Shirweynaha Beesha Sacad Muuse oo si Rasmi ah uga Fu rmay Degaanka Agabar iyo Qodobada Ajandaha u ah

 


Nuxurka khudbaddii furitaanka shirka ee Suldaanka Guud ee beelaha Subeer Awal ......


Agabar, 23 september 2013, (TNN):- Shirweynaha dhaqan oo ay leedahay beesha degta Waqoo yiga, Galbeedka iyo Oogada caasimadda Somaliland ee Hargeysa (Sacad Muuse), a yaa si rasmi ah maanta uga furmay degmada Agabar ee Gobolka Gabilay kadib markii dhaw aan laga heshiiyey kh ilaafyo dhawr jeer dib-u-dhac ku sababay.

.Shirweynahan oo ka dhacaya goob ballaadhan oo ka kooban ilaa 500 miter isku wareeg a h oo ka kooban hoolka shirka, meelo loogu talogalay in lagu cunteeyo, kuwo fadhiyada xill iyada nasasha da ergooyinka loogu talogalay, qaar la seexdo, musqulo iyo goobo maydhas ho, kuwaas oo loo k ala habeeyey qaabab casri ah, waxa ka qaybgalaya ergooyin tiradood a lagu sheegay 700 qof oo kala matalaya beelaha Sacad Muuse, kuwaas saddex maalmood oo uu socon doono ku falanqayn doona ajande madasha lagu soo bandhigay.

.Shirweynaha oo uu furay Suldaanka guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Sul. Ca bdirax maan Sul. Cabdillaahi, waxa xafladda loo sameeyey ka qaybgalay guddiga shirka ha gaysa, salaa diinta beesha, guddiyo mus-dambeed u ahaa qabashada shirweynaha, cuqaal iyo ergooyinka ka qaybgalaya.

.Ugaas Ibraahim Axmed Kaahin oo degaankiisa shirku ka dhacayo iyo Suldaan Jaamac Cism aan, a yaa hadallo soo dhawayn iyo duco ah ka jeediyey furitaankii shirka, iyagoo sheegay in shirkan oo ay si buuxda ugu midaysan yihiin beelaha oo dhami uu taariikh cusub u unkay o beeshooda, isla m arkaana meesha ka saaray xantii ahayd in aanay shiri karin. Waxaana y ergooyinka iyo shir gudd oonka shirka hagayaba ugu baaqeen in natiijo midho-dhal ahi k a soo baxdo.

.Suldaanka guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Sul. Cabdiraxmaan Sul. Cabdillaahi oo sh irweynaha ka jeediyey khudbad dheer oo uu ku furay, ayaa sheegay in ay maalin wa yn u tahay beeshiisa oo ay uga wayn yihiin oo keliya maalmaha Ciidaha diinta Islaamka iyo maalinta Qaranim ada Somaliland, waxaannu mahadceli ballaadhan u jeediyey Alle (SC), cid kasta oo door muhiim ah ka soo qaad oo ay ugu horreeyaan guddi ganacsto reerka ka tirs an oo isku xilqaamay xallinta khilaafkii hore.

.“Aniga oo ku hadlaaya magaca saldannada guud ee faca wayn leh ee karaamadiina xamba arsan ee beelwaynta degta inta u dhaxaysa Bisiqa ilaa Banka Qaydar ama Xarshin ilaa Xee b ama Subu laha ilaa Saaxil, haddii aan si kale u dhigana degan mandaqada saddexda wadd an ee ugu qiimaha badan Geeska Afrika oo kala ah Somaliland, Jabuuti iyo Itoobiya, waxaa n halkan uga soo kacay doorka ugu muhiimsan ee dhaqan ee aad iga sugayseen, waafaqsa na sooyaalka taariikhda saldannada guud iyo sida dhaqanku yahay maanta oo taariikhdu tahay 23/09/2013, waafaqsana 18-ka bisha Dulqacida ee sannadka 1434 si rasmi ah ayuu shirku inoogu furan yahay, waxaanan ku furayaa maskax iyo qalbi furan, farxad iyo Qur’a anka Cadadkiisa,” ayuu yidhi Suldaan Xasan.

.Waxa kale oo Suldaanku kula dardaarmay beeshiisa inay xoojiyaan midnimada, wax-istar ka, is-ogaanshaha dhexooda, horumarinta dad iyo duunyaba, ilaalinta qaranimada dalkoo da iyo xoojin ta walaalnimada beelaha kale ee ay derisyada yihiin ama wada nool yihiin.

.Guddoomiyaha Shirguddoonka shirweynaha Sheekh Almis Yaxye Xaaji Ibraahim oo ka hadl ay m adasha ayaa sheegay in shirkani ku salaysan yahay in beeshu ka tashado wixii if iyo aakhiraba u dan ah, taas oo aan cidna lagu cabudhinayn, isla markaana aan cidna xaq ay leeyihiin lagu duud siyeyn, xaq beeshu leedanahay ay ku raadsanayso.

.Sheekh Almis waxa uu halkaasi ku soo bandhigay qodobada uu ka koobnaan doono ajanda ha shi rweynaha beesha Sacad Muuse, kaas oo ka kooban shan qodob oo kala ah; warbixin no, soo jee dimo iyo fikrado is dhaafsi ergooyinku xaaladaha dad iyo duunyaba ee degaan nada ay ka kala yi maadeen, adkaynta midnimada iyo wadajirka beesha, adkaynta iskaash ga iyo wax-wadaqabsiga beesha, xoojinta ku dhaqanka diinta Islaamka iyo dhaqanka suu bban iyo daryeelka iyo horumarin ta degaannada beesha.

Waxa kaloo furitaankii shirka beesha ka hadlay salaadiinta kala ah Suldaan Ismaaciil Sul. C abdiraxmaan, Suldaan Axmed Nuur Samaale iyo Suldaan Xuseen Ismaaciil Geelle, Maxamed Cabdi Ismaa ciil (Digtoorka) iyo Guddoomiye-ku-xigeenka shirguddoonka shirka Chief Caaqil Cabdiraxmaan Xa san Xoorre, kuwaas oo dhammaantood farxad ku tilmaamay qabsoomida shirka beeshooda, una mahadceliyey Ilaahay iyo cid kasta oo gacan ka gaysatay.

 

 


Timacade News Desk
Agabar,Somaliland