Shirweynihii 1aad Ee Urur Siyaasadeedka Dalsan Oo Maan ta Ka Furmay Magaalada Hargeisa iyo Gudidda Qaban Qaabada oo la doortay.



Guddoomiyaha Ururka Dalsan horena u ahaa guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee ururkaasi Ismaaciil Aadan Cismaan .............Daawo Sawiradda


Hargaysa(TNN) Urur siyaasadeedka Dalsan ayaa Maanta Shir-weynihii ugu horeeyey ku qabs aday Hotelka Crown ee Magaalada Hargaysa.

Shir Wayanahaasi oo ay ka soo Soo Qaybgaleen Ergooyinka Goboladda ee Ururka, Afhayeenk a Gudida Diiwaan galinta Ururadda Siyaasada, Salaadiin, Cuqaal, Aqoonyahanno iyo Marti Sh araf kale oo tiro badan.

Jaamac Barre Cilmi oo ahaa Afhayeenka Guddida Qaban qaabada Shirka oo Furay haddalka ayaa ka Warbixiyay Aasaaskii ururka Dalkasan iyo Wakhtiyadii lagu Dhawaaqay isaga oo Si Faahfaahsan u sharaxay Waxyaabaha u qabsoomay Ururka Dalsan intii uu jiray Sheegayna in Shirkani yahay kii koowaad ee ururku yeesho marka laga reebi kii lagaga dhawaaqay

Waxa Kale oo halkaasi ka hadlay ka hor intii aan loo dooran jagada xoghayaha ururka Dalsan Maxamed Cali Yuusuf ayaa isna geestiisa ka waramay Maraaxilkii uu soo maray Ururku isagoo sheegay in uu ahaa ururkii ugu horeeyey ee is diwaangaliya, gobolada dalka oo dhana uu ka furtay xafiisyo.


waxa kale oo halkaasi ka hadlay Guddoomiye ku xiggeenka koowaada ee ururkaasi oo ka hor intii aan loo dooran jagadaasi ka hadlay shirweynaha Sacad Sh. C/raxmaan qaadi waxaana uu xusay in aan ururka dalsan ahayn urur dhawaan la aas-aasay balse laga soo shaqayna yey ,saddexdii sanno ee ugu dambeeyey isagoo dhinaca kalena u mahadnaqay ka soo qayb-galayaashii shirweynaha iyo xukumada Somaliland .

Guddoomiyaha Ururka Dalsan horena u ahaa guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee ururkaasi Ismaaciil Aadan Cismaan oo ka hor intii aan loo dooran guddoomiyaha rasmiga ah ee ururka dalsan hadal ka jeediyey shir-weynaha ururkaasi ayaa waxa u mahadnaqay ergooyinkii ka soo qayb-galay shir-weynaha koowaad ee ururka dalsan, waxa geesta kale uu wax lagu far xo ku tilmaamay sida ay guddida diiwaan-galinta Ururada siyaasada iyo Ansixinta Asxaabta qaran ay uga soo dhalaaleen hawlihii loo xilsaaray , teeda kale oo uu mahadnaq aad u balaad han u soo jeediyey Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo xukumadiisa oo uu sheegay in ay ahaayeen kuwii hormood ka ahaa in la furo ururada siy aasada iyagoo ka duulaya xuquuqda uu qofka muwaadinka ahi u leeyahay in la doorto waxna uu doorto

Shir-weynaha ayaa waxa laga dhex doortay guddida shir-guddoonka shirweynaha ururka oo ka kooban shan xubnood waxaana ay bilowgiiba guddo galeen ansixinta iyo meel marinta das tuurka ururka oo ergadii shir-weynaha ku suqnayd ay duuduub ku Ogolaadeen


Intaasi ka dib waxa la guddo galay doorashada hogaanka urur siyaasadeedka Dalsan waxaa na ugu dambayntii Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka loo doortay in uu ahaado Ismaaciil Aa dan Cismaan halka guddoomiye ku xiggeenka Koowaadna loo doortay Sacad C/raxmaan Qaa di , Guddoomiye ku xiggeenka Labaadna waxa loo doortay C/casiis Cali Jaamac , Halka Sidoo kalena Xoghayaha Guud ee Ururka Dalsan loo doortay Maxamed Yuusuf Cali dhamaanba Xub nahaasi loo doortay hogaanka Urur Siyaasadeedka Dalsan waxa si Dhamaystiran ku ogolaa day ergadii shirweynaha .


Waxa kale oo intii uu shirweynaha ururka dalsan socday laga akhriyey dastuurka Ururka ka as oo ay saldhig u tahay ilaalinta Midnimada Shacabka Somaliland iyo Horumarinta adeegya da kala duwan ee bulshada Somaliland u baahan yihiin .
Shirweynahan Urur Siyaasadeedka Dalsan ayaa maalinta bariya la soo gabagabayn doonaa .
Wajiga Hore ee Shirweynaha Ururka Dalsan ayaa ku dhamaaday Jawi aad u qurux badan .

 



Timacade News Desk
Hargeisa Somaliland