Shirweynihii guud ee ururka samafalka ah GARDO oo kadhacay Bariga London

 

 



Malintii Sabtida ee taariikhdu ahayd 17/11/2012 ayaa waxa bariga magaalada London lagu qabt ey shirweynihii GARDO kaasi oo lagu doortay gudoomiye iyo .... DAAWO SAWIRADA




London (TNN)_Malintii Sabtida ee taariikhdu ahayd 17/11/2012 ayaa waxa bariga magaalada London lagu qabtey shirweynihii GARDO kaasi oo lagu doortay gudoomiye iyo guddi cusub. Shirkan oo runtii ahaa mid mudo la naawileyey ayaa wuxuu ahaa mid si fiican loo soo abaabulay waxana munaasibadu ahayd mid ay isku arkeen culimo. Aqoonyahan, odayaal, dumar iyo dhalin yarba, waxana ka soo qayb galay dad ay tiradoodu kor u dhaaftay ilaa 100 qof.

Shirka waxa hadal kooban ku furay Xaji Omar Sheikh oo microphoneka ku wareejiyeey Ismail Sareeye oo daadihinayay shirka. Ismail Wuxuu ku nuux nuuxsaday sidii hufnayd ee xilkasnimdu ku dheehnayd ee Dr Mohamed Ali Hure mudaddii 10Ka sano ahayd ee uu xilka hayey u maamulay iyo aragtidii caafimaadka qabatay ee ururka ku hagayey. Waxanu hambalyeey guddomiyaha cusub, Xasan Muhumed Warsame( Hassan Cade).

Shirka waxa wacyi diini ah ku furay Sh. Siciid Mohamed Farah Jirde oo kamid ah culimada dalka ingriiska ku dhaqan kana mida ah dadka GARDO iyo Khayrka ay wadaba taageera. Sh. Siciid wuxuu ka hadlay walaaltinimada islaamka iyo waxa wada qabsiga wuxuna dadka uga digay qaybsnaanta iyo xasad ka, wuxuna tilmaamay inuu xasadku qofka camalkiisa wanaagsan cunayo sida uu rasuulku (CCW) uu inoo sheegay. Wuxu ku booriyey dadku inay isku nasteexeeyaan wixii qaloocana si nasteexa ah loo toosiyo, albaabada shaydaanka ee ay qabyaalada iyo xasadku ka migyihiina layska xidho.

Intaas ka dib Dr Mohamed Ali Hure oo ahaa gudoomiyihii ururka 10kii sano ee la soo dhaafay ayaa si qoto dheer uga hadlay wax qabadkii ururka 10 sano ee lasoo dhaafay iyo mashaariicdii waa waynayd ee uu ururku hirgalieyey, kaasi oo ay ka mid ahaayeen dib u dhiskii cusbitaalka guud ee Gobolka, dhismayaasha iyo qalabaynta dugsiyada kala duwan ee Gobolka Gabiley sida dugsiyada magaalada gabiley, Arabsiyo, Kalabaydh, Tog Wajaale iyo wadada godka. Waxa kale oo uu tilmaamay mashaaricda kale ee ururku gobolka ka hirgaliyey ee loogu talo galay tayeynta wax barashada iyo MCHC yada gobolka, sida computeriska iyo IT classes, projectors, books iyo qalab kale oo kale duwan oo ururku gaadhsiiyey dugsiyada iyo MCHC yada.

Gudoomiyuhu waxa uu u mahadnaqey dhamaan gudiga GARDO ee UK, gudiga GARDO ee Somaliland, shaqaalaha ururka, xubnaha ururka rag iyo dumarba iyo dhalinyarada iyo dhamaan intii kala shaqeysey dhismaha cusbitaalka guud ee Gobolka. Wuxuuna si gaar ah ugu mahadnayo dumarkii kaalinta weyn ka qaatay dhismaha cusbitaalka iyo professor Ahmed Nur Jama iyo Sh Said oo kaalin mug leh ka qaatay dhismaha cusbitaalka.

Dr Mohamed wuxuu gudoomiyaha cusub Ilaahay uga baryeey in uu xilka u fududeeyo, kuna asturo, wuxuuna gudiga iyo xubnahaba ku adkeeyeey in si wanaagsan ula shaqeeyo.

Gudoomiyuhu waxa uu hadalkiisii ku soo gabagabeeyey dardaaran, wuxuna dadka ku waaniyey inay xasuustaan nimcada ilaahay ku manaystay iyo inay wax ka gaystaan tabarucaadka horumarinta gobolka iyo dalka. Waxaanu ku baraarujiyey in danta guud la eego oo aan dan yar oo hoose loo burbirin ta guud. Waxaanu dad waynaha kula dardaarmey in ay isku duubnaadaan, la is cafiyo iyo in la isku dulqaato. Wuxuna dadka kula dardaarmay hal ku dhiga GARDO oo ah isku duubnaan iyo soo noolaynta kalsoonida iyo rajada’ dadka.

