Shirweynihii Saddexaad ee Xisbiga Kulmiye oo maanta si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay



Hargeysa (TNN):- Shirweynihii Saddexaad ee Xisbiga Tallada Dalka haya ee Kulmiye ayaa ma anta Si rasmi ah loogu soo gabagbeeyay hudheelka Maansoor ee magaaladda Hargaysa.

Waxaa madasha  lagu doortay Hogaankii Xisbiga Kulmiye oo kala Ahaa: Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Guddomiye Ku-xigeenka Kowaad Maxamed Kaahin, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Waabeye, Guddoomiye Ku-xigeenka Saddexaad Cabdiraxman Tanyanle, Gudd oomiye Ku-xigeenka Afraad Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Cabdiraxman Saylici.

Ka dib markii Xubnahaasi Dib loo doortay, ayaa waxa la Guddo galay inta ay noqonayso Tirrad a Golaha Dhexe, waxana laysku raacay in Tirradii golaha dhexe ee hore oo ayd 170 Xunood, Lagu darro 100 Xubnood, iyo Tobban loogu daray Guddoomiyaha Xisbiga, Iyo Toban Xubnood oo loogu daray Madaxweynaha, Lix Xubnood oo loogu daray Madaxweyne Ku-xigeenka, waxa na Tirrada Guud ee Golaha Dhexe laga dhigay ay tahay 296 Xubnood.

Dhanka kale waxa Musharaxnimadoodii ka taasulay Dr.carabeyto iyo Basbaaso oo u kala sharaxnaa Guddoomiye Kuxigeenka Labbaad iyo Xog-yaha Xisbiga.
 


Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland