan Axmed Sheekh
3. Suldaan, Shariif Batuun
4. Boqor Xasan Maxamed Siciid (Ammare)
5. Suldaan Maxamed Muxumed Xandulle
6. Suldaan Sayid Aw Jaamac Warsamme
7. Suldaan Cismaan Aw Ibraahin

Guddida Qabanqaabadda


1. Suleymaan Jaamac Jibriil (Saleebaan Mijir) Guddoomiye
2. Maxamed Cabdillaahi Mirre (Guddoomiye-xigeen)
3. Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble (Xoghaye)
4. Muuse Xirsi Abokor
5. Chief caaqil, Axmed Caaqil yare
6. Maxamed Jaamac Gaaxnuug
7. Cabdillaahi Ismaaciil Diiriye
8. Jaamac Rooble Xirsi
9. Maxamed Said Cawaale
10. Muuse Daa’uud Cilmi
11. Maxamuud Xaaji Aadan
12. Cabdillaahi Jaamac
13. Sidiiq Geliixe

 



Source: Berberanews.com