Waxa dabadeedna hadal kooban soo jeediyey Ismail Sareeye oo ka waramay duruufaha gudaha dalka ka jira iyo sida ay dadku ugu baahanyihiin tusaalaynta iyo hogaaminta GARDO. Wuxuuna dadka ku diirigaliyey in ayna jeebkooda ka hagranin wax u qabadka gobolka iyo in ay is dabataagaan, taageeraana waxqabadka GARDO. Wuxuuna u duceeyey gudoomiyaha cusub. Wuxuuna dadka ku booriyey in ay la shaqeeyaan.

Xaashi Ali Yusuf ayaa isna tilmaamay in GARDO hana qaaday, Guulo waawayna ay soo hoysay. Wuxuna si gaar ah u xusay in Gudoomiyaha xilka wareejinaya Dr Mohamed Ali Hure uu ahaa nin aad u karti badan oo ay adagtahay in la buuxiyo kaalintiisa. Wuxuuna tilmaamay muhiimada uu wax wada qabsiga iyo iskaashigu leeyahay. Wuxuuna gudoomiyaha cusub Ilahay u baryey in hilka u fududeeyo.

Waxa kale oo shirka kasoo qayb galay Abdirahman Ahmed Mohamed (C/rahman Cawlo) oo ka socday Ururka la yidhaahdo East African Development Trust oo ah urur samo fal oo guud. C/rahman waxa uu tilmaamay Gobolku inuu yahay mid balaadhan baahidiisuna ay badantahay, wuxuuna tilmaamay in ururkoodu uu yahay urur ka tarmay GARDO uuna rajaynayo in la sii xoojiyo wada shaqaynta iyo is kaashiga, wuxuna ku dardaarmay in geedku uu kor u baxo si midho badan looga cuno oo laga ilaaliyo in hoosta laga fadho. Wuxuuna tilmaamay kaalinta muga leh ee ay GARDO ka qaadatay horumarinta wadanka, taasi oo mudan in la taageero, laguna daydo.

Professor Ahmed Nur Jama oo ah dadka GARDO aadka u taageera, hubina ka ah ayaa aad u amaanay wax qabadka ururka. Wuxuuna la dardaarmay dadka aan meesha fog wax ka eegayn. Waxa kale oo uu dadka kula dardaarmay in laga qeyb-qaato dhamaan wax qabadka wadanka. Professor Ahmed waxa uu ku nuuxsaday in waxa la wada qabsado wuxuna soo jeediyey in ururku uu hadda wixii ka danbeeya u jeediyo wax qabadkiisa waqooyiga gobolka ilaa xeebtana wax qabadka la gaadhsiiyo.

Waxa isna soo jeediyeey hadalo guubaabo iyo tusaale ah Ali Aden Meecaad, kabibna gudoonsiiyey shahaado sharaf xubno guduga GARDO ka mid ah.

Waxa kale oo hadalo diirigalin, tusaaleyn iyo duco ah ka soo jeediyey madasha: Abdi Muxumed Bade, Jibriil Ali AQli , Haji Omer Sh Muhumed iyo Xamud ducaale.


Ugu dambayntii waxa halkaas ka hadlay gudoomiya cusub Hassan Muhumed Warsame ( Xasan Cade) tilmaamayna guddida ururku inuu yahay ka dhaliyey wanaagaa iyo sharaftaa laga wada markhaati kacayo. Wuxuna mahad gaar ah ujeediyey gudiidii kala duwanayd ee ka soo shaqaysay ururka. Waxa kale oo mahad gaar ah usoo jeediyey, Sh. Siciid, cabdirahman Cawlo iyo professor Ahmed oo uu tilmaamay taageerada ay had iyo goor la garab taaganyihiin GARDO inay tahay mid aan la gudi Karin.


Gudoomiyaha cusub waxa kale oo wax ka tilmaamay in ururku ku shaqaynayo maamul wanaagii iyo hufnaantii lagu yaqaanay ururka. Wuxuna tilmaamay in waxa qabadka dib loo eegi doono mudnaana la siin doon dadka curyaanka ah iyo ardayda jaamacadda iyo da’yarta oo ururka laga qayb galiyo, wuxuna tilmaamay figradahaasi in ay yihiin kuwo laga baaraan dagi doono kulamada ugu horeeya ee guddida ururka.

Xafladaasi Ururka GARDO ayaa ahayd mid si fiican u dhacday Kalsooni iyo yididiilo cusubna abuurtay. Fariimihii shirka kasoo baxayeyna waxay ahaayeen qaar ay ku dheehantahy isku duubnaan iyo waxa wada qabsi buuxda oo ay yeeshaan bahwaynta bulshada Gobolka Gabiley iyo tan Somaliland ba.
 



Timacade News DesK
London,UK